Q O R A A L

 

Daraawiish

T a f a d h i i g

Xogtay maqashay

Dariqada Axmedia

Mataan Ciideed

Hooyaalayeey 

S o o c a n e

Habar Yoonis

Alif-yeen

 

 

 

 

 Aadan Axmed Dubbe (Gabayxoog)

(1845 - 1920)

  HY - Sacad Yoonis

Somali Poetry

Gabyaagii weynaa ee Aadan Axmed dubbe ayaa gabaygan ka tiriyey gabadhii Tafadhiig la baxday. Qiyaasta sannadihii 1880s ayuu Faarax Afxakame (Bahi Idrays, Dhulmahante) gabadh la odhan jirey Samawada Axmed Siciid ka dhacay nin ay isku reer ahaayeen ayse kala jufo ahaayeen oo la odhan jirey Cali Duullane (Rer Jibril, Dhulmahante).

Markii Afxakame xalaalaystay gabadhii ayuu gabaygan guubaabada iyo tirtirsiga ah u tiriyey ninkii iyo reerkii gabadha laga dhacay. Waa gabayga murti ahaan ugu qiimaha badan suugaantii laga tiriyey sheekada Tafadhiig ee fadlan soo dhammee.

 

Geel waa la kala xoogsadaa, xubin rag weeyaane
wax xiniinyo go'ay xilo ninkii, laga xeraystaaye
Xog ma mooga nimankii fadhiyey, xeradi Beereede
xambaarada ku taal Reer Jibriil, xiiran timihiiye
Cali wuxuu la xadantoonayaa, ximay ku oodeene
Xalwo timira xeedhyaha barnida, malab xawaar dhaaf ah
Dhibaaddii la soo xulay taniyo, xoonkii Habar Yoonis
xubno jeedaleyeey Faarax saw uma xalaaloobin.


M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com