Q O R A A L

  Kala-gooye

  & Qawdhan 1

  & Qawdhan2

  G u h a a n

  Dabkaan Shidi

  Saakimi waayo

  Waa Duni

  Gabayo googoos

  Ha la ba'o

  Afar Nin

 

 

Faarax Nuur

Arab  

Somali Poetry



Gabayga gabaaygan abwaanku wuxuu u tiriyay nin la odhan jiray Cabdi Dheere oo Ciidagale ahaa oo intuu Faraax Nuur u yimi u soo jeediyey in colaadda xun ee Arab & Ciidagale la soo afjaro oo la heshiiyo. Faarax Nuur wuxuu dareemay ninku inuusan daacad ahayn arrinka uu watana uu khiyaamo iyo sabaansab uga jeedo markaasuu yidhi:

Nimanyoow Afar nin
Iyamaw arrin liita?
Nin Maroodi irmaan,
Abaar hawd uga dhaanshey?
Uur yaxaas ninka baadhay?
Nin Abeeso rabbeeyayoo,
Ubadkiisa la seexshey?
Iyo ninka aaminay Dheere?


Faarax Nuur markuu gaboobay ayuu shaalkii gabayga ee Arab ku wareejiyey laba abwaan oo afmaallada beesha u kacay ugu cadcaddaa.

Anigu shaalka waan dhiibayaa, oo shaacirrow kacaye
Cali
(1) iyo Xaashibaa(2) idinku shidi, shamacii naareede.
__________
1. Xaaji Cali Geelle
2. Xaashi biligwale

 

 

 

 

 

 

 

 

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com