|
Geeraarkan waxa
tiriyay Alle ha u naxariistee abwaan Xaye Galaydh Faarax iyada oo madasha uu
ka tiriyay ay hayd mid lays hal xidhaa laynayay:
Gool qalan wan gawracan, baruur gobolo waaxyeeysan
Goosarad xalaawiya, bariis geedo cadameed leh
Gasiin wadda xalaala oo, martidu gaajo kaga yaacdo
Googeysan maynee ninkii, garanba weydiiya.
Gudcur magan gooyo oon, iftiin galac yidhaa muuqan
Bada ooy gufaacadii kacday, oo gacamadii dhaaftay
Nin gunteeda quusay oo, saq dhexe giniyo soo qaatay
Googeysan maynee ninkii, garanba weydiiya
Ashkir goloyo iyo meydal oo, naddi la gaadhsiiyay
Oon diin gurguurtiyo haween, guri la boobeynin
Googeysan maynee ninkii, garanba waydiiya
Waraha oo galacle, oo haraad gubayo jiidhkaaga
Cir gariirka lala yaabayo, oon geedo bixinaynin
Googeysan maynee ninkii, garanba waydiiya
|
|