Q O R A A L
Taariikh Kooban
Ammaan Dumar
Indha-badane
Gobannimo
Abaallaawe
Nasab
G u b a
Bender Caasi
Tolnnimo
Daacad Xumo
Qubane
|
Maxamed
Nuur Fadal wuxuu ahaa jabaabiirtii gabayga ee geyiga Soomaalidu degto
gabayadiisu caanka ka noqdeen. Dhawr tixood oo qabyo ah ayaannu ka
helnay Alla jannee E-mail nagula soo xiriiray oon magaciisa hoos ku
xardhi doono
Jaahweyne Aar oo dacawo jilis ka daynweedey
Isagoo jarmaada haday cararto jaahiisa
Jidka iyo laftaba waa inuu jugux ka siiyaaye.
Laye waa jabtaa lugi haday dhaafto jeeniga.
...
Gabay ay ku jireen dhawrkan beydna wuxuu abwaanku u tirshey nin dhalasho
iyo dhaxdin la wadaagay Reer Daahir laakiin damcay inuu kala sarsaaro oo
ammaano qoladii hooyadiis iyo xaaskiisu ka soo jeedeen.
Baha ciise iyo Yuusufkaad igu belaayeysey
Beerkayga iyo dhuuxa iyo bedenka weeyaane
Biyo oday nin weeyaa cuskaga bowdo gabadheede.
---
ninba ninkuu bun dheeryahay haduu booca kala gooyo
Soo dhammee gabayga
..............
Dhawaaqaad i tidhi Xiirayoow igu dhanaanaye
Nin dhashaba dhegxumo wey heshaa hay dhaliilinae
Dhalinyaro xumaatiyo gunimo waa is dhinac taale
Nin uun baa dhabaqa maydhi jirey, dhuungaloo tubane
Dhegaa Daahirbaan kala sinayn dhiiladaa timeye.
............
Kanna soo dhammee
Ninkii Baha Adaraxmaan u qabay booc la jebinaayo.
___________________
Waxa ku deeqay Khadar Abdalla Aloolgeelle
|
More
More
More
More
More
|