Q O R A A L

  D a n n o o d

  Haddaan fulinnay

  Gabayo googoos ah

  Xasanoow walaal

  murankii ka dhacay

 

 

 

 

 

Cabdillahi Muuse Jiciir

HY - Reer Xuseen Dannood

Somali Poetry

Gabaygan soo socda waxaa Cabdillahi u tirshay ooridiisii oo intay colloobeen uu gogol dhaaf ku eedaynayo. Waa gabay Cabdullahi aan wanaag u tarin oo wixii uu suugaan lahaa gabaygaas uunbaa lagu xasuustaa. Dhaqankii hore ee Soomalida ka mid ma ahayn gabdhah oo la caayaa sidaas darteed baa Cabdullahi looga qaaday magtii gabadha uu aflagaadeeyey oo xaaskiisii ahayd loogana furay. Gogol dhaafka Cabdillahi sheegay shaki buu leeyahay waayo nin afadiisa loo daba maraa ma sheegsheegee ceebtiisuu qarsadaa. Cabdillahi wuxu ku talo galay inaan gabadha looga danbayn sidaan maqlayse waa la guursaday oo danabyo ayay dhashay.
Wuxu yidhi Cabdillahi Muuse Alla ha u naxariistee;
(Gabaygu ma dhamma, manaa saxna)


Caqligaa dabool laga geshaa duul hadduu lumo'e
Durdurkuba hadduu dhagax dulmaro dihanka qoyn waaye
Meeshii dalleela bay biyuhu doog ka bixiyaane

Ruuxii damiin ahi qalbiga waa ka daar xidhane
Dadku haddii wax loo sheego ways darajo dha
Alla dooriyeey hadalku waa kaaga darayaaye

Dundumooyinkoo lala hadlaa damac ma yeeshaane
Dawo malaha naagtii xun ee diidda waanada'e
Doqontii ku yeeshaa wuxuun lagu dabiibaaye

Anunbaa nin doorka u dhashay aan duniba aafayne
Dar Ilaahay waxaan kaa nebcaa dadab-galkaagiiye
Rag bayse dooni buuxdaa baddaa kaga degaysaaye

Dabkayga iyo geelii ayaan durina la i siine
Kugu daalay dhaaxa'e haddaan didibso kaa waayey
Darbo iyo dilliin iyo inaan dirisba kaa yeelo
Saddexdaa midbaan kula damcee adigu soo dooro
.........

Naag yahay Dannoodbaa u weyn harada Doolloode
Duunyada haddii lagu horoo saalo lagu daadsho
Iyaba waa diqowdaa haddaan la isu diideyne

Darka Caynabay kugu masleen derisadeenniiye
Dawgii la marayaa dhexduu deri ku yeeshaaye
Dermadaan la laabini dhaqsay duug u noqotaaye

Duqsigaa ku dhaca xeedhadaan dabaqu saarrayne
Sida doogsin roob kaaga dhereg doobka reeruhuye
Dirxilaha Madheedh waa Cas yahay daawashada guude
Dawliilka baas waxad ku hodi duul an ku aqoonne

Geelaa markuu dararan yahay laba nin duugtaaye
Wax kaloo la darandoorriyaa damac ma yeeshaane
Anigaan ku dirin waadigii damaca waalnaaye
Daydayo haddaan kuu fasaxay debed wareegiiye


 

 

 

 

 

 

 

 

M A Q A L

  More

  More

  More

  More

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com