Jaamac Xirsi Guuleed " Ina Dubbe" (HY)
Gabaygiii Kalagooye ee Yawle waxa la sheegaa in 300 oo nin oo
Xirsi Cismaan u badani ka jawaabeen balse kicin waayeen.
Nasiib darro gabayadaas ma hayno taasoo muujinaysa suugaanta
luntay ee aan dadkii lahaana ogeyn oo qiiroba ugu jirin.
Gabayadaas waxa ka mid ah gabaygan 3-da tuduc naga soo gaadhay
ee uu tirshey Ina Dubbe
Afku adiyo Yawleba ka noqoy akh iyo
xaaraane
Adba Aadan Caws baad Xirsiga ku eryanaysaaye
Ma illowdey Suusleba ragbaa aabbihii dilaye |