Somali Poetry
Faarax laanjeer oo magiciisa oo buuxa la odhan jirey Faarax Jaamac
Aadan ayaanu helnay arartan ka midka ahayd gabay naga maqan oo uu ku
sifaynayo Jabaabiirtii gabayga ee ay isku xilliga ahaayeen oo uu u
horreeyo Cismaan Aadan Dibi (Guniyo-baar-eeg);
Aaraarta gabay Xiireybaa,
ugu af dheeraaye
Ismaaciil xaleef
bay
amniga, ugu idlaataaye
Ina aadan dibi
baa
lafaha, aad u sii gura'e
Ana alif shed kiisiyo tixaha urursan lay daaye.
Faarax laanjeer oo Ilaahay naxariistii jano haka waraabiyoe aad u jeclaa
Geela oo badanaa gabayadiisu geela u badan yihiin ayanu afartan beyd ka
helnay gabay ka mid ah tixihii uu Geela u tirshey.
Dhudi
qaaday geelu waa waxaan, Dhuuddimow tegeye
Waa waxaan Dhilaalliyo u maray, Dhoodi iyo hawde
Waa waxa dhafoorkiyo I goday, dhabarka feedhaaye
Nin u dhidida mooyee caruur dhaxashay waa mooge