Q O R A A L
Qardhasa
cadde
Naqwi gabay
G u h a a n
Q u f r a a n
Majeerteen1
Majeerteen2
Maal an lee yahay
Saalax & Sugulle
Saalax & Sugulle
Allahayoow
|
Saalax Lay-diray & Majeerteen
Saalax Lay-Diray oo
casuumaad ka helay Majeerteen ayaa Cali Sharma'arke oo uu marti u ahaa
ka yaabay murtida abwaankan jiifta sidaa darteed ayuu u cid diray ninkii
Majeerteen ugu maanso-yahansanaa. Cali ninkaas Abwaanka ah ee Majeerteen
oo aannaan magiciisa helin ayuu meel dhowr loo dhaxo uga cid diray
Saalaxna wuxuu ugu gooddiyey inuu ninkii Majeerteen u suugaanyahansanaa
u cid diray oo uu soo socdo loogana fadhiyo inuu u babac dhigo. Saalax
hawraarsan iyo waa sugayaa ninkaas iyo ciddii kale ee idiin hadhayba
ayuu hadal uga baxay. Markii Ninkii abwaanka ahaa yimid ayaa gole weyn
oo la qurxiyey oo ilyartu is qabatay loogu kala baxay labadii abwaan.
Cali Sharmaarke wuxuu ka codsaday inuu Saalax gabayga bilaabo waxaana
tixduu ku bilaaabay ka mid ahayd;
Ma dhurgoho'e waan kala dhilaa dhuubka maansada'e
Ma dhuunto'e dharaartoo cad baan dhalasho baanaaye
Abidkayba gole dhaygag leh, baan dhaaxa ka hadlaaye
Ma dhaygagoe? hadalkii la dhaho waw dheg jebiyaaye
Ma dhursugo'e dhiillada horaan kaga lisaa dhiige
Ma dhiifee dhib niman ii lahayn waa iska dhaafaye
Hadba kii dhirrici igu falaan kaga dhafoorshaaye
Ma dhaawoco'e nabar loo dhintaan ula dhugmaystaaye
Dhallinyaro turbaysiyo waxaan dhaafay shuqulkooda
Ama hadal nin meel kala dhacaan sii dhadhamo yeelan
Abidkayba kaa kama dharsoo dhaawadaan idhiye
Meel laba qabiilo is dhacdaan dhaxi ka yeedhaynin
..... dhagaroobe waataan u dhididaaye
Dhacsiinada halkaan uga bartaan dhawrayaa weliye
Caawana wixii soo dhiciyo dhiilladaan sugiye
Dhalanteed an layguma sabee dhool ma ka hillaacay.
Ninkii abwaanka ahaa ee jawaabta laga sugayey wuu
kacay oo go'iisiina degta saartay. Cali Sharmaarke oon arrinkaas
jeclaysan ayaa weydiiyey abwaanka sababta uu Saalax ugu jawaabi waayey.
Ninkii Abwaanka ahaa wuxuu yidhi "Ninkani warkiisa waan hayaa oo waa
gabay aabbihiis. Aniga iyo qabiilkaan ka dhashayna kelmed xun ma oran
aniguna waxba odhan maayo"
|
M A Q A L
More
More
More
|