CAYDIID
CUMAR GODANE (EDAGALE) Gabaygana waxaa tiriyey Caydiid
Cumar Godane isagoo ka yimi hawd sare wakhtiguna uu ahaa wakhti
colaad xumi dhex tiil Ciidagale iyo Ogaadeen Dagaalo ba’anina ay
socdeen markaa wuxuu tegay magaalada hargeysa dabeed wuxuu arkay
nimankii Sacad Muuse oo intii Ciidagale dagaalka Ogaadeen ku jiray
magaadadii qabsaday markaasuu gabaygan tiriyey.
1. Dacwad gabay Cismaanoow beryahan, doon isma lahayn
2. Iska daayey maansooyinkaan, kuu dubbayn jiray
3. Ka durduurta caawana midbay dihatay laabtiiye.
4. Reer Cali afmeerkii ma dego, dixida weynaaye
5. Dalandool ka noqay Maalinguur, dawriguu dhaqaye
6. Dooshii Ammaadin iyo Webi, daawad laga qaadye
7. Darka reer Ugaas ugama shubo, daaqatiyo ciin e
8. Toddobaatan baa shalay la dilay, dagada Haaruune
9. Reer dalalna waatii la baday, dawlad guun culus
10. Iminkaanay daafdaafinayn, doolo iyo ciid e
11. Ushan diiba maxamuudidaa, duhur la maydhaayo
12. Laaskaa degtuun lagu hayiyo, duubka iyo shaalku
13. Kabahan dhaxanta loo diidayiyo, diilalyada joogta
14. Qaylidan dawaarkii cadmeed, lagu daruuraayo
15. Halka geelu duurkaa ku yahay, waan dul tegayaaye
16. Daarood ismaaciilba waa, kaan damaaciyaye
17. Mayntaan dushuun ugu sidaa, waanan dayn Karin
18. Dekadahan haddaannaan burburin, sida daraawiishta
19. Daaduun haddaannaan kadhigin, sida raggii dooya
20. Haddaannaan dad qaladkaad ogayd, idinku soo daynin
21. Oo weerarkaan diro sanguh,u dacar ku xeegaysan
22. Walee daahirow dhalashadeen diirka sare maaha.
Gabaygan waxa ka jawaabay nin Sacad Muuse ah
oo la yidhaahdo Haybe Deyr. Fadlan soo dir haddaad hayso. |