Wadaadyohow magaalada adaa, waalayoo rogiye
    Weli baannu kuu haysanniyo, Waalli soo degaye
    Wacdaan adiga kaa eegayiyo, waano aakhiro'e
    Wareer gelisey uunkii sidaad, tahay Wahaabkiiye
 |   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Taariikh   |
 
Wadaadyohow
Ma dhigmaan
Qalbi adayg
Kunkodaan is dhaamin
Xubeera
Cakuyeey
Tanganiika
 
Casayr Cali Aw Aadan (HJ)

Suufiyadu aad bay ugu badnayd Soomalida sidaa darteed baa wixii wax ka sheega xadrada, mawliidka, siyaarada iwm loo tixgelin jirey qof xad gudbay. Gabaygan kooban wuxu Casayr ku durayaa wadaad uu Wahaabi ku tilmaamay oo malaha wax ka sheegay dhaqammada suufiyada ee kor ku xusan.


Wadaadyohow magaalada adaa, waalayoo rogiye
Weli baannu kuu haysanniyo, Waalli soo degaye
Wacdaan adiga kaa eegayiyo, waano aakhiro'e
   
Wareer gelisey uunkii sidaad, tahay Wahaabkiiye
Is waraarintaada iyo qoortanaad widhif ka siinayso
Wanaag adiga waa kula tihiyo, war iyo moog-mooge

Whiskey baad malaa fuudday, iyo Waynki gaalada'e
Wallaahaan ku dhaartee ka xumid, waaxidkii Jahal'e
Waxad webi Ganaane uga timi, hadal warraaqiise
Wadan kale la qabo waatanoo laysu kaa weriye.

 

Copyright 2000 - 2004  HoygaSuugaanta.com