KUMUU AHAA GUN-IYO-BAAREEG
Suugaantii iyo Taariikh Nololeedkii(1900/1980
Abwaan Cusman Adam Ismaaciil – Gun iyo Baar Eeg.
Hordhac:
Abwaan Cisman Adam
Dibi oo loo yaqiin Gun iyo Baar Eeg wuxuu ku dhashay deegaanka gobolka
Togdheer, gaar ahaan magaalada Beer xilli ku beegnayd 1902. Cusman
xilliga uu barbaaray waxay ahayd xilli ay taagnayd tartan iyo xifaalo
suugaaneed oo ka jiray jiidda uu ka dhashay oo u dhexeeya beeshiisa
iyo beesha bariga ka xigta. Abwaanku wuxuu gabayada bilaabay isaga oo
aad u da’yar. Gabaygu wuxuu ahaa mid uu hiddaysanayo maadaama aabbihii
Adam Dibbi uu ahaa nin gabyaa ah oo leh gabayo iyo murti badan oo
dhaxal gal ah. Sidoo kale walaalkii Cumar Aadam Dibbi ayaa isna ahaa
gabyaa weyn.
Haddii aan qaar ka soo qaadano gabayada aabbihii iyo walaalkii, iyada
oo ay Soomalidu tahay xoolo dhaqato reer guura ah noloshooduna ku
xidhan tahay xoolaha ayaa xanaanada iyo ilaalinta xooluhu waxay ahayd
shaqada ugu badan ee dadku qabtaan. Xoolo raacistu may ahayn mid dadku
ka hawl gabaan ee qofku waliba sida uu xoolaha ugu foogan yahay ayuu
ku dhiman jiray.
Waxaa dhacday in Aadam Dibbi oo odoyoobay, itaalkiisii iyo
waxtarkiisiina gabaabsiyay uu maalin maalmaha ka mida uu inankiisii
Cumar ku yidhi aabo maanta geela raac, Aadan Dibi isagoo tixgelinaya
codsigii wiilkiisa ayuu maalintii sidii geela kuraacay. Odaygii oo
maalintii tacab u soo dhammaaday ayaa habeenkii markii uu geelii soo
xereeyey intuu dab weyn shiday wiilkiisii Cumar iyo raggii kale ee
guryaha joogay isugu yeedhay, ka dibna u mariyay gabay uu kaga warramo
cimriga uu joogo, hawsha loo diray ee geel raacista iyo dhibaatadii ka
soo gaadhay, isagoo dhinaca kalena raggiisii xasuusinaya iyo wiilasha
facooda ah ee beeshooda ka tirsani aanay aabayashood geel u dirin.
Wuxuu Aadam Dibi yidhi:
Nimanyahaw gankaan ahay ragbaa geel iraacsadaye.
Sida gallowga iyo fiinta oon gelis ka yaabaynin
Sidii aan goblamay foodhidaan giida ku hayaaye
Gacmahayga kama tuujiyeen goror habeedaade.
Wallee gabanaddii aan dhaloow gacaladay reeban.
Markii Cumar Adam Dibi oo ahaa ninkii odayga maalintaa geela u diray
uu gabaygii dhegaystay ayuu isaga oo is difaacaya ayuu gabaygan
aabihiis ugu jawaabay. Cumar wuxuu tusaale u soo qaadanayaa odayaal
aabihiis la gado ah oo beeshooda ah oo aan geela maalin keli ah ka
hadhin kana dhexbixin:
Guntigaab ma furo Ciise Goray goor iyo allayle
Cawad Sowdhe gabanka uma diro gaagaxsiin yaha'e.
Goobaar la mood Maxamed Madar gooxuu yuururaye.
Gurigiyo carruurtaba ninkii gaadhi kari waayey ,
Gucladii u dhigay Aw Siciid gacalo weeyaane
Aabbow gartana waad taqaan guuna waa tahay
Ama geedka joog maalinta rag is gadhxiiraayo
Ama geela raac talo adduun gurubsi weeyaane
Murtida iyo abwaanimada Gun iyo Baar Eege waxay dhaxalsiisay inay ku
hal qabsadaan marar baddana ku taamaan raggii kale ee abwaanada ahaa
ee beeshiisa iyo beelaha kaleba ka kacay ee ay isku xiliga ahayeen iyo
kuwii ka dambeeyay labaduba. Abwaankii weynaa ee Salaan Carrabay isaga
oo u baanaya beesha Cali Dhuux oo xifaaltan gabay ka dhaxeeyay wuxuu
xusay in ragga beeshiisa ka mid ah ee uu aad ugu kalsoon yahay uu
safka hore kaga jiro Gun iyo Baar eeg. Mar uu Salaan Carrabey u
goodiyayaay beesha Cali Dhuux waakii lahaa isagoo tilmaamaya, kartida
suugaaneed ee guniyo baar’eeg sidatan.
Intooda gabayda oo idil hadii laysu wada Geeyo.
Gammuutiyo keliyaa igaga filan Gun iyo Baar Eeg".
Sidoo kale Gabyaagii Aadan Carab oo ay isu gabyeen nin abwaan ahaa oo
la odhan jiray Mire Gudhidin oo ka soo jeeday beesha (Gun iyo Baar Eeg)
ayaa muujiyay inuu jeclaan lahaa inuu gabay la wadaago Gun iyo Baar
Eeg ayaa isna yidhi :
Haddaan Guniyo Gaar'eeg afxumo guuna laga keenin.
Gundhidin iyo gabaygiisu waa geed iskaga laale.
Sida la sheegay markii gabaygaasi soo baxay ayaa Gundhidin geed koray
wuxuuna sheegay inaanu geedka ka soo degyen ilaa iyo inta Gun iyo Baar
Eeg gabaygaa Cabdi Gahayr wax ka odhanayo. Cismaan Aadam Dibi oo ah
Guniyo Baar'eeg, ayaa ugu jawaabay Cabdi Gahayr gabay dheer oo ay ku
jireen midhahani:
Intaad aniga igu geedi tahay ama I goobaysid.
Gudhidin iyo gabaygiisu waa gummuc rasaaseede.
Maxaad geed kulaashaa, illaah kugu gallooleeye.
Nin ka mid ah abawaanada dambe oo magaciisa la yidhaaho Maxamuud
saleebaan xirsi laguna naanayso (Ina Walad Baas) oo ka hadlaya murtida
iyo ragga ilaahay dhaxalka u siisyay ayaa isna wuxuu yidhi Ina Weled
Baas.
Afartaa daruur gaaxatiyo.galalacdaydii dheh.
Onkod galaba, jibin goohday iyo garasho waayeel dheh.
Gurxankii Salaaniyo naxwihii,Guniyo Baar'eeg dheh.
Sida Magacu ugu Baxay Xilliga uu Cisman Adam Dibi noolaa waxay ahayd
xilli inanta guurkeeda laga eegi jiray beesha ay ka soo jeedo oo
qiimaynta kowaad ay lahayd qabiilka inantu ka dhalato. Cisman Adam
markii ay gashay hawo guur ayuu bilaabay inuu indho indheeyo reerkii
uu ka guursan lahaa isaga oo si gaara isha ugu hayay beelihii markaa
la kala guursan jiray ee ay isku deegaanka ahaayeen. Muddo markii uu
guur u meer ahaa, ayuu Cisman tiriyay gabay aad u dheer oo uu faalo
kaga bixinayo hablaha reerihii uu yaqaanay. Waxa uu gabaygaa ku
xusayaa qabiil walba god daloolooyinka uu hablahooda ku arkay ee aanu
ku doornayn. Waxa uu si gaara ugu fogaaday qabaa’ilka dega bariga
Somaliland oo ahayd halkii uu ku dhashay kuwaas oo uu iyaga jilibjilib
u faalleeyay halka uu beelaha kale duuduub isugu qaaday. Habka gabaygu
u dhacayo waxay ahayd inuu marka hore qabiilka uu ka faalloonayo
magacaaabo isagoo ku xijinayay tuduca ah "….Gabdhahooda waaweyn
haddaan gun iyo baar eegay". Tuducaas oo ahaa (hooriska gabayga amaba
dhextaalka ) ayaa ahayd halka ay ka soo jeedo naanaysta abwaanka ee
(Gun iyo Baar Eeg.) . Cusman isla gabaygaa wuxuu kula baxay naanays
kale oo uu abwaanku can ku ahaa ahaydna (Dhulqas). Kuwaasoo hadheeyey
magaciisii dhabtaa ahaa ee Cisman Adam Dibbi. Waxa la yidhi xilliga uu
Cismaan gabaygaa tiriyay waxay ahayd xilli beelaha dega Burco ay
colaadi dhexmartay, xakuumadii Ingriiska ee dalka ka talin jirtayna ay
soo rogtay sharci xaaraantimaynaaya in la tiriyo gabayada ay ku jiraan
magacyada qabiilku maadaama uu gabaygu ahaa shay dadka kiciya oo sii
shidi kara colaadaha. Markii gabayga abwaanku fiday ee la maqlay waa
la soo xidhay. Hase yeeshee markii gabaygii la fasiray waxa loo
aqoonsaday inuu yahay gabay aan fidmo wadin laba qabiil oo keli ahna
aan xusayne ay dhammaan qabaa’ilka Somaliland kuwada xusan yihiin.
Sidaasaana abwaanka lagu sii daayay. Guurkii Gun iyo Baar Eeg Cisman
Gun iyo Baar Eeg oo gabaygiisii uu hablaha qabiilooyinka ku faalleeyay
weli cusub yahay lana hadal hayo bal reerka uu ka guursan doono ayaa
maalintii dambe u soo geed fadhiistay gabadh la yidhaaho Ina Cadood oo
qabiilkeedu ahaa Reer Hagar. Taasi dad badan ayay fajiciso ku noqotay
waayo reerka ay gabadhu ka dhalatay waxay ka mid ahaayeen beelihii uu
hablahooda lahaa “guur u dayan maayo”. Abawaanku markii uu
faalleynaayay qabaa’iilka waxa uu ka yidhi reerka uu gabadha ka doonay:
Markaan galay guryaha reer Hagar gogol cas
leykeenye.
Gabdhahooda waaweyn markaan gun iyo baar eegay
Guumihii Hayaag loo hayiyo gaban yar weeyaane
Iyana guulahaybaa jiree guur u dayan maayo."
Cismaan markii la weydiiyay sababta uu uga guursaday reer Hagar wuxuu
ku jawaabay "gabantii yarayd ayaa soo kortay" Sidii dhaqanku ahaa
markii uu usoo geed fadhiistay nin layidhaahdo Cadood oo uu kasoo
doonay gabadh, waxa Cismaan lagu xidhay inuu keeno boqol halaad oo
yarad ah. Iskuma xiline wuxuu markiiba soo tubay boqolkii halaad. Hase
yeeshee markii geelii la keenay gurigii reerka inanta laga doonaayay
ayay nimankii ay inantu ka dhalatay oo si fiican u yaqaanay geela reer
Adam Dibbi isla markaana filaayay hal ka tilmaanayd geela oo la odhan
jiray Maahir in yaradka la soo raaciyo ayaa arkay hashii Maahir oo aan
geela yaradka loo wado ku jirin. Cismaan markuu maqlay iyada oo la
leeyahay “oo geela hashii Maahir kuma jirtee waa sidee” wuxuu markiiba
dib ugu soo noqday aabbihii si uu hashaa ugu soo kordhiyo geela. Waxa
uu tiriyay gabay uu marka hore odayga kaga dhaadhicinayo gabadha uu
doonay isagoo xagga dambe ee gabaygana ku soo daraya in waxa hadda
gabadhaa intaas oo ammaana uu ka sheegay ka hortaagani ay tahay hasha
Maahir. Gabaygiina waa kan:
Aaboow malaa waanad arag midab haldhaaleye.
Aaboow mankii Faarax iyo madaxdi weeyaane.
Aaboow ma meermeeri karo mayaynasoo hoorye.
Aaboow Midgaankuna sidaa igaga miisroone
Aaboow qabiiliga madhwayn haygu madiyeyne
Aaboow marbaa igu hadhoo mooshinkii ridaye.
Aaboow inlay meheriyaan maanka kuhayaaye.
Aaboow rag manidiisu waw madhax samaataaye.
Aaboow hashii Maahir baa magacu saarraaye.
Cismaan markii uu aqal galay wuxuu noqday nin inan layaal ah oo
ladegan reerkii uu gabadha ka guursaday,Markii uu todoba baxay wuxuu
damcay inuu tijaabiyo xaaskiisa iyadoo ragu meelo badan gabadha
katijaabin jireen wuxuu usheegay xaaskiisa inuu tegaayo xagaa iyo
reerahoodii mudana kumaqnaanayo waxaase lasheegay inaanay ka ahayn
dhab ee uu rabay gabadha uun inuu jirabo, subaxnimadii ayuu dhaqaaqay
gabadhiina kuyidhi waan tegeyaaye aabahaa sidaa ugu sheeg. Guniyo
Baar'eeg markuu libdhay mudo saacad kudhowna uu maqnaa oo uu
fadhiistay geed aan kafogayn guriga ayay ina Cadood oo ahayd xaaskiisa
ay dhaqaaqday iyana oo ay uwereegtay reerkoodii kuna tidhi odaygii
saakuu naga tegey oo uu aaday xagaa iyo reerahoodii. Abwaanku waa
intuu rabay gabadhii markay kabaxday aqalkii ayuu usoo daba marey
maalintii oo dhana wuxuu joogay aqalkii oo sidii ayuu gabalku ugu
dhacay. Marwadii abwaanku oo ah Ina Cadood weli waxay kulaalan tahay
xagii gurigii hooyadeed,markii shaacu madoobaaday ayaa hooyadeed waxay
ku tidhi orod hooyo habluhuna caawa xagaa hakula joogaane gurigii
tagoo bal dabka shido. Marwadii abwaanku waxay kasoo hormartay
hablihii oo ay kutidhi iga daba kaalaya aad caawa ii wehel yeesheene
waxaay kusoo laabatay aqalkeedii oo ay maantoo dhan kamaqnayd oo
madoow,waxay hulaaqisay dabkii. Guniyo Baar'eegna wuxuu maantoo dhan
ku fadhiyey suradii aqalka markay iftiimisay aqalkii waxay dareentay
in aqalka lagu jiro oo dhaqdhaqaaq ayay dareentay waxay aragtay
odaygii oo kufadhiya surada aqalka kadibna waxay waydiisay “oo hadaad
soo noqtay ana aan maqnaa maxaad gogosha ula soo kala bixi
wayday”,markii ay u soo qaaday gogoshii oo ay rabto inay kala bixiso
ayuu gabaygan tiriyey wuxuuna yidhi:
Anigoo dhibtii socod qaboo dhereran oo taagan.
Waa dhimasho gogoshaad hadeer dhigo tidhaahdaaye.
Dhawaaq laguma karo naagahaa dhamacda Daaroode
Dhashooda iyo way jecel yihiin dhaqanka xoolaha,e
Dhegta kama maqlaan ruux haduu maalka dhaafsado,e.
Dhafka aniga hay moodin iyo dhoobi iyo saare,e.
Sidii reero dhiniciina yaal hay Dhulbahantayne.
Dhirbaaxaan indhaha kaaga jari dhiif anoo qabo,e
Dabadeedna dhaartii cuslayd wayga dhowdahaye.
Guniyo Baar'eeg iyo Cali Dhuux Xilli lagu jiro abaartii la baxday
Baaha oo dadka qaarna u yaqaaniin Maadh Gembiya oo ku beegnayd 1928kii
ayaa dawladii Ingriiska ee berigaa maamuli jirtay Somaliland waxay
samasay xarun ay isugu keentay dadkii xoolahu ka baxeen oo ku tiil
tuulada Beer. Cali Dhuux Adam oo ay Salaan Carrabay hoos ka tuur
lahaayeen ayaa markii loo sheegay in beeshii Salaan abaari xuni ku
dhufatay dadkii oo aad u jilicsanna lagu ururiyay Beer, u soo
socdaalay xagaa iyo Beer si uu indhihiisa ugu soo arko xaalada dadku
ku sugan yihiin malaha markaa ka dibna uu gabay ka tiriyo. Waxa la
yidhi Cali Dhuux markii uu Beer yimi wuxuu soo galay makhaayad rag aad
u badan oo uu Gun iyo Baar Eeg ka mid yahay fadhiyeen. Cali Dhuux
markii uu raggii salaamay oo fadhiistay ayuu inta shaah dalbday raggii
ku yidhi “waar Salaan meel ku sheega”. Salaan Carrabay isagu xilligaa
wuxuu ku maqnaa Nairobi. Gun iyo Baar Eeg markiiba wuxuu gartay
sababta uu maanta Cali u socdo wuxuuna goostay inuu gabayga kaga
horreeyo Cali Dhuux. Waxa la yidhi markii inankii makhaayada ka
shaqaynayey uu Cali Dhuux shaahii u soo dhigay ayuu Gun iyo Baar Eeg
soo hor fadhiistay oo gabaygan soo socda u mariyay. Cismaan gabayga
waxa uu kaga hadlayaa xooluhu siday u baxeen gaar ahaan nugulka isla
markaas waxa uu sheegayaa in geelu yahay ka ugu qiimaha badan duunyada
Somaliadu dhaqato. Gabayga oo meelo badan taabtay ayaad moodaa inay
dadku ka qabsadeen ereyga ah (Daarood siduu beri ahaa loo dad
qalatowye). Waanakan gabaygii iyo taariikhdii uu soo baxay ookusinaa
abaarta lagu riiqmay eelamagac baxday Maadhgembiya amaba Baaha kolba
sida loo yaqaano Gabaygani waxa uu ka mid yahay oo aan ka
qoray(Research materials of the late Muse Galal) Waxa la tiriyey
abaarta la magac baxday “Maadh-gembiya” dadka qaarkiisna u yaqaan
“Baaha” ee dhacday 1928. Abwaanku wuxuu aad ugu talaxtegey amaanta
geela oo uuku taabanayo inuu yahay geelu xoolaha nool ee la dhaqdo kan
ugu sita uguna qiimaha badan, akhristayaasha qiimaha lahoow gabaygani
waa gabay aad udheer waxaanse idiinka soo qabtay rubuc ahaan waxaanan
uga danleeyahay si'aan shaqsiga akhrisanaya qoraalkan taariikheed ugu
caajisin duxda qoraalkana aanu udiidin.Halkana kuma wada dhama
gabaygani.
Dirirkii gugii ee arligan, dayrta laga waayey
Ee ay daruur soo kacdaa, dibiq ku siin weydey
Ee laba diraacood abaar, laysku daayimiyey
Ee deyrka xoolaha nin gelin, diiq ku yahay caawa
Ee debedda adhi looga baxay, duunyo noqon waaye
Degdeg ugama faaruqo ninkii, daaniyaa hadale
Dibnahaba ha kala qaadin baa, iiga debecrone
Dalaamista bani-aadmigii, daynse kariwaaye
Aan dig siiyo gabay waanigii, daabax ku ahaaye.
Nafta dooji mooyee xarago, laga dawaareeye
Kefedaa dalooliyo mindaa, daabka la hayaaye
Waataa halkii laga deldeley, loo dabaaldegaye
Nin dilaal u baxay bay xishood, kala dawaafeene
Wax arsaaqad laga doonayaa, daasad gudaheede
Daarood siduu beri ahaa, loo dad-qalalowye.
Aqalada dixdaa laga dhisaad, dabato moodayso
Danbaa meesha keentay xarrago, looma soo degine
Nabsi waxaanan ugu Daalahayn doobir xumidiisa
Denbi waxaanuu igu raacahayn daacad anigoo ah
Darandoorigii iyo lawaa doobi caano ahe.
Doogiyo xareedaa kuwii dabardanbeedaayay
Waataa ducaaliyo cigaal daanku soobaxaye
Dugsi caydha bay yuururaan diricyadoodiiye
Darka waxay uwada laaban yihiin daacad baw timiye
Mataanii biyaha diiranaa laysu dari waaye
Ninkaan dacalka lacagtawgu sidin kama daweeyaane.
Daariyo ninkii noodh lahaa,duubcas baw xidhane
Duug malaha tooduye cirkoo da'ase weeyaane.
Nin waliba wuxuu doonayuu, kaga dacfaashaaye
Damaan baa u kacay qaalinkii, daabgubka lahaaye
Da’dii hore ratiga nuugayaa, deeqay reer idile
Deeblaha la rarayee biyaha, laga duduucaayo
Isagaa dadkeenna uga dhigan, doonni reer bariye
Waa dahabka soomaaliyeed, doqonse waa mooge
Dayac aniga laygama sugiyo, inaan dabreeyaaye
Intaan marada lama daadiyo’e, duubiyada joojey
Dalandoolka guban aan u tegey, daale cagihiiye
Cidna uma diree Beerna waa, uga durduuraaye
Dabkeedaan kulaalaa sidii, dhoobi dacay weyne
Dacaska iyo hawshaan ku qabo, waw duleeyahaye
Dunjigiisba reer maadhka kale, damac lahaan waaye
Wax dardaarankii igaga go’ay, deex ha la ogaado.
Cali Dhuux markii uu gabaygii si fiican u dhegaysatay ayuu isagoon
jawaab ka bixin dib u noqday. Salaan Carrabay markii uu soo noqday
ayaa looga warramay safarkii Cali Dhuux iyo gabaygii uu Gun iyo Baar
Eeg mariyay. Salaan oo ay laf dhuun gashay ku noqotay tuduc ku jiray
gabay uu Ducaale Dheere beri hore u mariyay oo ahayd " Iidoor sal
fududaa wuxuu sugayay muu dhowro" ayaa markii uu gabayga marayay "Darood
siduu beri ahaa loo dad qaltowye" ku tiraabey "waar waa kaa eraygaan
weligay doonaayay". Waxa Salaan laga hayaa in haddii uu ogaan lahaa in
ereygaasi maskaxda Gun iyo Baar Eeg ku jiro uu ka siisan lahaa konton
qaalmood. Iyada oo xilli nabada lagu jiro ayaa ciidan darawiish ahi
weerar ku qaaday beel deggenayd Buuhoodle oo ka tirsanayd beesha Cali
Dhuux. Waxa la yidhi ciidankii daraawiishta inta si xun loo jebiyey
ayaa hubkii ay siteenna lagala hadhay. Maalinta dagaalkaasi dhacy
waxay ahayd maalinta uu baxay magaca Balli-Dhiig oo hadda ka mid ah
degmooyinka gobolka Togdheer. Xilliga dagaalku dhacy Gun iyo Baareege
weli muu hana qaadin. Cali Dhuux oo lib gabyaya ayaa gabay dagaalkaa
uu ka tiriyay wuxuu ku soo daray eraydan. Cayuun shaabka wiilkii ahaa
shaaha karinaayo Waayeelna xeeb uga shir tegay ma leh shirshooruuye
Isagaan shaarublow reer Isaaq shucub aan reebeyne Shamal ay tuntaan
iyo haween shuqulki mooyaane Sharba idinma daareen haddaa shalay na
dhaaftaane Daraan idin shideeyeenba waa naga shiheeyeene Shanlihii
wadaadkaa sideen shugux ma siiseene Iyadoo gabaygaasi weli taagan
yahay oon cidi ka jawaabin ayaa beri dambe oo daraawiishi jabtay ay
col reer Biciid Yahani weerar ku ekeeyay beeshii Cali Dhuux wixii
xoolo lahaayeena ka dareersadeen. Markii warkii la is gaadhsiisyay
ayaa isaga oo gabaygii hore ee Cali Dhuux daba socda ayuu Gun iyo Baar
Eeg gabaygan soo socda weerarkaa ka tiriyey:Isagoo war bixina
siinaayay abwaankii Salaan Carabey oo markaas badda ka yimi:
Shibtaydaan galaa gabay hadaan shuqulkii
oognayne
Marse haday shanqadho ii baxaan shuumis ma aqaane
Shilka dhacay Salaanoow miyaan weli lagu sheegin
Sheekada God-dhuub timi miyanay shaaca ka cadaanin
Shangaliyo Dhulbahantoo fadhiya shiilcaskiyo ceelka
Ayadoo shirkooduna u dhan yahay sheybe iyo wiilba
Oo qoriga lala soo shirtegey kun iyo shii' gaadho
Shakada iyo maadhiinka oo lala shuxlaynaayo
Shanfacood la naar nimanku waa shiqibka Daaroode
Shaki maleh Majeerteen inuu sheemo weeraro'e
Iyadoo shamsadu soo baxdoo waagu shararaaxay
Shifay uga dareersheen xeryii laguma shaaddayne
Laye laba shanaad raacdadaa daba shanbuurrayde
Iyadood shamaal quruxsaneey shaal asliya moodo
Shanlahooda goortay arkeen ama shallaadkooda
Ka shakiye markii loogu yimi sheedda Dhagaxley'e
Ararsame shafku dhigay siduu shuux ku soo dhacaye
Shunuxshunux ma waayine,wadnaha shiil Allaw dhigaye
Shimbirawga ciyey ayihii wada shareerraaye
Shullaweyntii reer Hagar ma gelin shaaxin dirirtede
Mashihiidin nimankii lahaa shayga saa'idahe
Hadhowbaa hagoog lala shuxlayn shacabka Caymeede
Shurbaddii magaaliyo maxaa shaahi lagu fuudi
Sharafmaa hablihii Khaalid dhalay lagula sheekaysan
Waxa laga weriyay Gun iyo Baar Eeg "anigoo maalin geel barqinaya ayaa
waxa igu soo baxay Cali Dhuux oo aad u gaboobay oo talaabada dirqi ku
qaadaya, markii aanu is waraysanay oo hal cabbaara aanu sheekeysanay
ayaan ku yidhi Calow waa tan oo hadda gabowdaye gabay dambe ha u celin.
Cali Dhuux wuxuu ugu jawaabay "tolow ma waxaan dhimanyaa aniga oo aan
sadexdaadii gabay ee Gun iyo Baar Eeg , Darood siduu Beri ahaa loo dad
qaltowye iyo Shilka dhacay salaanoow midna ka soo jawaabin". Ilaahay
ha u naxariistee Cali Dhuux wuxuu xijaabatay isagoon sadexdaa gabay
midna ka soo jawaabin.
Gunaanad Halkan kuma wada dhamma taariikhda iyo suugaantii dahabiga
ahayd ee Abwaan Guniyo Baar'eeg waxaan ii suuro gelin inaan helo illo
iyo xogo badan oo aan ku hanto inaan gacanta iyo qalinka kuwada
heleelo qaybo badan oo suugaantiisu lahayd,waxaanse weli daba guraynaa
mustaqbalka hadii illaahay noo fududeeyo inaan bal hal buug kusoo
koobidoono suugaan iyo taariikh wuxuu abwaanku aduunka kagategey.
_____________
Waxaaa isku soo duba riday soona ururiyey Abdullahi Mohamed Dabey Abdurahmaan Ahmed Doodi