Kagase daran Daarood ku xaar dayrta maanta ahe
Hays dul yaalo meeydkoodu waa doqon abaalkeede

 |   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |











 
 

BOGGANI WELI WAA QABYO

 

SILSILADII MARUURYO

 
 

 M  A  Q  A  L

 
  :: SILSILADDII  -  DEELLEEY

Waa faalo Kooban oo ku saabsan Tixdii uu ninka Majeerteen Bilaabay 1978 kii iyo sidii Abwaannada Soomaliyeed uga jawaabeen gabaygii Calaacalka ahaa ee Khaliif Sh Muxumed. Gabayga waxa ka jawaabay rag ay ka mid yihiin Dharbaaxo Jin, Maxamud Dheeg, Cali Xasan Aadan (banfas), Cabdulle Raage, Cali C. Afyare, Nin Hawiye ah oo aan magaciisu weli isoo gaadhin iyo rag kaloo badan. Markii xornimad Somalidu ka qaadatay mustacmaradihii Ingiriiska iyo Talyaaniga waxay Soomaalidu gashay xilli kala guur ah. Soomalida oo nolosheedu ku salaysnayd dhaqanka reer-guuraannimo ee miyiga way yarayd dadka ku baraarugsanaa ahmiyadda xorriyada la helay taasaana dhalisay inay baylah noqoto oo dad dan aan xalaal-miirad ahayni ay dantooda gaarka ah ku qunsadadaan Dawladnimadii la helay.
 

 

 Q  O  R  A  A  L

 
Dharbaaxo Jin vs Khaliif Marruuryo
Dagaalkaas suugaaneed waxa ragga suugaanta u dhuundaloolaa ku soo gebagebeeyeen in Dharbaaxo jin ku guulaystey hadday noqoto, Gabay iyo murti, Asluub suugaamed. Gabayga Khaliif wuxu ku dhacay cay, cabaad, calaacal, cataw, ceebayn dad kale, caqiido xumo iyo ciraabtiisa oo ciishay oo uu ku ciilbixi kari waayey
1.Aftahannimo.
Khaliif oo is diidsiinaya gabaygii dharbaxojin ayaa yidhi
Hadii Qaasin soo marin lahaa kama masuugeene
Dharbaaxo-jin halkaas goldaloollo ayuu ka helay ah inaan khaliif ragaas murti ku gaadhin iyo in raggaas aysan caytamin sida khaliif uu u dhar dhigtayna aysan suubiyeen.
Haddaad tahay muriid aad ahoo miinka ka hingaadsha
Murtidii Gahaydh iyo haddaad Qaasin muhanayso
Maarshaalladaa sare haddaad tahay mataalkooda
Muska maanad jiidheen sidii neef muwaashiyahe
Kamaad soo mujiibteen runtaan miiska kuu dhigaye

Dharbaaxo jin waxa uu tusayaa sida aakhiru-sabanku amuuro hor leh u keenay ee majeerteen murti ugu haweystey maansada macalimiinteedii.
Adduunyadan minkeedii lumii sii mushkiladowdey
Adduunyadan malay dabatadii magaca doonayso
Adduunyadan nimaan muuqan jirin faan la mari waayey
Adduunyada minjaha loo rogee maduxu hooseeyo
Addunyadan majeerteen Isaaq gabay ku maagaayo
waa maan-barrey iyo maan-Bilaal mahadhadoodiiye


Wuxu abwaanku ku xijeyey inuusan ka masuugeen murtiyahanadii Daarood ee maasa tirinta lagu majeeran jirey.
Raggiise aan la maansoon lahaa aakharo u meerye
Raagihii mudnaa iyo Qamaan mawdki baa helay'e
Seyidkii murtida sheegi jirey meel fog buu tegaye
masalooyin Cali-Dhuux lahaa iima soo marine
ismaaciil Miriyo Cumar Dagaanan kaga masuugeene
Adigana inaan kula murmaa way macno la'aane
Mujiibtuba khasaaray ku tahay badaw Majeerteene


2.Cay mutuxan
khaliif markuu arkay in gabaygii laga helay ayuu bilaabay galgalasho iyo inuu
Af-lagaadeeyo hablaha durriyadda. Wuxu yidhi khaliid Sh Maxamud

hablihii mudnaan jirey maxaa magane soo dhoofshey
masjidkii ilaahay maxaa loo mushkiladeeyey


Dharbaaxo jin waxa u bannaanayd laba arimood.
Inuu xeerka islaamka iyo kan umadnimada dhawro oo uusan caytamin iyo
Inuu caytamo sida khaliif oo hablihii majeerteen ee madmadoobaa ee majeerteen caayo. Taas way la noqon weydey isagoo u arkay inaanay hablaha labada quruumood ahayn kuwo la isu caayo. wuxu malaha soo xasuustay murtidii Salaan Carrabey ee ahayd;

Goonbaartu waxay caasidaa midanay gaadhayne
Ma gudboona gaarida sare iyo gibirta naaxdaaye

Wuxu yidhi DHarbaaxo-jin

Waxa jira mashruuc aan la gelin lagana maansoonne
Dibnahaa maroorsama ninkii mawqifkaa gala'e
Ma macaasho kii ceeb hablaha ugu miciinaaye

Majeerteen kuwuu dhalay xabaal kuma madoobayne
Maanshaa-Allee dumarku waa ma-hurtadeenniiye
Waa midho inoo wada dhexoon cidi ka maarmeyne

Midda aad qabtiyo hooyadaa laga mataalaaye
Maxaa cayda mooskaaga taal magane kuu geeyey
macdantii xishoodkiyo maxaa sharafti kaa maydhay


3.Madax iyo Caloosha yaa cuna
Waayadii Somalidu magaalooyinka gashay waxay daruuri noqotay in raggu hotel furtaan oo ay raashin ku kariyaan si ay uga faaiidaan. Arrinka karinta raashinka wuxuu ka ahaa ceeb dhaqanka miyiga sidaa darteed bay Daaroodka qolyaha miyiga ku danbeeyey u arkayeen
in rag raashin karinayaa ay ceeb tahay oo ay Isaaqa ku caayi jireen. madaxa iyo caloolaha dad baa cuna Majeerteenka ku lammaansan oo Sab la yidhaahdo laakiin dhaqan ahaan isaaqu waa ka caagganaa oo ceeb bay ku ahayd.
Khaliif yidhi;

bal maxaa minjaha ugu gaddaan gigan makhaayaadka
maxaa fuudka maradaad qabtiyo mariyey shaadhkiinna


Dharbaaxo jin oo ka jawaabaya arrinkaas wuxu yiri;

Mid kaloo ka sii daran maxaad miinka uga qaadday
Wanka macasha weynliyo maxaad fuud u magawday
Madaxa iyo calooshiyo maxaa maydhaqyada keenay

Marongiga maxaa kugu xaqsaday inad ka maahmaahdo
Mulac iyo mas dabin kuu galoo magac kalluumeed leh
Idinkuba Malaygii qudhmaad madhax ku sheegtaane

Waase lagama maarmaan cuntadu maalin iyo leyle
Masalooyinkaagii maxaa dheri ku meermeershey


4.Is beraanber.
khaliif wuxu yidhi;
iidoorku waa niman mahwiya muranku waa ceebe
Waa niman mahiigaan ka badan ama malaayiine
waa niman magaalada Berbera maal ka dhoofsada'e
hayeeshee marduug qaadi waa meheraddoodiiye


Dharbaaxo oo la yaabban kala hadalka kahliif wuxu yidhi;

Inaan nahay malyuumaad kun oo meel kastaba jooga
Inaan nahay dad wada muuminoo badi mashaa'iikha
Inaan nahay dad magac weyn lehoo midhana loo yeelay

inaan nahay makhluuq aan lahayn meelo laga caayo
Ma og tahay markhaataad furtoo uunku kaa maqalye
Micna yare midhkii kaa ku xigey seegtay marinkiiye

Malaa'iigta Eebbiyo inaan Maxamed(CSW)caayayno
Inaan nahay maroongiga dad cuna maalin iyo leylaba
Inaan nahay macnaha dawladeed dad an muraadeynin

Inaannaan masuul qaban karayn maamulada guudka
Ma og tahay markhaatood furtoo uunku kaa maqalye
labadaba aduunbaa marshoon mid u dhaxaysiine

Micnahaad u jeedana dadkii maandhow garan waaye
maskaxyare, malay hadhig ku dabe muramo naagodle
Macaan iyo qadhaadh aan is geyin meel isugu geeye

Masalooyinkiisii shalay maanta garan waaye
Masayrkii tolkii lagu naciyo gabay majeerteenle
mabda' iyo ujeedadu lahaa muujin garan waaye

Maqalkiyo miskiinyohow indhaha laga madoobeeyey
dad aan kula martabad jooginbaad maag is leedahaye


5.Dawladnimo vs madaxnimo
labada nin midna Wuxuu ka gabyay dawladnimo iyo Calan midna madaxnimo qabiil lagu doonto bal ila fiiri akhristoow;

Muqdishiyo hargeysaan ahayn labada meeloodba
isticmaarku goortuu ka kacay labada meeloodba
Ee muunays hashaadii dhashee muraha loo qaatay

Mulkigeeda waatii rag kale kaa maroorsadaye
sidii inan makaan loo dhisoo loo mashxaradaayo
muqdishaad u geyseen xornimo madal dharaareede
maxaad aniga igu maadsataa lagu muquuneeye


Dharbaaxo jin oo hal-raacaya Khaliid wuxu ugu jawaabay

Taariikh la soo maray haddaan dibuga maansoodo
Muqdishiyo Hargeisaan ahayn waa midkaad tidhiye
Maalintuu gumeystuhu ka kacay labada meeloodba

Mulki aan lahaa iyo inaan dawladnimo muujey
Mirtii dhexe inaan calan mutuxay qiratay maandhowe
Haddaad mooddey maandeeq in xoog lagu muquunaystay

Waad maqashay mooyee adaan joogin madashaase
Way ku mala-habowsheen kuwii maabka kuu qoraye
Macnihiyo ujeedadan lahaa waa wax kaa maqanne

Waxan nahay masayr dad an u dhalan sida majeerteene
Calankoo midoobaan rabiyo dawlad magac weyne
Shantii kala maqnaa baan lahaa meel isugu keen'e

 

Calankii iyo xorriyadii la helay waxay durbadiiba u soo muhday horrorro aan hiilkeeda gelin markii shacabka Soomaliyeed intiisa badani ka dhiidhiyeen heeryada gumeysiga. Dar badan oo kuwaas ka mid ahi waxay la safnaayeen gumeystihii talyaaniga ayadoo loo adeegsan jirey in la isku hortaago halganka xawligiisu maalinba maalinta ka danbaysa soo kordhayey. Waxay bilaabeen inay kala furfuraan shacabkii meel u wada jeeday isla markaana iyagoo ka faaideysanaya dulqaadka iyo xushmaynta shacabka waxay bilaabeen inay sidii xarka u galaan ruuxiyadii Soomalinnimo oo ay aakhirkii burburkeeda u sabab noqdeen.  Weligeedbaa dhagarqabe ka faaideystaa dheeliga ummada'e, markii dadkii iska soo taageen kahrbudaadii dadka tirada yar ee Bari ka soo doolay ay ku kala dillaalayeen ayaa horor kale ka faaideystay isagoo isaguna adeegsanaya Ciidankii Qaranka oo aan iska dhaadin himilada qarsoon ee hororkii Afweyne. Kooxihii dufan-jecesha ahaa markay waayeen hadhuubkii ay hareeraha ka leefi jireen waxay damceen inay manjaxaabiyaan Hororkii horrorradaas ugu weynaa taasoo ay minjo dhiigle kala hulleeleen.


1978-kii ayay kooxaha hore oo u hamuumaya hoggaanka hasha ay haaneedkeeda ku caana maaleen waxay Injiqlaab dhicisoobey ka rideen dalka ayagoo malaha tamanniyey in maadaama ay hororka hayb wadaag yihiin in xitaa haddii hadafkoodu hirgeli waayo aanay hantaaqo weyn la kulmayn. Afweyne oo waagaas shaadh Waddaninimo hullaabtay si aan loo garan wuxu dabar jaray kooxihii isku dayey inay
maamulka ka maroorsadaan.
Nin ragi waa hoog iyo ba' u jooge, durbadiiba waxay kooxdaasi bilawday cabaad, cataw iyo cay ay "guubaabo" ku magacaabeen oo shacabkii aanay talo gelin ku hiifayaan.
Khaliif Sh Maxamuud oo mawjadaha gabaygu sidaan ayaa markaa bilaabay Silsiladda "Maruuryo" oo aannu ugu magac darnay cabaadkiisii ahaa;
Maruuryoodayeey xalay miyaan miray calooshada

Xali Xasan Aadan Banfas oo ka mid ah abwaannadii ka jawaabay gabayga ninka "Majeerte" waa kii lahaa.
Rashiid iyo Cigaal maalintuu mawdku kala reebay
Raahibkii Talyaaniga ka hadhay raarta sare fuulye
Raqba waa rageedee shalay waad ragragateene
Riddo dhiigle waan kula jeclaa raysna daba yaale
Waxaad ruubateen maalintaa dad iska reebteen
Majeerteen siduu rabay hadday run ahaan weydey
Adaa raaf-dilaacaye anigu kuma ragaadsiine
Haddaan kaag rogi laa adaa igaga riiq dheere
Hadaad raaxo joogtiyo hadaad raran gubyooneyso
Weli raranki maad gelin cagaa nagu rogeyseene
Adinkiyo Ba Raabaco dheryaha waysku ridataane
Ruugcadaadigaa haysta iyo adigan riixaaya
Hadba raarta kiinii galaa waysla ruga geyne
Raambaha haddii lagu turbo raani iyo baashe
hadba Yeekahaa nagu rogtaan waysla ruga geyna
Reerkii aad kala daadiseen muu rafaad bixine
Rakaabada sidaa uga cunteen rayna degi waaye
Sidiibay raraaydu u baxdaa roobna urin waaye
Raaskaa yaree maamula iyo adigan rawrawle
Hadba calanka kiinii rahmaa waysla ruga geyne
Waraabahaa rabayseen hadduu cunayo ruuxina
Ridaan gees lahayn riyuhu? idaha raacshaane
Ra'yigaynu kala haysanaa waysla ruga geynee

Cabdulle Raage Taraawiil oo ka mid ahaa caalinkii ugu weynaa xagga Suugaanta muddooyinkii danbe ayaa isna la
yaabay dirediraha ninka majeerteen. Cabdulle Raage, ilaah ha u naxariistee, isagoon jeclaysan abaalxumada Khaliif
reerkooda ee ay weliba afxumada ku darsadeen ayay isna gabaygiisa ka mid ahaayeen;
Macbudkii na kii dhaafiyey aan mahadinaynaa
Mus ka soo dhac iyo cayi waa meheraddiiniiye
Idinkoo madhsaday xeedhyahoon madhax idiin oollin
Haddana inaad masala doontahaan maanka ka arkaaye
Anigoo masuul qaransidoo sharafya maamuusle
Dad maxaysato ah lama tirsado oo masaafuray
Iyagaaba malaggood galoon madax bannaanayn
Adoo mudhuxsan oo qaawan baa meel lagaa helay
Maraay aa lagaa soo dejiyey maalin duhurkii
Markhaatina waxaa lagu hayaa maqalyo taariikh
Adigoo maqaar bahalle iyo aadmi madixiisa
Markaan ku arkayoon kaa samroo kaa moral jabay
Murdisadi aad iga taabataan maydhay toban jeer
Marjafkii ninkii kaa jaree marada kuu iibshey
Markaad dheregtey inad caydo waa Garac maqaankii
Mushkiluu dhaxlaa ruux kastee wacal masruufaaa
waa waxaan minhaaj iyo ku dhalan meher xalaaleed
Oo aan muftiyo hooyadiis macallin loo geyn
Marti kibirtey waa ba'antay iyo magan cadhootaaye
isa soo mutuxa waa waxaad naga macaashtaane

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

   
   
 
 
     
Copyright 2000 - 2003  HoygaSuugaanta.com