Q O R A A L

 

  Allaa ku sahlay

  Qooraysoo

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 Axmed Jaamac Max'd

(Axmed Daad)

  HJ - Biciide - Boho

Somali Poetry

Qoorayso


Axmed Jaamac oo loo yiqiin ( Axmed Daad) waxuu kamid ahaa (IHN) abwaanada Reer Ceel-Afwein ee aan weli la daah furin . Axmed Daad oo ka mid ahaa ragga maalqabeennada ah ee miyiga deggan oo lahaa 300 oo geel ah iyo dhawr kun oo adhi ah, wuxuu tirin jirey gabayo gaagaaban oo murtileh.

Wiilkiisa Qaasin oo aan gabaygan ka qoray 25/12/2011 ayaa ii sheegay inuu maalin maalmaha ka mid ah isagoo geeli la jooga meesha kal –Dharable la yidhaahdo kula kulmay gabadh reer magaal ah oo dalxiis ugu timid reero ay qaraaboyihiin. Gabadhii ayaa qaasin qalbiga ka gashay, sheekana waa dhex martay. Gabadhii waxay u sheegtay Qaasim inuu yarad uga bixiyo konton Halaad haddii uu rabo inay miyiga u raacdo.

Qaasimisagoo faraxsan ayuu u yimid aabihiis isagoo u malaynaya inuu ka aqbalaayo soo jeedintiisa. Aabihiis waxuu ugu jawaabay "Toddobada qaalin ee geela ka maqan baadidoon". Laba toddobaad ayay ku qaadatay inuu Qaasim ku soo helo awrtii.

Intii uu Qaasim maqnaa ayaa Axmed Daad waxuu xusuustay oo hor yimid rag badan oo walaalihiis iyo ilma adeeradiisa oo gabdho qoys joogsi ah guursaday, xoolo badana ka bixiyey oo markii gabdhihii udhibaad doonteen reerahoodii la soo qadiyey oo fara madhnaan ku soo diray. Markii Qaasim soo noqday ayaa abihiis u gu jawaabey gabaygan oo ku aaddanaa 1962kii;



Ninkii qiimilaan Qaasinoow, gabay u qeexaaye
Qoladaynu nahay xiditinimo, kuma qadeeyaane
Qumaash kuma helaan xoolahay qayb u bixiyeene

Qoys-joogsigii horeba ways, qaxar jafaynaaye
Raggii Yaaca qaalida u galay, qaalin buu helaye
Qabow dhimo'e waa tay ratiga, qudha u keeneene

Is qalloocintii iyo la waa, qun isu taaggiiye
Qoortii la kala leexin jirey, qiil ka soo noqoye
Digaalena shaluu qolo ku shubay, qaad intuu cunaye

Qalad buu fahmee uma ekeyn, inuu qammaaraaye
Wax Ibraahim qowga uga degey, waa qadoodiga e
Xuseen qaalmuhuu dhuray hadduu, qulub la liitaaye

Cali Muuse qoorkuu galay, baa laga qodaayaaye
Cilmi Jiidhe qaalmahaan ku qubay, iguma qiimayne
Qobtol looma soo rarin markay, qabatay reeriiye

Laba Jaah sey uga qabteen, qabey ma heeryayne
Nin waliba markii uu qabsado, quudhi waa' nirige
Kuwii quudha loo heleyna waa, qonofsi dhaamaane
Qoorayso yaan taladu qaafil kaa noqone!

______________________________

Waxa ku deeqay: Jaamac Cabdi Muuse (jamamuse@hotmail.com)

 

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 


























Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com