Maxamed Nuur Fadal wuxuu ku dhashay kuna barbaaray Degmada Berbera xilli
ku beegnaa 1885. Mas’uuliyiinta mustacmaraddii Ingriiska ee u fadhi
jirtey Somaliland waxay isla markii ay heshiisyada la galeen odayaashii
beelaha Somaliland 1884kii dareemeen in dadka dhulkaa deggani ay yihiin
kuwo ka duwan Afrikaanka iyo Carabta labadaba, lehna firfircooni iyo
adkaysi dheeraad ah isla markaana geesiyaal ah.
Xilli ku beegan 1900 oo ahayd markii u bilaabmay dagaalkii la odhan
jiray Boer War ee u dhexeeyay dadka
Arar:
Sheekh Ismaaciil Jaamac Cigaal oo loo yaqaanney Fadal wuxuu ahaa sheekh
caalim ah oo ku noolaa dhulka gubanka loo yaqaan ee Degmada Xagal iyo
xeebta Badda Cas ee bariga Berbera horraantii qarnigii 18aad. Sheekh
Fadal markii cimrigiisu weynaadey waxa uu caado ka dhigtay inuu sannad
kasta soo guto waajibaadka Xajka. Lama hayo inta jeer ee Sheekh Fadal
soo xajiyey, waxase la isku raacsan yahay in uu muddo aad u dheer
booqananyey Xaramka oo ku noqnoqon jirey gudashada waajibaadkaas. Sheekh
Fadal waxa mar u wada kacay, isna raacay hanaqaad ahaan shan wiil iyo
gabadh ay carruurtiisu ka koobnayd.
Maalin ayaa haddaba Sheekhu isugu yeedhay beeshiisa Tad-caar ballaadhan
oo uu sameeyey. Xilliga uu Sheekhu Tad-caartaas dhigayey waxay ku
beegnayd wakhti ay soo dhowdahay bisha Dul-Xaj ee Xaramka la galo.
Sheekh Ismaaciil Fadal waxa uu dadkii isugu yimi Alle-bariga (Tad-caartaas)
u jeediyey hadal loo dhadhansaday inuu yahay sagootis iyo nabad gelyeyn,
waxanu sheekhu xusay maalintaas in raggii uu dhalay hadda isu kaceen oo
is-raaceen, sidaas darteedna aanay u muuqan sabab uu halkan u sii joogo.
Ayaantaas ka dib waxa uu Sheekhu isu diyaariyey safarkii uu ka tegi
lahaa Xajka, socdaalkaas oo noqday kii kama dambaysta ahaa. Waxa la
rumaysan yahay inuu ku biiray dadka loo yaqaan Xashiishul Maka, halkaas
ayaanu ku geeriyaaday, kuna aasan yahay Ismaaciil Jaamac Cigaal (Sheekh
Fadal) Alle ha u naxariistee.
Haddaba safarkaas aan soo noqoshada lahayn ee Sheekh Fadal waxa la
bilaabmay taariikhda Qoys Soomaalida dhexdeeda yaab iyo hadal-hayn weyn
ku reebay, waana Reer Fadal. Waa Qoys qof kasta oo ka mid ah; rag iyo
dumarba; uu Alle ku galladay oo hibo u siiyey af-tahannimo ku aroorta
afka iyo suugaanta soomaalida, gaar ahaan Qoysku waxa ka kaca gabyaa
badan oo yeesha inta badan buruud iyo haybad Ilaahi ah. Abwaan
Soomaaliyeed oo ka hadlaya hiddaha ka soo jeeda gabayga ayaa yidhi:
Qorshe gabay Salaanbaa yiqiin amase qaynuune
Murti qarale hadal qaaliyiyo qodob markay joogto
Waa tii iyana loo qariray qoyska reer Fadale
Lama hubo in Fadal uu gabyi jiray, lamana hayo gabay uu leeyahay
inksatoo uu jiro gabay Maxamed Nuur Fadal lahaa oo uu dhextaal uga
dhigay "Ma dhid-baday dhammow Xaaji Fadal dhaxalki weeyaane"
Iyada oo aanu aabahood mudda badanba sii maqnayn, ayay shantii wiil oo
uu hormuud u ahaa Cabdi Fadal la soo baxeen wacdaro iyo firfircooni aan
hore loo arag. Waxa ay dardar geliyeen beeshii ay ka tirsanaayeen.
Taasoo keentay in habluhu "Shanta ilma Fadal; shan loo dhigo la waa"
halkaas oo ay ka bilaabantay silsilad ay soo galeen shan qoys oo isla
beeshaas Ilma Fadal ka soo jeedaan ka tirsanaa oo raaskiiba shan nin oo
aan kala dhicine u kaceen. Waxa hal-ku-dhiggii golayaasha
ciyaar-soomaalidu isu beddeley "Iyana Shanta Ilma Seed shan loo waa,
shanta Ilama Shabeelna shan loo dhigo la waa……" taaasoo ku soo
gabagabowday "Shanta Ilma Dhacanna Shan loo waa".
Maxamed Nuur Fadal
Si kastaba ha ahaatee waxaynu qormadan maanta kaga hadlaynaa
taariikh-nololeedkii gabyaagii weynaa ee ruug-caddaaga ahaa Maxamed Nuur
Fadal oo dadka intiisa badani ku garanyaan inuu ahaa ninkii Sawaaxil
(Kenya &Tanzania) ka soo gabyi jiray bilowgii qarnigii tegey.
Maxamed Nuur Fadal wuxuu ku dhashay kuna barbaaray Degmada Berbera xilli
ku beegnaa 1885. Mas’uuliyiinta mustacmaraddii Ingriiska ee u fadhi
jirtey Somaliland waxay isla markii ay heshiisyada la galeen odayaashii
beelaha Somaliland 1884kii dareemeen in dadka dhulkaa deggani ay yihiin
kuwo ka duwan Afrikaanka iyo Carabta labadaba, lehna firfircooni iyo
adkaysi dheeraad ah isla markaana geesiyaal ah. Xilli ku beegan 1900 oo
ahayd markii u bilaabmay dagaalkii la odhan jiray Boer War ee u
dhexeeyay dadka caddaanka ah ee la yidhaaho Afrikaners ee deggen South
Africa iyo dawladii Ingriiska ee markaa xukumaysey South Africa ayaa
maamulayaashii Ingriisku go’aansadeen in dadka Soomaalida oo aan
geesinnimadooda awgeed looga maarmi karin inay ka qayb galaan dagaalkaa
oo markaa ay gacanta sare lahaayeen Afrikanersku.
Waxa dhacay in ciidan qoris uu Ingriisku isla markiiba ka bilaabay beelo
deganaa Guban iyo agagaarka Berbera. Dadkii ugu horreeyey ee ciidan
qoritaas loo qaaday waxa ka mida ahaa Maxamed Nuur Fadal iyo Faarax Nuur
Fadal oo ahaa walaalkiis oo ka yaraa. Waxa kaloo dhallinyaradaa ka mid
ahaa Cige Muuse oo ah nin gabayada Maxamed Nuur Fadal ku xusan markii
dambena ay xididnimo dhex martay. Xilligaa Maxamed askarta la qoray
da’diisu way ka yarayd labaatan-jir.
Dhallinyaradii la soo ururiyey ayaa dhulka la mariyey si loo gaadhsiiyo
dekedda Mombasa oo la doonayey in laga sii daad gureeyo. Intii ay jidka
ku sii jireen dhallinyardaasi waxay soo diri jireen heeso ay xalaaddooda
iyo mustaqbalkooda kaga warramayaan. Waxa ka mid ahaa heesaha aan weli
hadhin ee la sii xasuusan yahay:
"Annagu soconnoo
sarkaal na wadyee; ninkii na sugaayayow samir."
Mar kalena waa kuwii lahaa:
"Wallee adna hoogtay hooyadyay; wallee anna haadku iga dhereg"
Markii dhallinyarada la geeyay Kenya ayaa waxa bilaabmay ifafaalihii
Dagaal- weynihii Koowaad ee Adduunka, iyadoo dhinaca kalena ay
ciidamadii Ingriiska ee ka dagaalamaayay South Afrika xaqiiqsadeen in
inaanay ka guuleysan karin ciidamadii Afrikaners. Waxay talo noqotay in
Soomaalidii loo wadey
South Africa la kala qaybiyo oo inta badan Kenya lagu reebo maadaama ay
Tanganika markaa ahayd maxmiyad Jarmal, inta kalena loo diro South
Africa. Maxamed Nuur Fadal iyo walaalkii Farax Nuur Fadal labaduba waxay
noqdeen dadkii lagu reebay Kenya. Waxay dagaaladii Boersku si rasmi ah u
dhaammaadeen 1910 oo ahayd markii xornimada South Afrika la siiyay,
taasoo keentay in raggii markii hore South Afrika la geeyay badidooda
dib loogu soo celiyo Kenya.
Dagaalkii ka dib
Maxamed Nuur Fadal wuxuu Dagaalkii Koowaad ee adduunka ka galay Afrikada
Bari oo markii dambe dhammaanteed u gacan gashay dawladdii Ingriiska.
Markii uu dhammaaday dagaalku ee askartii Soomaliduna guulo badan ka soo
hoyeen, xukuumadii Ingriisku waxay goosatay in Soomaalida loo tababaro
dhinaca maamulka iyo ganacsiga si ay ugu caawiyaan gumeysigii Ingriiska
gacan ku haynta dhulkii ballaadhnaa ee Afrikada Bari.
Ciidamadii Somalida iyo qoysaskoodii waxa la dejiyay magaalada Siyoolow
oo loo qoondeeyay inay noqoto magaalo ay leeyihiin Somalidii laga keenay
British Somaliland. Maxamed Nuur Fadal oo intii uu ciidanka Ingriiska ka
mid ahaa aad wax u bartay, wuxuu u leexday dhinaca ganacsiga wuxuuna
degay magaalada la yidhaaho Thika oo qiyaastii 40Km dhinaca waqooyi ka
xigta Nairobi. Muddo yar gudaheed wuxu Maxamed ka mid noqday
maal-qabeennada uga waaweyn Afrikada Bari oo dhan.
Hantida Maxed Nuur Fadal waxa la sheegaa inay ka bilaabantay macdanta
loo yaqaano Dheemmanka oo uu ka helay meel u dhow Thika, ka dibna uu ka
iibiyey nin Hindi ah oo ganacsade ahaa. Dad kale ayaa ku dooda in
hantidiisu ay ahayd mid uu kula soo baxay kartidiisa. Maxamed Nuur Fadal
waxa uu magaalada Thika ka dhisay masaajidkii ugu horreeyey, kaasoo ilaa
hadda taagan, loona yaqaan Masaajidka Maxamed Nuur, waxa kale oo uu
sameeyey goob ganacsi oo ay ku yaallaan dukaamo ilaa labaataneeyo
gaadhaya.
Jacaylkii Max’d ku dheeraaday iyo guurkiisii
Maadaama Maxamed Nuur Fadal uu ahaa nin dhallinyaro ah markii dalka laga
kaxeeyey oo aan fursad u helin inuu la kulmo hablihii dhiggiisa ahaa,
waxa markii Dagaalkii Koowaad dhammaday ku habsaday jacayl sheeko dheer
iyo gabayo badan reebay. Waxa dookhu kaga dhacay gabadh Soomaaliyeed oo
ka mid ahayd dadkii laga soo qaaday Somaliland ee la keenay Kenya
dabayaaqadii dagaalka. Sida ku cad gabayadiisa wuxuu damcay gabadhaa
inuu guursado oo ay xaaskiisa noqoto, waxaana taas kuu caddaynaya
tuducan ka mid ah gabay uu arrintaa kaga hadlayo:
Xasanow dhawaaq gabay haddaad, iga dhaguugayso
Haddii guur qalbiga; kaaga dhaco dheelin baad tahaye
Waxa uu gabadhaa Maxamed ula baxay saddex magac oo kala ah Dhudi, Saaqa
iyo Dawli sida ku xusan gabayadiis. Maxamed wuxuu aad u faalleeyey
quruxda gabadhaas, isaga oo sida caadadu ahayd ka hadlay gabadha
qaab-dhismeedkeeda jidhka iyo socodkeeda, wuxuuna yidhi:
Dhadhan malaha naagaha middii; Dhoocil noqotaaye
Dhulka jiifta lama guursadiyo; dhererka qaarkiise
Hadday dhuubo weyda tahayna waa; raaxo kaa dhimane
Meeshiyo dhallaannimo yartaan anigu dhowraayay
Dhildhilaha gacmahiyo shanshada; dhumucda loo yeelay
Dhexda madaga dhaaha indhaha; dhaban wanaageeda
Dhudda qoorta iyo faayahay; Dhudi la soo jeedo
Dhubbad qaadka timahaad; haldhaa dhalanki moodayso
Cirrid dhuxula iyo sunniyaa; dhibic dawaadeeda
Dhumbal-mada cad dhoolaa ilku; dheygag noo dile e’
Marka uu quruxda gabadha ka hadlayo, Maxamed wuu ka leexday dhaqanka
abwaannada Soomaalida ee ilaa hadda joogta lagu yaqaan oo ah in gabdhaha
quruxda dabiiciga ah lagu ammaano. Sida tuducyada hoos ku qorani
tilmaamayaan, Maxamed Nuur Fadal wuxuu quruxdii dabiiciga ahayd ku daray
tilmaan kale oo qayb weyn ka qaadata quruxda dumarka, taasoo ah lebiska
ama hu’-qaadka iyo hannaanka dhar xidhashada.
Saddex-dhudaley dhaclaa iyo Dawli; dhixir wanaageeda
Sindi dheehan qoolow; sidii lagu dhextaalleeyey
Waqfiyadaa gacmaa lagu dhuftee; Saaqa lagu dheehay
Dhamideedba maalintay dirays; dheeg iskaga yeesho
Ee ay dhabeelnimiyo qurux; dhuuxa ka iftiinto
Dhugta lugaha iyo faayahay; dhebel u sii deyso
Kolkay socodka dhiif uma wadee; dhebi sidii liicdo
Dhugay inan rag kay dhinac martaa; dheelmatiin galabe
Dhaqan iyo adduun lama hadheen; dhogorta xoolaade
Inta dahabku lacagta dheer-yahayay, dumarka dhaantaaye
Nasiib darro gabadhaa iyo Maxamed calafku isma siin. Markii loo sheegay
in gabadhii la guursaday Maxamed waxay ku noqotay murugo iyo qaadan waa’.
Waxaanu ku caddeeyey tuducda soo socota inaanu marna jacaylku ka ba’ayn,
gabadhaana inkastoo la guursaday aanu ka samrayn:
Dhadhab igula looshiyo; hurdada dhool anoo ledaye
Dhuuxayga iyo feedhahay; Dhudi ku laaqnayde
Sidii malaga ruuxayga; dhigay laygu kaa dhererye
Inkastoy dhallaan yeelatiyo; ubad dhawaaqaaya
Dhimashadu ha joogtee si kale; waa dhur sugayaaye
Dhufsataye qalbiga yaa, Dhudi ka soo reebaaya
Waxa dhacday in gabadhii markii la guursaday ay wax dhal ah iska waydey.
Waxa ay u qaadatay in gabaygii Maxamed Nuur guhaan ku noqday, dhashana
iska hor taagey. Markii muddo ay reer lahayd, wax ubadana aanay yeelan,
ayay socdaal ugu tagtay Maxamed oo Thika deggen, iyada oo sida la
sheegay ku tidhi hadda i guurso aan ninka iska soo furo’e. Taasi Maxed
waa u cuntami waydey, aakhirkiina intuu si fiican gabadhii u xooleeyey
ayuu gabay ay ka mid ahaayeen tuducyadni u mariyey:
Kalaamkaasi wuxuu kuu ekaa, kulantideeniiye
Adigoo karkii soo riday kabtiga, ha ila soo korine
Ugu dambayntii Maxamed Nuur Fadal wuxuu guursadey Saluugla’ Cariish
Qalinle oo ahayd inan ka timi Somaliland. Maxamed iyo Saluugla’ waxay
isu dhaleen 12 carruur ah oo afar ka mid ahi ay u hano qaadeen.
Asaaskii Isxaaqiya Community:
Waxa dhacday in intii u dhaxaysey labadii dagaal ee dunida ay dawladdii
Ingriiska ee u talinaysey waddamada Afrikada Bari soo rugtay nidaam
midab kala sooca ah oo dadka dhulalkaas ay gumaysato ku noolaa loogu
kala saarayo saddex kooxood oo kala ah :
1) Caddaanka: waa dadka asalkoodu Yurub ka soo jeedo
2) Is-ku-jir: waa dadka Eeshiyaanka ah sida Hindida, Carabta iyo dadka
ay iska dhalaan madowga iyo caddaanku iyo
3) Madowga: oo ahaa dadka Afrikaanka ah. Kala qaybintaasi waxay ahayd
mid ku salaysan laba tilmaamood oo ku saabsan muuqaalka kore ee qofka,
kuwaas oo kala ahaa midabka iyo timaha. Saddexda kooxood ee dadka loo
kala saaray waxa mid walba loo sameeyey nidaam u gaara ah oo ku saabsan
dhinacyada shaqada, mushahaarooyinka, canshuuraha laga qaado, deegaanka
iyo direyska shaqada iyo ciidamada. Soomaalida oo markaa aad ugu badnayd
ciidamada iyo maamulkaba waxa lagu daray madowga oo ah derejada ugu
hoosaysa.
Waad garan kartaa dareenka qof Soomaaliyeed oo noolaa xilligaa iyo qabka
ku jirey oo mar keli la yidhi waxaad la mid tahay Afrikankii ay ka faani
jireen. Maxamed Nuur Fadal oo markaas ahaa maal-qabeenka ugu weyn ee
Soomaaliyeed ee dadkii deggenaa Afrikada Bari ayaa arrintaasi u arkay
mid aan la qaadan karin, wuxuuna isaga oo kaashanya hantidiisa iyo
raggii kale ee la aragtida ahaa u galay halgan aad u ballaadhan sidii
Soomaalida looga saari lahaa qaybta dadka Afrikaanka ah loo qoondeeyey
oo loogala xuquuq dhigi lahaa dadka is-ku-jirka ah ee derejada labaad
sida Hindida iyo Carabta oo iyaga ay dhinaca macaamilka aad isugu
dhowaayeen Soomaalida.
Maadaama Soomaalidii xilligaa ku hoos jirtey nidaamka Ingriiska ay u
badnaayeen beelaha Isaaqa iyo Hartiga waxa markii hore la isku dayey in
arrinta si wada jir ah oo Soomaalinimo ah looga hor tago. Nasiib darro
khilaafka beelaha Soomaalida markasta u dhaxeeya, ayaa sababay in isku
mawqif ay qabaa’ilkii arrinta ka noqon waayaan, taasoo keentay in
beelihii Hartiga oo u arkayey inaanay suurto gal ahayn in nidaamka
dawladda la beddeli karo ay aqbalaan inay kaalinta saddexaad galaan
iyagoo qaatay kaadhahdhkii madowga loogu talo galay.
Markii sidaa loo kala qaybsamay waxa Maxamed iyo raggii kale ee la
socday khasab ku noqotay in beelaha Isaaqa oo keli ahi ay arrinta u hawl
galaan. Si haddaba qaab habaysan loogu hawl galo waxa la abuuray ururkii
la odhan jiray Isixaaqiya Community oo loo diiwaan geliyey qaab
community, hase yeeshee ujeeddada ka dambaysaa ay ahayd sidii looga hor
tegi lahaa takooridda iyo cunsirayadda hoos loogu dhigay Soomaalida.
Markii doodo iyo isku dhacyo badani dhex mareen maamulayaashii Ingriiska
iyo raggii hormoodka ka ahaa ololaahas, ayaa waxay xakuumaddii Ingriisku
go’aansatay in la xidho Maxed Nuur Fadal iyo siddeed nin oo kale oo
hawsha la wadey. Markii la xidhay Maxamed Nuur Fadal wuxuu ka baqay in
inta uu xidhan yahay ninkii markaas maamulka community-ga la wareegey oo
ahaa Cige Muuse lacag la siiyo, dabeetana iyada oo magaca community-ga
la isticmaalayo la oggolaysiiyo Somalida oo dhan inay qaataan
kaadhadhkii madowga. Si aan taasi u dhicin wuxuu Maxamed cheque books-kiisii
ku wareejiyey Cige Muuse, isaga oo kula dardaarmay in haddii uu lacag u
baahdo uu xisaabaadkiisa (account-kiisa) inta uu doono kala baxo, hase
yeeshee aan marnaba magaca community-ga loo isticmaalin si qadiyaddaa la
burburiyo.
Maxamed Nuur iyo raggii kale markii ay muddo xidhnaayeen ee lala hadli
waayey, ayay bilaabeen inay cuntada ka soomaan inta ama maxkamad loo
gudbinayo ama la sii daynayo. Aakhirkiina waxay noqotay in kiiskooda ay
qaaddo maxkamadda Nairobi. Intii aan loo gudbin maxkamadda ayuu Maxamd
codsaday in maxkamadda horteeda la keeno biyo ku jira qaruurad si fiican
loo arki karo, nin Hindi ah, nin qabiilka Kikuuyada ah iyo nin caddaan
ah. Arrintiina waa laga oggolaaday. Markii maxkamadda la hor keenay
sagaalkii nin, wuxuu Maxamed codsaday in ninka Hindiga, ka caddanka ah
iyo ka Kikuuyada ah midba madaxiisa tin laga soo jaro, biyaha quruuradda
ku jirana lagu rido. Waxa dhacday in tintii ninka Hindiga ah iyo tii
ninka cad laga soo jaray ay biyihii dul sabbeeyaan, halka tintii ninka
Kikuuyada ahi ay degtay oo salka quraaradda fadhiisatay. Markii intaasi
dhacday ayaa Maxamed Nuur oo ahaa nin aad u timo jilicsani uu codsaday
in isna tin laga gooyo oo quraaradda lagu rido. Waxa dhacday in tintii
Maxamed Nuur Fadal laga soo jaray ay biyaha dul sabbaysay oo degi waydey.
Bandhigaasi ka dib, garsoorahii maxkamadda oo ahaa nin caddaan ah wuxuu
markiiba go’aamiyey in Soomaalida hoos timaadda xukunka Ingriiska laga
bilaabo maalintaa ay ka mid yihiin derejada labaad, Maxamed iyo raggii
la xidhnaana waa la sii daayay. Waxa go’aankaa ay maalintaas maxkamadda
Nairobi gaadhey adeegsatay dawladdii midab-takoorka ahayd ee South
Afrika sannadkii 1948kii markii xisbigii Afrikaner Nationalist Party uu
si rasmi ah dustuurka dalka uga dhigay mid ku salaysan midab kal sooca
iyadoo Soomaalida loo aqoonsaday inay yihiin derejada labaad ee dadka
midabaysan (Cloured).
Markii Maxamed iyo raggii kale ee maxkamaddu soo deysey oo guul ku
doonyaanaya ay guryahoodii yimaaddeen, ayuu Maxamed damcay inuu gabay u
tiriyo kooxdii ka tirsanayd beelaha Hartiga oo iyagu horeba u oggolaaday
inay galaan derejada saddexaad, laakiin waxa la yidhi intii aanu
gabaygaasi soo bixin ayaa Maxamed loo sheegay in intii uu xidhnaa ay
qabaa’ilka Isaaqa beelo ka mid ahi qaateen kaadhadhkii madowga, qoysas
badanina ay ka baxeen xadka oo u tallaabeen dhinaca Ethiopia. Markuu
warkaas helay, Maxamed Nuur Fadal wuxuu tiriyey gabay uu kula hadlayo
qolooyinka Isaaqa ahaa ee oggolaaday kaalinta saddexaad. Isagoo marka
hore ka hadlaya sida ay waajib u ahayd in la hawl galo iyo kaalinta ay
ka soo baxeen beeshiisu wuxuu yidhi:
Nin naftiisa biime geshiyo, bohol xun mooyaane
Bawdada nimay kaga dhacdiyo, boqonta mooyaane
Gobanimo bilaash looma helo, ban iska taal taale
Markuu gaalku buuggiis ku dhigay, sida biddaa iibsha
Ee dhalashadiinnii beddela, baaranku ahaaday
Ee talada sidii ceel birqoda, bawda laga saaray
Ee ficilka baas iyo hawadu, nala buraanleysay
Barna lama hadhin reer tolkay, baasihii dhacaye
Ka badbaadnay oo eebbahay, nama belaayeyne
Isagoo si gaar ah ula hadlaya beelihii Isaaqa ee oggolaaday inay qaataan
kaadhadhkana wuxuu yidhi:
In yar oo dhankaa bari degtiyo, boqol nin mooyaane
Ballankii Allaa nagu furteen, waanad baqateene
Buruud jaba’e karin boodhle, baad nagu bannayseyne
Markay baaxad sooraha gashaad, naga baqoosheene
Markay berisamaadkiyo ahayd, baanisaha tooxan
Booxaalligii baa na hoday, budhadhki dheeraaye
Mar haddii dagaal loo ballamo, bellena qiiqayso
Inaydaan wax nagu biirinayn, waa hal noo baxaye
Rag waa baro rabina waa u bel-reeb, beliyo khayrkeeda
Wax bakhtiyay badduba waa, tuftaa baaxaddaa lihiye
Ha ka baxo biyaa reer Isaaq badhax rusheeyaaye
Ha ka baxo buluushtiyo Garrahu, biidna yay tarine
Ha ka baxo dar badanbaa ku jiroon, kuba bannaanayne
Ha ka baxo in Binu-Haashimoo baaqiyaa hadhiye.
Daacad Xumo
Sida aynu hore u soo sheegnay waxa Maxamed cheque buuggiisii ku
wareejiyey Cige Muuse si inta uu xidhan yahay wixii kharash loo baahdo
uu xisaabaadkiisa (account-kiisa) uga saaro. Maxamed markii la soo
daayey wuxuu arkay in Cige lacag badan accountkii ka saaray, markii uu
weydiiyey waxa uu lacagta intaa le’eg ku qabtayna, jawaabtii Cige waxay
noqotay mid aan qancin Maxamed Nuur Fadal. Waxa Maxamed u tiriyey
saaxiibkii Cige Muuse oo uu khiyaamo ku dareemay gabayga la yidhaahdo
Daacad xumo oo ka mid ah kuwa ugu xigmadda badan gabayada Soomaalida.
Tixda Daacad xumo waxa ka buuxa tusaalooyin uu adduunka oo dhan ka soo
qaatay, kuwaas oo ina tusaya cawaaqib xumada khiyaamada iyo daacad
la’aantu leedahay. Maxamed Nuur Fadal wuxuu xigmaddiisa ku caddeeyey in
bani adamku haddii ay isu daacad noqon waayaan oo ay is khiyaameeyaan,
ay taasi keenayso inay is dilaan oo dhexdooda ay ka dhacaan dagaalo lagu
hoobtaa. Wuxuu tusaalaynayaa Cige in dagaalada ka dhacay dunida ay
sababtoodu ahayd iyadoo la fulin waayey wixii la isku ogaa. Wuxu
tilmaamay Dagaalkii 1aad ee dunida. Wuxu kaloo soo qaatay dagaalkii Adwa
ee Talyaanigu Ethiopia ku qaaday aakhirkii qarnigii 18aad. Wuxu
tilmaamay dagaalkii mar labaad Talyaanigu ku qaaday Eithopia 1936. Wuxuu
sifeeyey dadaalka uu Boqor Xayle Salaase ugu jiro dalkiisii oo dabed
wareegga ka dhigtay. Maxamed wuxu u calaacalay reer Indo-China (Vietnam,
Cambodia, Laos) oo markaa ku jiray gacanta Faransiiska oo aan cidi u
nixin oo cagta la mariyey. Wuxuuse aad u muujiyey shucuurtiisa ah inuu
aad ugu xumaa burburkii soo wajahay Ururkii Umadaha ee la odhan jiray
(League of Nations), ururkaasi oo uu ku tilmaamay inuu ahaa naftii
dunida.
Wuxuu yidhi Maxamed:
"Cigaw daacad xumo, waa waxa laysku dilayaaye
Waa waxa arlada dooriyee, galiyey duufaane
waa waxa dareenkaba dhex dhigay, dawladii Yurube
Waa waxa dacwiga Kiimankii, ugu dibboodeene
Waa waxa naftii dunida iyo, dumiyey Liigiiye
Waa waxa dakano raagtay iyo, duugga soo fadhaye
waa waxa Xabuush lagu dagee, daayacaa badaye
Waa waxa dagaalkii Cadwiyo, keenay Dibin-jaaqe
Waa waxa dadkii Jayna dhalay, loo daldalayaaye"
Gabayga Daacado xumo wuxuu Maxamed ugu calaacalayaa sida uu isu beddeley
degaankii iyo dhulkii uu yaqaanney siiba Burco, Hargaysa, Nugaal iyo
Dannood.
"Dixdii dhimatay damashii Burciyo, dooxyadii Herere
Kama di'in Dannood iyo Nugaal, dirirkii Cawleede
Docdii laga yimaaddaba abaar, diiran lagu sheegye"
Maxamed wuxuu tixdaa ku gegebeeyey ogeysiis uu saaxiibkii ku wargelinayo
in aanay mar dambe sii wado shaqayn karayn, madaama uu khiyaamo dareemay,
wuxuu yidhi abwaanku:
"Waataan ku doortee tolkeen, kaa durraansadaye
Hadii aad abees duuban tahay, daahir iyo baadin
Ood dacar la qooshiyo sidii, dib u qadhaadhaatay
Iga durug dab aan kula shitaan, dib u kulaalayne
Iga durug dannigu yuu i gubin, diirka oogada'e
Iga durug dadkaba igama xigtid, Daahir iyo Nuuxe"
Sida dhaqanka soomaalida Afrikada Bari deggenayd uu ahaa gabayda waxa
lala sugi jirey habeenka uu jiro gaaf. Waxa la yidhi iyada oo ay gaaf
tahay oo habeenkaa ninkii wax isku haya la sugayo ayuu galabnimadii
Mamaxed Nuur u yimi Cige Muuse oo gabaygaas oo halka ah "Cigow daacad
xumo waa waxa la isku dilayaaye" uu ku bedelay "Ragow daacad xumo waa
waxaa la isku dilayaaye" uu u mariyay Cige Muuse ka dibna weydiiyey bal
inuu caawa gabaygan gaafka ka tiriyo, waxa la yidhi Cige Muuse oo aan
fahmin in gabaygu isaga ku socdo ayaa ku yidhi "waa gabay fiicane yaanu
caawa kula dhaafin". Waxa la yidhi habeenkaa Maxed iyo Cige iyaga oo
wada socda ayay gaafkii yimaaddeen, markii uu Maxed gabaygii qabsaday ee
uu ku bilaabay "Cigow daacad xumo waa waxaa la isku dilyaaye" ayuu Cige
Muse gaafkii ka baxay.
Bender-caasi
Abwaankii weynaa ee Salaan Maxamed oo loo yaqaanney Salaan Carrabey oo
ahaa nin meesha uu joogo isaga la hor mariyo, ayaa booqasho Nairobi ku
tegay isag oo ka soo kicitimay Somaliland. Muddo markii uu joogay oo la
isla gartay in jilib-jilib loo sooryeeyo ninkaas weyn ee dalka yimi,
ayaa markii ay soo gaadhay xilligii ay sooryeyn laahaayeen jilibada mid
ka mida ahi laga war helay inay doonayaan inuu nin afaray tirin jiray u
gabyo Salaan oo xilligaa xaaladiisa dhaqaale hoosayso. Waxa la yidhi
markii Maxamed Nuur Fadal oo markaa joogey Thika loo geeyey warkii, wuu
rumaysan waayay isagoo ay ku adkaatay inuu garato ninka Salaan Carrabay
afka ku kala qaadi kara ee reerkaas ka tirsani. Ugu dambayntii markii
loo sheegay ninka la doonayo inuu Salaan u gabyo ka uu yahay, Maxd isla
markiiba wuxuu u soo dhaqaaqay dhinaca Nairobi, wuxuuna toos u tagay
mefrishkii Salaan looga yeedhay, wuxuuna halkaa ka tiriyey gabayga la
baxay Bender-Caasi. Waxa la sheegay markii gabayga uu dhameeyey inuu
Salaan ka kaxeeyey goobtii una sheegay in ninka la sheegayaa uu yahay
nin aan u dhigmin oo beyd gaab ah. Isaga oo ku hal-qabsanya nin la
yidhaahdo Ina Bidaar, wuxuu tixdan ku ceebaynayaa caasinnimada iyo
xiqdiga. Wuxuu difaacayaa kaalinta hormoodnimo ee Salaan Carrabey. Wuxuu
tilmaamay in magaalooyinka ay ku badan yihiin dad wax kasta oo iska cad
ka hor imnaya oo xaasidaya..
Wuxuu yidhi Maxamed:
Haddii gabay Billado leeyahay, iyo baarri lagu faano
Baxsow Ina Carrabey yaa habeen, kaa Ilaah baraye
Isagaba dar shalay soo baxay, beretensiiyeene
Bender caasi baa loogu go'ay, Ina Bidaarowe
Berrinna ha la aasee nin raga, baqaski waa ceebe
Maxamed oo aad ugu xumaaday xiqdiga loo muujiyey Salaan, wuxuu bilaabay
inuu baano oo tilmaamo sida ay meel adag ugu soo jeedaan isaga iyo
Salaan, wuxuuna yidhi Abwaanku:
Maadhiin bacleeyiyo rasaas barda roobaada
Madfac bowle iyo riflekoo baro ka sii deyna
Buraamaysigii dunida oo biid la garan waayay
Bismilaahiye nimankii hubkii boobaybaan haye
Kuwii beerka dhibaybaan ahaa baaxad soorahae
Baaruudu nimankay baal jartaan ahaye
Banka Goray bannaankii Xadeed, Bohol dhanaankeeda
Buur Weyso iyo dooxadii buulku dhiganaanayay
Baro furkii Nugaaleed ragii booday baan ahaye
Ee ay haatan beeshiyo farduhu ugu bariistaane
Buuuhoodle nimankii ka dhigay boodadaan ahaye
Nimankii wadaadkii ba’anaa baacsdaan ahaye
Barqa weerar dhacay geelashoo, bookha laga qaaday
Barbar orodka raacdada, markii boga la soo gaadho
Markay labada baallood tahee, boogta kala goosta
Ninka baha xabuusheed arka’e, baadha dirirteedu
Basarkii Qureeshtiyo sidii, Beder ku faallooye
Burmadkiyo lalabahaannu nahay, buur la hoos galo’e
Bulbulloow libaax iyo dhurwaa, baawar kala roone
Haddii uu bulxamo aarku, wuu bili cuslaadaaye
Waxan nahay rag lagu beegi jirey, boqol ninkoodiiye"
Lib-gad
Maxamed Nuur Fadal oo hantidiisu aad u badatay ayaa waxa u yimi niman ay
isku reer yihiin oo uu hormood u ahaa nin la odhan jiray Diiriye Kadeed.
Maxamed oo ahaa nin deeqsi ah oo bani adamka abaal u gala markuu arkay
dayaca iyo dhibaatada raggaas ka muuqata wuxuu u huray hanti badan oo ay
ku jiraan dukaanno iyo xoolo noolba. Abaal nin gudaa yare markii ay
raggii muddo joogeen oo hanti wanaagsan yeesheen ayay dhex galeen
Maxamed iyo walaalkiis Faarax oo isaga u shaqayn jirey oo aan markaas
reer yeelan. Waxa la sheegay in nimankaasi Faarax ka dhaadhiciyeen in
Maxamed uu ku shaqaysanayo oo aanu dooneyn inuu guursado, si uu arrintaa
wax uga qabtana uu walaalkiis dilo, ka dibna xaaskiisana dumaalo,
xoolahana qaato. Waxa dhacday in goor galab ah Maxamed Nuur oo kursi ku
jiifa berendhaha gurigiisa uu walaalkii Faarax toorrey kula soo orday si
uu qudha uga jaro. Laakiin Maxamed ayaa ka il- horreeyey oo toorreydii
iska qabtay. Markii uu walaalkii waraystay waxa ku kellifey dhacdadaas
yaabka lehna, wuxuu u sheegay inay sidaa kula taliyeen raggii uu ka
midka ahaa Diiriye Kadeed. Ka dib Maxamed wuxuu tiriyey mid ka mid ah
gabayada taariikhda galay, kaasoo la yidhaaho Lib-gad. Isaga oo naftiisa
haaraamaya, kuna canaananaya sida talo uga wareegtay, dhinaca kalena ku
dhalliilaya raggii uu sida wanaagsan u galay ee xumaanta ku dambaysiiyey,
si gaarahna eedda dusha uga saaraya Diiriye Kadeed oo sida tuducdani
sheegayso dhowr jeer oo horena dhibaatooyin u geystay "Mar uun igama
liibaansannine, way ladaabsadaye"
Gabaygii oo dhan wuxuu yidhi:
Lax la qalay leggeed iyo, haddii lulato lay ii keeno
Waa caawadaan laasan jirin, lug iyo jiidhkeede
Waa caawadaan sida lo'ley, luunsanaan jireye
Waa caawadii aanan ledin, sida lammaan xiide
Lur-adduunyo waa caawadaan, wax igu laabnayne
Ladnaantiyo nimcadu uunka way, wada lugoysaaye
Lixdan aniga oo jirey tashigan, laydha iga raacay
Immikaan ladhkiisii hurdada, ledis ka waayaaye
Nimankaan dukaannada lukiyan, laba laba u siiyey
Nimankaan lo'daydii casayd, laanta ugu duugey
Wax la liqiyo xoolaba kuwaan, ugu laxaad yeelay
Ee aan lacagta jeebka ugu guray, lohonlohii caydha
Hadday aniga leebkiyo warmaha, ii lisanayaane
Markuu sida luwaha (Luo) qaawanaa ee, leylka soconaayey
Ee aad luquska qoodhaha dameer, lulaya moodeysey
Haddii aan lingaxo oo qalbiga, lahashada u diido
Oo aanan luunkaba ka rogin, lur ima gaadheene
Kal-laxiiba baan leeyahay, iyo laabta xuunshada'e
Laxowsiga xigtada lay geshiyo, libiqsigaan eeday
Waa waxa rag igu laacayaa, laxam dhaqaaqaaye
Inkastay ladaadyada baruur, laqanyo daacayso
Leg ninkii siiyey dishaa, liidda doqoneede
Wax laasima nin liitiyo haween, laaxinkood badane
Lib-gad iyo abaal-xumona waa, loo[law] u gooniya'e
Ma liibanihii Diiriyaa, loox u daabacaye
Waatay liciinkii maqleen, laababka lahaaye
Waxba nimaan lilleyneyn, ayay luqaddii raaceene
Mar uun igama liibaansannine, way ladaabsadaye
Haddaan maalintii hore lurriyo, iguma laabmeene
Lafa-yare iyo Caarraan, wixii lumay i deyneyne
Afar-laba-lix jeer buu sidaa, iiga loogsadaye
Alla laba iyo toban jeer miyay, liidnimo i raacday.
Gunaanad:
Gabayada Maxamed Nuur Fadal astaankta gaarka ah ee ay kaga duwan yihiin
gabayda abwaanada kale tiryaan waa iyaga oo meel kasta oo aad kaga
bilwodo gabaygiisa uu macno samaynayo, xataa waxa la yidhaahdaa haddii
gabaydiisa qaarkood xaga dambe laga soo akhriyo ujeedadii gabayga oo aan
waxba isaka bedelin ayaa kuu soo baxaysa.
Ilaahay naxariista janno ha ka waraabiyee Maxed Nuur Fadal wuxuu dhintay
sannadkii 1949, wuxuuna ku aasan yahay xabaalaha xaafadda Eastleigh ee
magaalada Nairobi.
Qoreyaasha Abdi Roble, roble77@hotmail.com
Mohamed Abokor,
Mahmedabokor@yahoo.co.uk