|
Gabaygan aan
dhammayn ee uu tirshey abwaankii weynaa ee Faarax Shuuriye (IHUN) nama soo
gaadhin ujeeddada uu u tirshey, laakiin sida beydadkaan ka muuqata wuxuu si
farshaxannimo ku jirto isugu barbar dhigayaa dhawr shay.
Aasaaska
nimankii lahaa, ururka Soomaali
Iyo aadanii ka aqbalee, amarka nooleeyey
Ee Uniyo oogada Cadmeed, olol sidii kaahshey
Iyo Ferenji oorada ku taal kala ilwaad roone!
Abwaankii fagaaraha hadlee, eray gobaadeed leh
Ee lagu aflaxay xaajaduu, idhamaduu joojey
Iyo doqonta oofaha la gubay kala ilwaad roone!
Asli midabkileey, ooridii, qurux u aabaysan
Ee oogga Waaberi sidii, olol u kaahaysa
Ee reerka loo aamminee, amarka loo dhiibey
Iyo eraya-aafiislewada kala ilwaad roone!
Abeer geela, Ayrada dhashiyo, ololka reemaysa
Ee laba ku aaddiyo ilmaha, ubadka loo reebay
Iyoo Jaafa laga oomman yahay kala ilwaad roone!
Meeshii la wada aadayiyo, aqalka hooseeya
Iilkii nin tegayoo Jannada, udugta loo geeyey
Iyo Ololka Naareed nin galaya kala ilwaad roone!
Ooglaha Gammaan iyo Darmaan samada aadaysa
Fadlan soo dhamee
|
|