QORAAL

  Xuska Abwaanada

  Aqoon xumo

  

  

 

   Xuska Abwaanada   Aqoon xumo  More.
Xuska Abwaanada Qorane  More.

Axmed Colaad Digaale "Qorane"

Garxajis - Ciidagale
Tixda: Aqoon xumo

Gabaygan oo tirintiisu ku aaddan tahay bilowgii shirkii embagati ayaa wuxuu abwaanku kaga hawaalo warramayaa dhaqdhaqaaqa ka socda waddanka gaar ahaan xabashida iyo kuwan ay ku adeegato ee iska waraabe utagga ah iyadoo aynu ognahay in hababka cusub ee isticmaarku la soo baxay ay ka mid yihiin in dal markaad qabsanayso horta hantido cid kamida sidaynu ka aragnay Maraykanku markuu galaayay ciraaq iyo afqaanistaanba

wuxuu yidhi abwaanku:

Abshirow ayaamahan colbaa soo abaabulane
Arrimaha gumaysigu watiyo urur la'aanteenu
Waa waxaan la uugaamayaa oogta waabariye
Way kala irdhawdee illaa laysusoo ololo
Oo dar'aan shareecada inkirin amarka loo dhiibo
Ayaan weeye gaalada waxay kaga adkaataaye
Ayaxuba ugaas kaliyabuu daba aguugaaye
Ogoobeey allaylkii ma gudo saad u aragteene
Ammin gaaban goortay tahuu amarka siiyaaye
Iftinkiyo aroortuu halkaa ka intiqaalaaye
Balse wuxuu abbaaraa halkuu ubax ka muuqdaaye

Markaasuu abuurkiyo midhaha eber ka yeelaaye
Sidii uuro roobaad markuu samada uugaamo
Aadmigu wuxuu kaga baqaa waa iskaashiga'e
Haddii aanu ushaa qudha ahayn lagama ooyeene

Addimadu ma ciidmaan hadday adhaxda beelaane
Iyaguba israacay laxaad adag ku yeeshaane
Ordimaayo ruuxii xubnaha laga asiibaaye
Haddaan erey abwaan hore ka tagay idin ogaysiiyo

Aboorkuba allaylkuu dhistaa aqallo waaweyne
Markuu ururay daartuu abyaybaa la ashqaraaraaye
Ilkuhu wada jirkooday hilbaha adag ku gooyaane
Hadday iniba meel taagantahay adhax ma feenteene
Itifaaq la'aan laguma helo lib iyo iimaane

Waxba yaan amuuraha dhex galin aqalka noo yaalle
Umadaha adduunyada dagaa kala ayaan roone
Qaarbaa Amxaariyo Yuhuud lagu ijbaaraaye
Badhna waa islaam wada jiriyo uliyo diirkeede
Falastiin sidii loo amimay waydun aragteene
Imikay la eedaadayaan eelkii berigii e
Innaguna la ologbaynu nahay aragtidaydiiye

Labadaba ninkii aaminaa waa allow sahale
Adiguba bal eegoo markaad dhab u ilaalayso
Inkastoo ixsaan loo faloo eeda laga dhawro
Waa waxaan abaal kuu gudayn oon axdi lahayne
Ammintaynu joogniyo intaan oday ka soo gaadhay
Asay dumar ku raagtiyo colbaa noo asal ahaaye

Xabashidu ninkay aamintee loo arriminaayo
Ee sida addoontoo kaliyo ey la diranaayo
Ikhyaar ma laha oo kaasi waa awr la dhaansado'e
Niman yahow aqoon xumada waa lagu asqoobaaye
Rugta ilo xidhkeediyo halkuu ubadku kuu seexdo
Abees laguma beeriyo maskii aadunka ahaaye
Arxan nama dhexyaallee waxay ku andacoonayso
Waa hadal afkuun laga yidhoon uurka sii jirine
Aradkiyo dalkay maagantahay inay afduubtaaye
Ugub maaha taarikhahaan kuu akhriyaaye
Axmed gurey ayaantuu kacuu aabiga u laayey
Eebada wuxuu ula dhiciyo owlaxiyo seefta

Abrihii kacbada weeraray ka isirraayeene
Xaqqa se kuma ijbaarine intuu soo arriminaayey
Hadba wuxuu ergooyoo wacdiga u amba qaadaaba
Ashahaata waatuu ku yidhi odayadoodiiye

Waxay uus xabaashiyo haween uurka laga dooxo
Anshax xumo madaysee markii laga ammaan waayay
Ayaantaa ayaantii xigtaa oodda loo rogaye
Amranow darwiishkii markuu agabka soofeeyay
Jidka adari loo maro markuu ka ololaynaayey
Orto dhogoska goortuu eryee kaga ilmaysiiyay

Waxba nimaan ogaynbay la tahay inay illaaween
Arbow maxamed iyo maalmuhu aadan talinaayey
Hubka lagu idlaadiyo markay oloshay baaruudu
Uluuf kama yarayn ciidankii aakhiro u kacaye

Afartaa dagaal waa intuu caalamku ogaaye
Ammuuxaa ka badan ceebahan qaar asturyaaye
Waxba gabaygu yuu ila ordine waxan ku soo ooday
Islaamkiyo kufrigu waa col'aan abid heshinayne
Shirkan igad albaabka u furtee udubka loo taagay

Haddaan eegay sida loo alkumay amaan ilaaleeyey
Ujeedooyin kala goonniyaa loo agaasimay
Hayeeshee axmaarow horgala una itaal roone
Annaga iyo itoobiya intii aafo kala gaadhay
Ilama aha soomaali way ururin doonaan

Utun naga dhaxaysaa jirtoon abid gaboobayne
Imikay u aardoonayaan aanadii hore'e
Ahey malaha soomalidaan wax'u iftiimayne


Waxa ku deeqay : CabdilCasiis Axmed Colaad

MAQAL

  Xuska Abwaanada

  Qorane

  More

  More

  More

 

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com