Q O R A A L

 

Geeridii Olol

Kala haleelowye

Sifayn dumar

Saddex wayga...

 

 

 

 Shirre Axmed Faarax

(Shire Wiririf)

  HJ - Biciide - Basanbur

Somali Poetry

Kala haleelowye

Waxaan ka qoray Moxamed Caabi (Ududuxmiin) 28/01/2012


Cirka haybaddii waa haddii, hugun ka yeedhaaye
Hiirtaanyadii waa haddaan, hoosba loo dhigine
Mar haddii hillaacu isu baxo kala haleelowye.

Ragga haybaddii waa hadduu, wada heshiiyaaye
Hiirtaanyadii waa hadduu, kala hagoogtaaye
Hanjabaad haddii laysu galo kala haleelowye.

Geela haybaddii waa haddii, heelku weyn yahaye
Hiirtaanyadii waa haddii, habari maashaaye
Marse haduu horweyn badan ku dhaco kala haleelowye.

Faras haybaddii waa hadduu, heenso leeyahaye
Hiirtaanyadii waa hadduu, guluf ku heermaaye
Mar haddii dagaal lagu hawiro kala haleelowye
.

______________________________

Waxa ku deeqay: Jaamac Cabdi Muuse (jamamuse@hotmail.com)

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com