Q  O  R  A  A  L

  Daarood-ku-xaar

  Waan layla maagin

  More

  More

Waan Layla maagin
Cilmi Cabdi Warsame "Cilmi-Liig" Habar Yoonis

Cilmi-liig wuxuu gabaygan tiriyay mar walaalkii oo la odhan jiray Aw Jaamac uu canaantayn oo ku yidhi waxaad tahay xoolo seeg ama nin aan lahayn lexejeclo taasina waa waxaad geel u dhaqanwayday

Reerkeena oo maal ka ladan, muuday sida aare
Ogaadeenka Miiroole yaal, moor u dhaansadaye
Magli dhabarka ugu qaatayoo, soo maroorsadaye
Muska jiidhay Maydhooy intaan, miray habeenkiiye
Murmay oo is macangeeyay oo, maagay kii wadaye

Midigta ugu gawracay sabeen, meel intaan tubaye
Culimana marraa uga akhriyay, oo mariye Yaasiine
Maadhiinna beerka ula dhigay, maalin dirireede
Marooro iyo u cunay Jaamacow, midhiyo dhaameele
Waan layla maagine kud laa meel walba u maraye.


_____________
Waxa ku deeqay : Muxyadiin Abdi



 

  More

  More

  More

  More

  More

 

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com