Gabaygan inta koobani naga soo gaadhay wuxuu ka mid yahay silsiladdii
Daarood-ku-xaar.
Garbo adag haddaanaan ka dhalan, Goray ma naaxdeen!
Gar-duur xerada ugamaan dhigneen, Guri Ogaadeene
Annagoo Gundheeriyo fadhina, gumucyadii Heeryo
Iyadoo gud-gudihii halkii, godanba noo buuxshay
Oo gaadda-weynow ratiga, Galowgu yuusaayo
Warkay geysay Baandadu miyaa, guluf ku soo saaray
Geellimaad aroortii miyaa, nala guddoonsiiyay
Geesaha ma laysaga yimoo, laysu wada guulay
Gegidii bannaanayd miyaa, la isku soo gaadhay
Gariirkii Bombaanaha dabkii, lagu garaacaayay
Gadh-horaadka nimankii lahaa, geeri loo badiye
Gaajana Hartigu waa u qabay, geelna waa rabay'e
Habeenkaa Gafiidha iyo Ilig, kor ugu guureeye
Cara gala Gallaadduu ku dhalay gaannihii rimay'e.