Q O R A A L
Togdheer
Geerida horteed
Abokor& Lafcanbe
|
|
Waxa ku deeqay
: H O D A N A BDILLE
Gabayadani waxay Ilaahay ha u naxariistee dhex mareen Caydiid Lafcanbe iyo
Abokor Cawed Beyle oo ahaa laba nin oo ilma adeera asxaabna ahaa iyagoo si
kaftan ah isugu tirin jiray muddo dheerna ay socdeen. Waxa jirtay in markii hore
sida la wada ogaa uu Abokor Cawed gabayo ka horeeyay lahaa kuwan. Markaa iyada
oon Caydiid lagu ogayn haybaddaa hal abuurnimo ama aanu hore u muujin ayuu gabay
jawaabcelis ah ka soo tiriyay. Taasi waxay keentay in Caydiid si loo hubiyo inuu
isagu shakhsiyan tiriyay gabaygan la is horyimaado oo gole la wada joogo la
isugu gabyo. Waxa kale oo ku jira gabayadan mid uu soo tiriyay Xiinwaal isagoo
markaa ku nool Ethiopia.
Qaybta 1aad
Abokor Cawed Bayle
Gabaygan oon filayo inuu yahay kii ugu horeeyay ee ay ku bilaabatay gabay iyo
gabayceliskii Abokor iyo Caydiid, ayaa wuxuu Abokor u soo diray Gabaygan Caydiid
oo markaa Hargaysa degay beerna ka iibsaday.
Tuugguna ma seexdeen halkuu tumayo Caydiide
Isba tacabkii weeyaan inuu teneg huluushaaye
Tibtiyo mooyuhuu dhigay ninkii taajirka ahaaye
Taladii ilaahay ka qaad Turub sidiisiiye
Tol la'aanta lagu sii wadiyo timacadii Yeesif
Todobaatan baa reer Jibriil taagan beeraha e
Tobankay dhashiyo ooridii tigidhka loo gooyay
Tol dhan baaban laga hayn nimaad hebel tidhaahaane
Wiilkeena taa lagu dhalaa taabbo qaad ma lehe
Taw-taw-layaal sida Karbaash tarantu weeyaane.
Waa kaa tumaal xoolo aad kala timmaaddaanne
Caydiid Lafcanbe
Taagteed ma haysaan halkuu tumayo Caydiide
Isba tacabkii weeyaan inuu tamaro yeeshaaye
Taladii ilaahay ku beeg Turub sidiisiiye
Tib iyo mooye naagtaan aqoon tacabka reerkeeda
Taabuut mid aqalkeedu yahooy tuludi qaadayso
Tambareerigaa inaan ku jiro waan ka tooshadaye
Toonkii Hargaysaa Xuseen taash ku leeyahaye
Ana tarandacaas baan ku jiray taniyo waagiiye
Maxay taladu iiga boodsan tahay waan tigaadsadaye
Tolkii looga waa Ina Iiciid toogo maalin ahe?
Imikay taxaabaan markuu tagayo geedkiiye
Tunkuun baa la haystaa sidii Teelefoon xidhane
Tooree yarkaagii markaad toosi buur tidhiye
Tawaahaa ragiii joogi jiray taako leel yahaye
Taf naag qudh-iyo xidid waa wixii taabay reer Sahale
Hadii badow la toostoosiiyaa tarako keenaayo
Turaab bay noqdeen Cali wuxuu tarayo reer Wayde
Hadaad tuulo joog tahay Suweys looma toocsado eh
Tayo ma laha naagtuu qabiil kuu tartamayaaye
Nin la tuugayaa had iyo jeer taabbo gali waaye
Tareeshiinka Noodh iyo waxaad talo adduun hayso
Togdheer waxa faqrigu kuu jiraa taakadaa qudha eh
Tol la'aanta iyo caydhu waa laba turxaanoode
Tow towlayaal waxa ka daran tuug ninkii dhalaye
Hadii talada lay dhiibayoy tayda noqonayso
Tolkay waxaan usoo rari lahaa tan aanu joognaaye
Labada Gabayba waxa ku jira oo lagu soo halqabsanayaa Rag badan oo HJ ah oo
Caydiid hortii Hargaysa (Herer) degenaa Sida Xuseen Turub, Cumar Xaaji Cali (Karbaash)iyo
Xirsi Adan (Xirsi Dhancadde).
Qaybta 2aad
Caydiid Lafcambe
Gabaygan markuu tirinayay wuxuu ku muujinayaa sida uu uga xumaaday Geeridii
Sheekh Bashiir oo Rag xigto ihi sida la sheegay ka danbeeyeen shirqoolkii
Ingiriisku ku dilay.
Ra'yi ma laha giirow ninkii rag isu dhiibaaye
Raaciyadda nimankii ahaa reerihii tage e
Ruuxaygan uunbaa Galbeed raaxo soo bidaye
Rakiig baan noqdaa Bari markuu ruux ka soo galo'e
Halkaad igu ruxaysaan qalbiga waan ka soo raraye
Nin raqdii Bashiir ogi dhankaa uma riyaaqeene
Inkastoo rubaabi iyo noodh raqamba meel yaallo
reerkii ladnaadaba tolkay raray xigaalkaa e
Raxmad uma leh Nuux, Yeesifkay riixi karayaane
Risiqiinni iyo kaayagii waysku ridateene
Ninkii Rodol cirkaa dhigan lahaa reedhi loo noqoye
Raaxada Togdheer iyo Saraar Ruushan haw hadho'e
Cabdi Siciid (Cabdi Bulux)
wuxuu ku muujinayaa gabaygan canaan aad u wayn sababta oo ah ehel iyo gacal ka
sokow Caydiid waxa dhalay Nuux waxaana uu ka qabay Nuux markiisii hore.
Tol xabiiba xidid kuu tudhiyo hooyo ku xanbaartay
Markaad xaaladaysnayd raggii golaha kuu xaadhay
Xurmo waalid waa garanayaa weled xalaaleede
Xayawaanku waa kala yaqaan xaafadduu yahaye
Xigto Baaniyaalladuba waysugu xubeeraane
Xaaraamiyohow Bari maxaad uga xishoon weydey.
Waxa isna Caydiid u hiiliyay oo soo jawaabay Maxamed Warsame (Xiinwaal) oo yidhi:
Xiinwaal
Timir iyo halkii Giir Xuseen talada loo dhiibay
Meeshii ninkii taga sidii tuug la furanaayay
Tolxumaani waa waxaan u tagay Taagga Xabashaade
Caydiid hadii uu tabcaday tamarna uu yeeshay
Waakaa ku taajiray halkay lacagtu tuulayde
Mid tiriig la moodoon haween tamar ku gaadhaynin
Tugri lagu masaal buu ka helay Taaggii Laba Nuuxe
Maxaa loogu wada tookhayaa bari tabaalowye
Qaybtii 3aad
Abokor Cawed Beyle
Ingiriis ka xeel dheer ninkay xoolo ku arkaane
Mar haday xisaab kugu tuhmaan Xaraf laguu tuurye
Sida xabashi waakaa Shirdoon kuu xidhiidhsadaye
Xarfadii Saraareed adoo xiiqsan baad imane
Raggayagan Xayaadee walwaal ka xigsimoonaaya
Iyo kiinna Xuukada sitaa waaba kala xawle
Nin xamaaranaayaa ma tago xero Ogaadeene
Caydiid Lafcambe
Caydiid laftiisu wuxuu gabaygan jawaabta ah ku muujinayaa in Abokor qudhiisu u
xidhxidhan yahay Xirsi Cismaan (HY) oo uu xidid la ahaa.
Xaraf iyo Hargaysaa nin raga lagu xurmeeyaaye
Ana aan xoriyadayda iyo xiiso ka helaaye
Xoolaad u waydee Galbeed kama xanaaqdeene
Xaamilo nin soo gowracoo xuladku qiiqaayo
Xaqiisiyo nimaan kala aqoon xoolo binu aadmi
Xaaraami uun baa u kaca xero Ogaadeene
Adna hadaad xalaal miirad tahay kuma xidhnaateene
Nin u Xidhan Xirsi Cismaan sidii Xabashi qaamoobey
Iyo ka aan xadnaba haysan baw xiiso-qooq badane
Nin xabaal qaryaaliyo ninkii la xaragaysiiyay
Ninba xaajaduu doonayaa waa xasilisaaye
Alaylehe xayaadkaagu waa xaawalaynimo e
Xeryohooda buuxaana waa xoolihii Bariye
Koluu xagarku sheegana mar uun baa la soo xidhiye
Ma Xashiish-cab baan ahay markaan Xodayo dhaan geeyo
Xagarboodhle iyo hawd maxaa igu xambaaraaya
Ma ilaahay baa igu xukumay xaaladaa aniga
Qaybta 4aad
Abokor Cawed Beyle
Gabaygan wuxuu Abokor u tiriyay Caydiid mar Beerihii uu ka iibsaday Hargaysa
daad qaaday....
Tuskii da'aba dhoobadu haday tobankun xaadhayso
Tiiraanyo xoogsade waxaad tacabtay waakaase
Timir iyo qodaal waxay ku badi tenegga caydheede
Tukuunbaa ku cuni Herer ninkii soo talaabsada
Adigoo tukubo dheer sitaad taa ku soo noqone
Sidayadaa togyare geedo wayn toos la geliyaaye
Oo xoorka laga tuujiyaa tiixa karameede
Kol hadaanad Towlane aroos uga tusmaynaynin
Oon taanu naal iyo Banyare lagu tilmaamaynin
Waxba aniga hay tiigsanine tumo hadhuudhkaaga
Caydiid Lafcanbe
Caydiid ayaa maqlay muddo yar dabadeed in Abokor Cawed uu Berbera tagay soona
kiraystay Laba Midgaanood oo ay saamo u hoodhinayaan.
Habaryoonis waaguu la yiil Hererna caayaayay
Hataq buu dul joogee sidaa uma uu heerayne
Hadhyar kuma uu meermeeri jirin hiliftii gaabnayde
Nin Midgaano hoy kula jiroo harag la jeexaaya
Hablihii Xirsi Cismaan hadii Howlo laga doortay
Huruunshadiyo xaydhii haduu hawd ka jiri waayay
Mar haduu hunguri taabac yahay sida Hindoo caydha
Maxaa laga hayaanadinayaa wuu hadaadumaye
Haasaawihii iga xumaa inaan la haystaaye
Hawo kala dhaqaaqdee berraa hoodhku ku cadhayne
Intaad aniga ii heedantahay huurso qudhunkaaga.
Qaybta 5aad
Qaybtan waxa la isugu gabyayaa in ninba qolada uu u dhaxay furatay ama
xoolihiisa maamulanayso sidii ay qaybihii horeba halkaa iskaga dacaayadaynayeen
waana la isu faanayaa labada dhinacba.
Abokor Cawed Beyle
Faadumo Galbeed waa gabadhii uu Caydiid guursaday Cibaado Maxamed Cadduur(HA).
Faadumo Galbeed waxay wadaa fayl usoo jara eh
Fal baa u yaal Hargaysaba ninkii feella reer Bariye
Ma fadhfadhiyo ficidkiyo haduu fuudka laasimo
Wax badan baan intaan fooq u baxay fidiyay *laanjeere
Inkastoon faraqo taydu waa igu filaataaye
Faydiyo khasaaraba bakhayl laga fil roonaaye
*laanjeer= Long Chair ( kuraasta la isku kala bixiyo)
Caydiid Lafcanbe
Faarax Dayr waa Abokor sodoggii. Sheekadu siday ku socoto Abokor Cawed dhoolo
dahaba ayuu lahaa, markaa waxa dhacday in gabaygani sababay in markuu
geeriyooday Abokor Cawed Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabshee uu Faarax
Dayr isugu yeedhay umad oo dhan si markhaati loogu noqdo in dhooshiisii Abokor
lagu aasay.
Faadumo Galbeed waad ogtahay faashinkay tahaye
Faylkana ma goysee naftay faydo gelisaaye
Anaa furay inaad fooq kortood fidiso laanjeere
Foodh foodhna waad tahay dhakhsana wow fasaqantaaye
Sidii fidhiqo lacagtaadu waa foore galabeede
Fiyi-aydhadii iibisoo faaruq kaa dhige eh
Foodsaar dareemiyo boggaa kugu filaanaaya
Fadhigaaga hoy le'eg Isaaq kaama filanayne
Nin fuyuujarkiisii xunyoo faanayaad tahay
Falaagada ma raacdeen hadaad faydo leedahaye
Dhaaxaa nin farantaa u baxay fiid la qowlalaye
Inay fooqa kaa soo ridaan waa u faqayeene
Falaaxnimada oday waalanoo fooraraad tahaye
Fikradii wax lagu haysan jiray waa lagaa falaye
Far ma saarinoo reer galbeed furanna maayaane
Fijaan igama quban Herer wixii foocsanayd lacage
Faydiyo khasaaraa mid uun foodda loo geline
Adna waxaad faqiir tahay intaan foosku baabi'ine
Car yaan faarax dayr kaala bixin foolashaa sare eh.
Qaybta 6aad
Caydiid Lafcanbe
Mar uu Giir oo Abokor Cawed abti u ahaa inantiisana qabay u yimid Caydiid oo uu
waydiistay inuu kala hadlo Abokor lacagtii uu ku lahaa ha siiyee.
Dhoobada Berbera maalintii dhalad laguu sheegtay
Dhooliga raggii kugu sidee dhididku caaryaystay
Dhulka inankii kaa qaaday baad dhicis u quudhaaye
Dhuunyaaleyohow sowdigaa dhibaya Giir maaha
Dhakhsaa loo nacaa gabadh haduu dhaco adowgeede
Nin haduu dhalaankiisa cuno dhul isku aafeeye
Kama dhaco dhurwaagii fadhiyay dhagixii Caymeede
Dherya-jebis gaboobaa hunguri dhiidhi geliyaaye
Dhankuu naga xigaan tol iyo xidid lagu dhaqaalayne
Dhabaduu maraba ceebtu waa nooga dhowdahaye
Dhooqeeye maantana miyuu dhabanohays reebay
Dhulku kula go' saw kaa hablii dhaashi tiray maaha
Gabaygan markii uu tiriyay Caydiid aad iyo aad buu Giir uga cadhooday waayo
arrinta gabayada labada nin ka dhaxaysay in lagu soo daro muu doonayn teeda Kale
Giir wuxuu ahaa Abokor Abtigiis oo uu inantiisana qabo.
Qaybta 7aad
Abokor Cawed Beyle
Mar uu la hadlayay Cali Xariir oo wakhtigu ku yar adkaa wuxuu Abokor ku soo
halqabsanayaa rag badan oo Caydiidna ku jiro isagoo uga danleh inay wakhtigaa
kiisa ku wada jireen iyaguba.
Alihii Maxamed Qowliyo ninkii Cumar qadaysiiyay
Ilaahii Qasbaayena sidii qaaddi wax u dhiibay
Caydiidna qoloftii ka ridee qiimad kore saaray
Qasnadii Xariirow ma madhan Qaadir meel dhigaye
Qaarahakan tuur yaan hunguri qowyo kaa ridine
Caydiid ayaa maqlay gabaygaas oo markiiba isaguna ka jawaabay isagoo qudhiisu
hadalka ku tuuraya Abokor Cawed.
Qurbaawiga gaboobaa haduu qado hore u waayo
Qalbiga iyo iimaanku waa qaro yaraadaane
Qaloociyo xumaantu uga fudud qiiq sigaar shidane
Adduunyada nin qaybtiisii cunay qaarna ku amaahday
Ma qumana Qasbaayiyo inuu qado majeertaaye. |
|
|
|
M A Q A L
More
More
More
More
More
More
More
More
More
|