Jimcaale
Jaamac Lugay ayaa gabar waa laga soo doonay. Waxaa abwaanka soo gaartay in la
doonayo arin dhaqanka soomalida kabaxsan oo ah in aan lasiin geel iyo fardo
midna ee yarad ahaan loo siiyo lo' iyo awrta la rarto. Markii gogoshii la isugu
yimid intaan hadalka lafurin ayuu gabay afeef ah kufuray fadhigii waana waqtigii
talyaanigu haystay cariga somaliya sida aad gabayga ka arki doontaan asagoo
faaninaya gabadha loo soo geed fariistay waxayna u dhacday sidatan.
Kurta iyo wadnahay nagu tihiyo, kurus dhexaadkiiye
Teer iyo kismanyaa nafluhu, keena leeyahaye
Awr koorleh iyo karinle geel, nama kafeeyaane
Inkastuu kun yahay giirku, waa shey la kaarahaye.
Kadin geela, koox aaraniyo, koromo
goon daaqa
Sange koorihiisii watiyo, qayli kibir diida
Nafteedoo kirliga loo sidoo, kariso looyeelo
Kumanyaalo Liiroo tolkeed, lagu
karaameeyo
Intaasoo karkabo lagu daro, oo kun iyo foorleh
Ninkii keenayoow gabadhu, waa kam iyo siirkaase.
Markay xaajo sidaas u dhacday ayaa waxaa loo soo xiray 10 halaad iyo faras
kumaankum lacaga oo gabaati loo keenay iyo raali galin.
______________
Waxa ku deeqay: Cabdirahman
sheikh Nuur