|
More
More
More
More
More
|
|
|
|
|
|
|
|
XAAJI
GABAY XADDDI |
Habar Yoonis |
Beerka
ka ogsooni |
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
Inkasta oo sidii la rabay aan diirka looga qaadin, haddana markaynu eegno inta
aynu hayno ee suugaan ah , waxaynu garowsanaynaa in ay Soomaalidu leedahay murti
badan oo
meel sare gaadhsiisan; murti bad ah, oo tix iyo tiraabba haddii loo kuurgalo aan
qaybaheeda si hawl yar looga dhammaan karayn.
Gabayga oo ka mid ah jaadadka maanso ee ay xikmadda, mahadhada iyo
waayo'aragnimada Soomaaliyeed ku dhan tahay ka ugu miisaanka culus, ayaa waxa uu
waayadii hore kaalin sare kaga jiray, ilaa imikana door weyn ku leeyahay nolosha
bulsho-weynta Soomaaliyeed.
Qoraaga sare ee Cabdi Yuusuf Ducaale "Boobe", ayaa waxa uu qoraalladiisa midkood
ku sheegay in Lewis iyo Andrzejewski oo ah aqoon-baadheyaal ku xeeldheer
Taariikhda iyo Suugaanta Soomaaliyeed ay 1994kii qoreen: in uu gabaygu kaalin
mudan kaga jiro dhaqankeenna, lana wada daneeyo; in xirfaddiisu tahay wax la
wada jecel yahay, isla-markaana aynu karti iyo awoodba u leenahay; iyo in
dhaxalka suugaaneed ee dadkeennu uu yahay xoog nool, oo ku taxan dhalanrogga
joogtada ah , ee ku socda nolosha bulshooyinkeenna.
Halkaas waxaynu ka garanaynaa in Soomaalida marka laga tago, ay xataa
shisheeyuhu qirsan yihiin in ay suugaanteennu tahay xoog muhiim ah, oo xumaan
iyo samaanba nolosha dadkeenna raadad waaweyn ku dhiga; raadadkaas oo muuqan
kara xilli kasta oo la joogo.
Haddaba waxaynu halkan ku soo bandhigaynaa Gabay aad iyo aad u qiime badan, oo
aan inagu cusbayn, hase ahaatee suugaanta Soomaalida meel sare oo lama-illoowaan
ah ka galay. Waa gabaygii caanka ahaa , ee uu halkudhiggiisu ahaa "Beerka ka
ogsooni", uuna tiriyey Eebbe ha u naxariistee abwaankii weynaa ee Xaaji
Gabay-Xaddi , oo haddii aanan gefsanayn aan filayo inuu daba-yaaqadii qarnigii
sagaal iyo tobnaad ama horraantii qarnigii tagay degi jiray Hawd ama gobolka
maanta loo yaqaan Togdheer.
"Sow godobi surinkaad martoba,
sabab qarsoon ma aha
Sow nabadi gogoshaada ood sida uun ma aha"
Labadaa beyd ee gabayga ah, waxaa la sheegay in ay ka mid ahaayeen maansooyinkii
qiimaha lahaa ee uu tirin jiray abwaanku, dadkuna aadka u jeclaayeen.
Xaaji Gabay-Xaddi maanta suugaan badan kama hayno, hase ahaatee marka aynu
dhuuxno tixihiisa inta aynu ka hayno, waxaa malaha qasab inagu noqonaysa in aynu
qirno in uu Xaajigu ka mid ahaa abwaannadii Soomaaliyeed ee ay suugaantoodu
qiimaha sare lahayd, loona han-weynaan jiray . Waxa aynaan ka fursanayn in aynu
sheegno in maansada abwaanku xagga tayada sare iyo laxaadka murtiyeedba ay kala
mid tahay maansooyinkii Salaan-Carrabey, Cali Jaamac Haabiil, Ina Jadeer,
Gammuute, iyo Maxamed Nuur Fadal. Raggaas oo ahaa raggii casriyadoodii
maansooyinka Soomaalida hoggaanka u hayey, dadweynuhuna ay afkooda ka dhawri
jireen xikmad aan duugoobayn, ilaa inta ay Soomaali nooshahayna aan macaankeeda
laga xiisa-dhacayn
Buugaagtii suugaanta ee dugsiyadii dalka manhajka u ahaan jiray mid ka mid ah,
ayaa waxaa lagu qoray in Xaaji Gabay-Xaddi abwaannimada marka laga tago uu ahaa
Garyaqaan, uuna ka mid ahaa niman guurti ah, oo dadka u garnaqi jiray.
Haddaba si ay wax u dhaceenba, waxaa la sheegay in maalin maalmaha ka mid ah, uu
abwaanka qaddar asiibay, jabniinna uu lug ka gaadhay. Haddaba rag rajo kama
idlaatee, inkastoo wanaaggii uu abwaanku rajeynayay ee uu mudnaa la mariyey,
haddana waxaa dhacday in ay dadkii dhawr qaybood u kala baxeen.
Laba bulsho oo uu abwaanku beryahaa ka hor u garnaqay, ayaa qoladii garta laga
helay sida la sheegay ay ku diirsatay dhibtii abwaanka soo gaadhay, sida gabayga
ka muuqatana ay "Baga" tiri. Halka qoladii kale wanaag iyo waxtar intii
karoonkooda ahayd ay la garab joogsadeen. Dadkii kale ee abwaanka soo booqan
jiray muddadii uu jiifay qaarbay booqashadoodu daacad ahayd, qaarna waxaa
booqashadooda ku hoos lammaanaa - sida ereyga "burunji" ee gabayga ku jira aynu
ka dhadhansanayno -dano kale. Qaarbaa dhul shisheeye ku maqnaa oo fursaddu u
saamixi weyday in ay abwaanka guurtida ah soo booqdaan, hase ahaatee halkaa kala
jiray, samona la jeclaa.
Haddaba tixdan "Beerka ka ogsooni" ee cajiibka ah, ayaa waxa uu abwaanku si
farshaxannimo, garasho-dheeri, iyo wacyi sare dugsanaysa inoogu sheegayaa qolo
kasta oo qaybahaa aan soo xusnay ka mid ahi waxa ay mudan tahay, abaalka loo
ogyahay inta uu le'eg yahay iyo sida maanka loogu hayo, oofintiisana loogu talo
jiro. Waana kan gabaygii oo hadda intan hoos ku xusan uun laga hayaa:
Bowdada markii aan ka jabay,
boqonka taaggiisa
Habeenkiiba waa i bidhan lahaa, bahalkii cawlnaaye
Raggii buurta dheer igala baxay, beerka ka ogsooni
Bah-Cillaamo goortay dhammaan, iga dul booyaysey
Bah-Sadhaysna "baga" inay i tidhi, beerka ka ogsooni
Ninkii Burunji inuu iga cuno, ii barriidinaayey
Ee aan bar kale ii tarayn, beerka ka ogsooni
Ninkii Belad shisheeye iga jiray, ee soo bixi waayey
Ee in aan bogsado uun jeclaa, beerka ka ogsooni
Laxaad waa badhaadhee hadduu, ii bogsado xooggu
Haddii uu biixiyaha Eebbahay ,isugu kay beego
Abaal badh ah abaal bur ah abaal bur iyo dheeraad ah
Ninba kiisa kaan ugu beddeli, beerka ka ogsooni .
_____________________________
W.Q. Axmed Iid Aadan |
|
|
|
More
More
More
More
More
|
|
|
|
|
|
|