Q O R A A L

  D a n n o o d

  Haddaan fulinnay

  Gabayo googoos ah

  Xasanoow walaal

  murankii ka dhacay

 

 

 

 

 

C/lahi Muuse

HY - Reer Xuseen Gabayo googoos ah

Somali Poetry


Gabayadan qubanaha ah ee uu tirshey abwaankii weynaa ee Cabdillahi Muuse fadlan soo dhammaystir haddaad hayso.

1.Gabaygan wuxu abwaanku ugu jawaabayey Salaan Carrabey oo tirshey tixdiisii caanka ahayd ee MINE oo uu isku dirayey Garxajis dhexdiisa ka dib markuu dareemay inay gar Burco lagu naqsanayey ay kaga hiiliyeen.

Salaanoow iyadu hays dishee, duudda Habar Yoonis
Haddaan duxi marnaba kaa gelayn, diradirayntooda
Ama aanad duul sheegahayn, libin ka deyn qaaday
Ka dan raaco goortay damcaan ha isku duufeene.


Marse haddaad dadkii kala bogsaday, adigu deyn weydey
Darka Beeyo nimankii is dhigay, dooxa Udaweyne
Axmed Faarax iyo Daahirkaad dibuga maagaysid
Miyaa lagu deldeli uunka maad wada dugaadhaysid.


2.Gabayganna waxay isugu jawaabeen Abokor Cawed beyle
Wuxu yidhi Cabdillaahi oo sidaan maqlay gabadh uu rag badan u diidey uu ka guursadey nin Faqiir ahaa oo Axmed Faarax (Habar Jeclo) ahi. Isagoo taas ka xun buu yiri gabay ay ka mid ahayd

Haddii talada lay dhiibayo ooy tayda noqonayso
togdheer waxan ka dhigi laa bad aan laga tallaabayne.


3.Togdheer.
Cabdillahi gabaygan sababta uu u tirshey ma hubo ee adaa lagaa sugayaa inaad soo tebiso oo nala wadaagto;

Togdheer baa calaacalay markuu, tebey raggiisiiye
Inay Burco tolla'ayeey lahayd, taarku noo yimiye
Cabdiyaa tumaatiyi jiroo, tiirka hoos mare'e
Tolxumada waxaa iigu wacan, taagga gubaddoode
Ogoobey Turkiba waa aarsadaa laba talaatiine


4.
Tabantaabaday laba Gacmood tamar ku yeeshaane
Tiska waxa la qaadaa markay tiirisaa bidixe
Hadday midigtu keli taagan tahay tahar ma goyseene



Fadlan soo dhamee haddaad hayso gabayadaas.



 

 

 

 

 

 

 

 

M A Q A L

  More

  More

  More

  More

 

 

Copyright ©2009, Hoygasuugaanta.com