Cabdulle Raage (Abgaal)
Gabaygan wuxu Abwaanku ku durayaa
qolyaha reer Waaq oo uu sheegayo asal ahaan inaysan ahayn dad la og
yahay meel ay ka yimaadeen wixii dhalayna aan la hayn meel ay jaan
iyo cirib dhigeen. Wuxu Cabdulle Raage ku maslayaa duulkaas nijaas
ta Ey-ga la mid ah.
Dagaal iyo waxgarashaad
nin raga, mid isku deysaane
Dawo malaha nacas loo
dagtay, iyo dibir cajuusaade
Inay dunidu wada
roobsatay, doqontu mooddaaye
Haddaan reer dayacanoow
suaal idin dareensiiyo
Inaa soo degteen waa
qirteen ood dalag ahaydeene
Dalka Eebbe badiyee ku
yaal, dunida guudkeeda
|