Q O R A A L

  Allaa ku sahlay

  Qooraysoo

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 Axmed Jama Moh'd

(Ahmed Daad)

  HJ - Biciide - Boho

Somali Poetry

Allaa Kuu Sahlay

Gabaygan waxaa tiriyey (IHN) Axmed Daad isagoo uga warramaya Aw Cabdi Muuse (IHN)gabadh u
doonanayd oo uu la tegey ina adeerkeed oo Sacad Yoonis ahi. Waxuuna ku waaninayaa inuu dulqaato oo ay arrintani tahay Qader Alle.

Sunne iyo faral, sujuud iyo rukuuc, suuratal Islaamka
Sir iyo caad, Sawaab iyo xummaan, saa’il iyo baadil
Waxaan sabab lahayn Eebahay, sooma uu rogine

Ninba saamigiisuu wataa, seemka aakhiro e
Warka xalayto Sool iyo ka yimid, Beesha Sacad Yoonis
Waa midaanad iga siisanayn, kana sasaysaaye
Allaa kuu sahlee Aw Cabdow sigatay waagiiye.

Yartii saarku kuu qaadaybaa, seeddigaa dhacaye
Saxan laba nin wada haysataa, suura geliwaaye
Suunna umamaaxine? dabkay kaga sullaaceene
Sodduguba sedkii uu fishayiyo, seeji yaradkiiye
Haddaan adiga soof kaa maqnayn samir ha moogaanin.



Cileeye Shire (Jawaab)

Waxaa dhacday in nin Cilleeye Shirre la odhan jirey (Warsame) oo gabadha adeer u ahaa gabaygii Axmed Daad uga soo jawaabey isagoo la hadlaya gabadhii, Waxuuna yidhi :

Allaa kuu sahlee Faadumoy, sigatay waagiiye
Nin sideed habloodliyo sac bay, kuu sasabayaayeene
Adhigii tiraa lagu simay, oo saayid ma lahayne
Saraciina waayahan ma guran, saancadka lahaaye
Xiis-Liqe kuwii uu sigay, baa suuqa dherarraaye
Sako iyo qardhaas laguma helo sabaryar naageede.



Axmed Daad ayaa mar kale qaatay gabaygii


Waxaa dhacday in will uu dhalay Axmed Daad oo la yidhaahdo Cabdi looga yarad bixiyey oo uu guursaday inan uu adeer u yahay Cileeye Shirre. Gabadhii yaradka fiican laga bixiyey ayaa dhibaad doonatay oo reerkoodii muddo ku maqnayd. Waxaa dhacday in galab galbaha ka mid ah iyadoo Axmed daad adhigii mayracayo uu arkay gabadhii oo uub maydho ah xambaarsan. Isagoo gabaygii Warsame ku masaalaya uubkii inanta dhibaadda doonatay sidatay ayuu tixdan soo socota u tiriyey Cileeyey (Warsame).


Arbe reer u weyniba wax waa, aaladayn jiraye
Aqalna lagama waayoo gob bay, aaladeed tahaye
Abtigay Warsame waa waxaan, eedi qabanayne
Maantana ma uubkaa dhan buu odaygii soo dhiibay.


Aw Cabdi Muuse ayaa lifaaq ku daray isagoo la hadlaya Axmed daad si dadban u duraya Cileeye Shire;

Goortuu adduuyada tirsado, aydintii yaradka
Axmed Daad miyaan laga saxayn, xididka eediisa?
Itaal yarida Xaajigu maxuu uunku kula yaabay?

Muxuu nimaan umaamadi karayn, aqal ka raacdeeyey
Ilaah bayna dilaayee Warsame, awr ma soo raro e
Maxaa odayga uubkii caddaa loogu eedeeyey ?



Cilleeye Shire ayaa ku soo jawaabey


Oodane mategin iyo halkay, agabtu kuu tiile
Aroorkii Hudo kalama bixin ugarti gaabnayde
Abay iyo abay baan ogaa aqaladiiniiye

Abeerkii haddaan bixiyey iyo aaran daba jooga
Oon aqalka awrtaan ku raray ku adadkaynaayey
Oo aan anfacadii ku daray iyo aaladdii xididka
Asaan uubidiin soo raray maxaan, shalay ku eedoobey ?



______________________________________
Waxaa soo ururshey Jaamac Aw Cabdi Muuse - 25/12/2011


M A Q A L

  More

  More

  More

 

 




































Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com