|
Dukaanka Abwaanka: Culaab iyo
Alaab Miisaaman A. M. Yusuf | wayeel@operamail.com
Xamar, Feberaayo 2o, 2oo7
Amar iyo
tilmaamiyo gudbe, aade iyo jooje
Iskudare, xiriiriye, falkaab, ereyadeeniiya
Ebyan iyo haddaan magacuyaal ku arkay joornaalka,
Mar haddii afkaygii la qoray aabbe iyo hooyo
Mar haddaan amaahdii ka baxay lagu agoontoobay
Abaal waxaa leh nimankii fartaas soo abaabulaye
(Cabdulle Raage Taraawiil: Afkaygii la Qoray, 1972)
Taliyeha Abwaan
HOR IYO HORRAAN, waxa aan
jeclaan lahaa, qofnimada gabyaaga, wax yar, in aan ka iraahdo. Maanseeyehu
waa Oday Boos oo kale. Waa qof naga fiiro dheer, naga dareen fog, naga na
afmaalsan. Aftahan weeye eegmada ku dheellitira culaabta iyo alaabta
dukaanka. [Af Soomaaliga oo aan sabool ka ahay awgeed ayaa i badaysa in aan
adeegsado tibaaxda doolka ah.] Abwaan, dhaddig iyo labood ba, weliba midka
ugu waalan; mid geela halka uu diyada xeerka Soomaalidu uga jiro, riyo u
gelin karaya. Yaab ka ugu weyn na, waa goorta quraanyo uu u yeelo tayada iyo
tankii maroodiga; ama aarkii libaax uu doonfaar u dhalanrogo. Qalabka uu
adeegsado na waa carrab. Walow afku yahay wax aan la arki karayn, misana,
waa wax la dareemi karayo. Waa aan nimid. Soo' gaarnay. Baaxadsoorehii
Dareenka. Qalwodii Abwaannada. Hooygii Khilaawada. Daawadkii Ifafaalooyinka.
Madashii Maanka iyo Uurka. Ishii Wanooyinka iyo Sabaalinta. Golehii Guurtida
iyo Afgaradka. Hako naf yahay! Si, madax iyo wadne kale aad u yeelato. Maqal
dabuubta. Dad aanad horay ba u soo ahaan jirin ayay kaa dhigaysaa. Adiga oo
dhan dib ayay ku habeyn. Waxa aad noqon dad madaxbannaan. Cabbaar yar uun
istaag. Maqal. Hawraarta waalan iyo hawraarta fayow. Mir na ha tegin.
Duuduub u wada qaado. Aammusnaanta na dhawr: Codkii - Qaasim… Hadraawi… ina
Dirir…Afjurun… iyo qaar kale - ayaa immika laaqimaya. Wallee, sahal igu ma
dhaafaan. Waa aan u nolaan. Waa aan u joogi. Waa furihii dhaqanka aan ku
noolaan lahaa. Hooy, u kuurgal, naf taydaay! Weligaa na dib u soo goco. Ha
illoobin. Weligaa. Weligaa. Weligaa. Sheekada Oday Boos.
Oday Boos ayaa beri' iiga sheekeeyay, niman
geddiisa oo kale u waalnaa; laba rag ah oo qac ahayd. Talo ayaan biday in ay
ii tilmaamaan, ayuu igu yiri, Dukaanka Abwaanka na ay war iga siiyaan.
Maandhe, u fiirso sida ay wax iigu kala suuradeeyeen. Kii Hore ayaa isagii
oo talaxtagaya, igu yidhi:
Waa daaskii beenta, waa
daaskii runta, waa daaskii dhabta, waa daaskii dheelallowga.”
“Dukaanka Abwaanka waa carwadii wacdaraha,” ayuu la soo booday Kii Dambe
na.
Kii Hore ayaa haddana si niyadjab ahayd u yidhi, “Isbitaalkii Waallida
si aan uga fakado awgeed, ayaan beri miro beenaad ka soo iibsaday
Dukaanka Abwaanka.” Madaxiisii tallansanaa ayuu in yar ruxruxay.
Dabaadeed na, waxa uu yiri, “Takhtarkii na, wallee wuu iga siisan waayay.
Wuu i rumeysan waayay. Saa, mir rumaad, mir aan mar labaad ka soo
iibsaday Dukaanka Abwaanka, ayaan misana ku holli, is iri. Saa, haddana,
wuu iga siisan waayay. Wuu i rumeysan waayay! Xeer dadka fayow xira,
haddii uu jiri lahaa, wallee, abaalkiisa ayaan marin lahaa Takhtarka
waallida i jecleysiiyay. Hataan na, waa anigaa talaxgabay. Gurigaas
Waallida ayaan ku dhex rafaadi ama ba ku dhex raaxeysan doonaa, illaayo
inta aan ka dhiman doono. Dukaanka Abwaanka waa daaskii caalwaaga, waa
daaskii hungada, waa daaskii dhalanteedka, waa daaskii walaahowga.”
“War nin waalan baad illayn ahayd. Waalli qudha ayaad u la tagtay, adiga
ba, takhtar in yar uun kaa sii fayoobaa. Anigu mir run ahayd, iyo mid
been ahayd baan ka soo iibsaday Duunaanka Abwaanka,” ayuu Kii Dambe
wadaaygii ku yiri. Waxa uu na ugu sii faanay, “waageedii, runta iyo
beenta ayaan isku walaaqi iqiin; kadib na, labadii oo isku qooshan ayaan
ula tegay dhakhtarkii. Maxaad u maleyn? Wallee, waa anigii ku
indhasarcaaday maangaabkii waallaa!”
Kolkii la siiyay qooshkii
xumaha iyo samaha, ayuu Oday Boos igu yiri, dakhtarkii na, waa uu la dhacay.
Isla haddiiba, Dhambaal Caddeyn ahaa ayuu u qoray bukaankii wallaa. Kii
Dambe, isaga oo weli walnaa, ayuu sidaas Gurigii Waallida na uga baxay.
Dadku intaa weydiinta kama ayan dayn jirin. Illayse jeer kasta oo ay
weydiiyaan tabtii uu uga soo baxsaday Gurigii Waallida; isagu na, jawaab
qudha ayuu siin jiray. Dadka waxa uu ku oran jiray uun, “talo abwaan.”
Maandhe, anigu ba waxa madaxu ila boosaystay waa “maanso abwaan!” Lada
waayarag midkoodna ma uu waalnayn; takhtarku na, ma uu qabin fayoobi uu
iyaga kaga sii roonaa. Innaga ayaa inta badan ah Kii Hore oo kale; marar
dhif ah na, noqonayna Kii Dambe oo kale. Qofka se soo jirsada heerka aan
joogo oo kale, waallaantooda kala waalnida duwanayd, middood na, kama
fayoobaado. I rumayso. Maandhe, dad na, Oday Boos baw fayow.
Dukaanka Abwaanka waxa lagu
iibiyo ama ba laga gadan karo ayuu Oday Boos iiga faalleeyay. Murti
wanaagsan, dabuub wanaagsan, ereyo qurux badan, maansooyin madhaafaan ah,
suugaan si kasta ba u kala miisan; maanso “dhibka lagaga baxayo” in laga
helo ayuu iigu celceliyay dhowr jeer, isaga oo hadba u marqaamaya sitaahoo
uu yaab cusub ii sheegi lahaa. Murtida abwaanku in ay tahay hub oo kale,
ayuu i dhacsiiyay; in ay tahay dhar aan duugoobeyn, iyo hub loo xiri karayo
oogada dadka arradan iyo dadka uurka ka arradan ba.
Hogatuskii Abwaan Qaasim
Maansadii “Macaan iyo
Qadhaadh,” ee Ismaaciil Diiriye, qof Soomaali ah oo maqlay oo aan yaab
maqlin miyaa jira? Sida dabuubta maansada Qaasim ba ay bar na fool wanaagsan,
bar na foolxun kugula kulmayaan; halkii dabuub na, ay laba doodood isu sii
kala dhambalayso: ma aha Qaasim cidda nala hadleysaa; ogow, waa wax loo
yaqaanno qofnimo gabyaa ( codka gabyaaga); waa jilaa ku hadlaya isla
ereyadii uu abwaanku afka u soo gelgeliyay. [Cali Makaadsade: Fiin. Gabaygan,
waxa wadahadlaya fiin iyo codkii gabyaaga. Fiintu waa jilaa halabuureed ee
ku hadleysa xigmaddii abwaanka. Waa afhayeenkii abwaanka.] Haddaba, “Macaan
iyo Qadhaadh” na, ha moodin weligaa in Qaasim uu yahay qof kula hadlaya. Eeg
qofnimada gabyaagu sida, tixaha mataaneysan, gaashaanbuurnimo ahaan na,
middood ba mar, si gaar ahaaneed, ay hadba ula jaal noqon - mid walba na,
qareenkeedii u tahay. Dad waxa aan arkay yiri, “codku waa munaafaq.” Dad
kale na waxa ay yidhaahdeen, “codku waa mu'min.” Ma wax cusb oo uusan isagu
ba sheegin, ayay igu kordhiyeen se? Warcelintu, sida runta ah, waa maya. Sow
codku ba ma oran, “malaa'iigta naartiyo jannadu waygu murantaaye?” Sida
runta ah se, dadku waxa ay yiraahdeen, misana, si sillan ayay wax run uga
yihiin. Ujeeddodayda na, haddii aanad horay ba u soo tuhmin; haddeer ba taas
madaxaaga sii geli. Codka gabyaagu na gadh leh; dadku na gadh leh.
Dadka sidaas ugu muransanaa,
wadarta madaxoodii dhinnaa, haddii miisaan lala saari lahaa dhimirkii
dhammaa ee Abwaanka Culaabta Cuslusaa; haddii iyaga oo idil lagu kiisi lahaa
hal kafad, Codka na la saari lahaa kafaddii kale, garabka ay ka lulanayso
kafadda ay iyagu ku jiraan, waa hubaal in cirka loo dhifan lahaa. Marka ay
isla murmayeen na, isma ayan ogeyn, iyaga oo dhan haddii la isu geyn lahaa,
in ayan marna ba u dhigmi lahyn qofnimada abwaanka culus. Weligaa, sheekadii
Oday Boos ha moogaan: Takhtarkii Waallida, waxa uu faayoobi u qoray Kii
Dambe, sow saa ma ahayn? Si aanad ugu wareerin fiiradaydan, si aan ay kuu
dayeysiin waallidaydu, Codka Gabyaaga mugga weyn ayaan meesha ka saarayaa.
Dabadeed na, iyaga oo aan muranlow iyo macangag u kala soocay, aan dadkii
doodsanaa ku kala xereeyo labadii kafadood.
Illayn waa dadkaas xoolaha
e, waa dadkaas dadka ah, waa dadkaas wadaadka leh, waa dadkaas shaydaanka
leh, waa dadkaas dhoohan e, dadkaas aan xasilayn e, waa dakaas waalan e -
way herdamayaan, way dooddinayaan, way isu foolaxgooddinayaan, …. Midkood ba
wax run la ah, ayuu run jirtaa ba u haystaa; midka kale na, waxa ka kale run
la ah, ayuu been jirtaa ba u haystaa. Maan Barreey iyo maan Bilal, kala maan.
(Maahmaah Soomaali). Ogow maankoodu ma uu fadhiyo; ma na aha dad ku wada
qanacsan aragtidooda. Sida xilliyadu ba isu rogrogaan, qaar baa, iyagu na,
hadba is rogrogaya: waxa ay ka boodayaan kafaddii ay horay ba ugu jireen;
sidaas darteed na, waxa ay ku aragti noqonayaan kooxda ay ku soo biireen:
kooxdii ku jiri jirtay kafaddii ay ka soo horjeedi jireen. Waa wareeg ku
saabsan waalli aan joogsan doonin teeryo suurki aakhiro. Xaaladdaas iyaga oo
ku sugan, haddii la waydiiyo: kuwooda, immika ku sugan, kuwa ku jira kafadda
culus, kuwooda haysta codku waa erey quman, waxa ay oranayaan, “Codku waa
mu'min”! Kuwooda, immika ku sugan, kuwa ku jira kafadda fudud na, kuwooda
haysta codku waa erey qalloocan, waxa ay oranayaan, “Codku waa munaafaq”!
Illayn miisaankii ba wuu sabbeynayaa e: qolo ba, qaar iyaga ka mid ah,
codkii ay horay u dhiibteen maahee ku ka duwan ayay gadaalo ka dhiiban
doonaan, hadda ama hadhowto ba, jeer ay ahaato ba. In aad feejignaatid,
ayaan kaa codsan lahaa. Deggenaanta na aad dhawrtid. Waxa aan soo gaadhnay
Daawadkii Ifafaalooyinka. Maqal. Bal u dhabbagal: Dadka, kuwooda is
rogrogaya, kuwooda labacodleynaya, kuwooda la moodo munaafaqiinta, run ahaan,
iyaga ayaa ah kuwo ugu wada xasilan; waayo, goorta ay arkaan ama ba ay la
noqoto in ay lunsanaayeen, gefsanaayeen, naftooda kama beensheegayaan; wixii
qanciya ba, hore ayay ka qiranayaan: Sidaas awgeed, iyagu kama maqna, goor
kasta ba, kafadda ay runtu taal. Intooda kale, sidii Kii Hore, macangagyo
hal gees uun wax ka arkaya, meel aan loo joogin ama wax aan loo jeedin ayay
noloshooda ba ku idleysan weligood. Kugu ma oranayo se; waa dad ka liita
kuwa labalabeyna. Ogow se, waa qaar ku dhegan, wixii ay kolhore ku dhegeen.
Caqiiddada qofku, aan iraahdo diinta qofku, waxa ay ka mid tahay waxyaabaha
lagu dhego ee aan marna ba laga fuqin. Anigu, kolley Muslim baan ahay: kafad
kasta oo aan galo, kama fuqayo diintayda. Tan ayaan na uga jeedaa marka aan
kugu oranayo, “[ma ahan] dad ka liita kuwa labalabeynaya.” Waa xaqiiq jirta.
Arrimaha aan jeclaan lahaa
in aan kaala hadlo, buug lagu ma soo koobi karo. Dhimbiishii yareyd ee dabka
weyn shidday ayaan doonayaa in aan halkeedii kuu galo: in aan maankaaga
shido; sidaas awgeed na, qorista buugga isaga ah na, aad igala qeybqaadatid.
Ma i kastay walaal? Buugga isaga ah na, waxa uu doonayaa il gudeeddii maanka;
ishii maanku na, haddii uu “caad ku xidhan yahay” na, waa bilaashkeed. Murti,
weeye ‘ il ’ ku saabsanayd oo aan dhowr iyo labaatan sano kahor ka bartay
nin la oran jiray Badar ee degennaan jiray magaalada Damaar, Yemen:
Indho bururay
labadooda baad bilig ma daayaane
Kol haddaan birriiq lagu arkayn waa barkumataale!
Miisaanka Garsoorka,
garsooruhu, waxa miisaanka uga jiraa halka sabaradda ay labada kefadooda iyo
laba garbood ee miisaaku ba ay ka lushaan. Mudnaan lahaydaa in aanad
halmaamin, in adduunku ka kooban yahay waxyaabo kala geddisan, iyo
ifafaalooyin kala jaad ah ee waxyaabahaas iyaga lagu kala sidkay: Qaarkood,
waxyaabaha iyo ifafaalooyinka, ‘ ilqaawan ’ ayaa lagu arki karayaa; qaarkood
kale na, si loo arko, waxa ay u baahan yihiin in weyneeye la hoos dhigo;
hadii il qaawan lagu arki karayo iyo haddii kale ba, labaddaraadle, iyaga
qudhoodu, dheel ayaa jirta aan ay xeerarkeedii muujin karaynin. MUCJISO ama
waa HABISO, miyaa? Waayadii Abkow iyo Abooto, waxyaabo mucjisooyin ahaan
jiray, carruurta maanta nool lama ba yaabaan. Habisodu se, way jirtaa weli.
Aqoon uu Ilaahay meel kasta ba dhigay, iftiinkii uu Eebbe kuu shiday, haddii
u Shaydaankii kaa demiyo ama johoraddii maanka uu kaa xado - waa habiso.
Sidaas ayay habisadii na ku noqon MUCJISO. Waa maxay mucjiso? Waa CAALWAA.
Yaab awgii, yaab adigu uun
kuu godob ah, ayuu maankaagu na la dheeldheellin doonaa. Waxayaabaha iyo
ifafaalooyinku ba, haddaba, sida dahabka iyo badarku ba u kala leeyihiin,
iya na, waxa ay kala yeelanayaan miisaanno kala kaan ah:-
“Bal se, dadka qaarkii ma oga, ma na
ogaan karayaan,” ayuu igu yidhi Oday Boos, “ haddii aan la baraynin ama
indhahooda ‘ dillaacsan aan laga fureyn daboolka.’ (Hadraawi: Allahayow
Nin Daacada). Kaalintaan ilbaxnimo, waxa bulshada ugu jira waa ABWAANKA.”
Kaalintaas weeye, daaftii
ina Sanweyne ba uu ka galay Miisaankii Guurtida. Caasi ma uu ahayn goortii
uu ka booday kafaddi eexda. In kasta uu miisaankii aabbehii wax u dhimay,
haddana, miyuu waalidkii wax u dhimay? Waa maya!** Si kale se, abbehii ayuu
tusay gar, haddii kale aan uu weligii ba arki kari lahayn. Eeg, ina Sanweyne
aabbihii (soddoggii), miisaan kale ayuu wax ku miisaaman jiray: misaanka
dhaca, kalaqaadka, qabyaaladda…iwm. Gartu waa ay is rogrogtaa; qaalligu na,
waa sida garta oo kale: gar ba, gar ayuu tusiyaa: Gar na, in “la jiifiyaa na
bannaan, la joojiyaa na bannaan!” Nin joojiyaa, iyo nin jiifiyaa ba na, ma
wada iilan, ma na wada oogin. Garsoore waa Ilaaha Weyn. Ogaal, ogaalkeenna
oo idil ka wada weyn na, isaga ayaa iska leh. Adigu ba, waa aad og tahay.
Subxaana'llaah. Miisaanka Eebbe, waxa uu halbeegi karayaa xumaha aan uurka
ugu dabayno; haddaba, waxa aan kugu adkeyn lahaa in aad ka feejignaato;
waayo qaar ka buuxa kafadda naga soo horjeedda - laga yaabee - in ay yihiin
kuwo dadka inoo neceb ama kuwo dadka ba inoo wada jecel ba. Uurka dadka na,
Eebbe ayaa naga wada Og.
“Suugaan Soomaali iyo
mid kale ba, weligay kuma arag, kuma na maqal: maanso sida ‘Macaan iyo
Qadhaadh’ dad u kala hagi karaysa; ama aan iraahdo, u hogatusaaleyn
karaysa,” ayuu Oday Boos si qiiro qaran lahayd iigu yidhi. Waxa uu ii
sii faahfaahiyay, “sida miisaanka u sabbeeyo, daalac-naasil na uu u
yahay, in ay talo na, marna kor u jirayso, mar na hoos u jirsanayso:
Markii uu kor jiro, waa tabane (xummaan); markii uu hoos jiro na waa
togane (sammaan) - sidaas ayuu na codkii abwaanka, kol na qaarkood ula
weynaan, kol kale na ula yaraan. Sidaas ayay maansadu na ku noqon sibir
iyo malab isku iidaaman.”
Waxa la soo gaadhay goortii
aan waxyaabo mahuraan ah, si guudmar ah, aan kuugu kala qeexi lahaa. Qalab
suugaaneed ayaa jira ama ba dheh curiye suugaaneed oo la yidhaahdo
dibirrooti. [ereyga xididka uu ka soo jeedo waa legdin, leged, dibirin,
jallaafo, ama jallaadmid - daboolka indhaha, dhankiisa gudoha jira kolka
debedda loo soo rogo.] Adiga oo intaas madaxa ku haysta, bal aan in yar kuu
sii raaciyo. Haddaa, waa maxay dibirrooti? Dibirrooti waa kalatagnaanta ay
ku kala geddisan yihiin ama ba ay iskaga soohorjeedaan, isku na ay dhaafsan
yihiin: muuqa, filadka, iyo jiritaanka (sida ay run ahaan wax u jiraan) -
xaqiiqda. Maanseeyuhu waxa uu adeegsadaa dhowr dibirrooti; hadba na,
dibirrootigii ujeeddadiisa taabbaggelin karaya ayuu isugu saloogaa ama ba
soohaa ama ba u marmaroojiyaa, qalloociyaa si uu inooga qoslisiiyo, haddana,
isla jeer ahaan na uu illayse malaheenna u malehabaabiyo ama inoo murugeeyo:
dadka iyo noloshu ba, uma dhaqmaan sida laga filanayo. Saddex dibirrooti
ayaa jira. Hoos ayaan na kuugu tibaaxi doonaa:
Dibirrooti Tiraabeed:
Nin baa xoolo oo dhan hal orgi ka haysta. Oday maalqabeen ah ayaa ku
oranaya saboolkii: “Ma hayinkan ayaad reerka ugu dhaamisaa?” Hantiilehu
geel buu carrabbaabayaa; hayeeshee, si dadban, si jeesjees ah waxa uga
hadlayaa waa orgi duq ah oo weliba cadho awgeed na la golongolay. Kaaf
ayuu ka hadlayaa, Kaladheeri ayuu na warka ula dan leeyahay.
Dibirrootiga noocaan ah, waa ka ugu fudud ee uu dadku wada garan og
yahay. Hal ceeb oo qudha ayuu se iska leeyahay: dadka ayuu dhaawacayaa -
waxa na loo yaqaan wiirsi.
Dibirrooti Arrineed:
waxa dhacaya wixii aan loo fili ama la filan lahayn: Booqde ayaa aadaya
Dugsigii Booliska ee Xamar-Jabjab si uu uga qeybqaato goob uu khalqigu
daawasho u joogay. Waqdhaacinkii Dowladda, eedeysanehii, goorta la keeno
Madashii Geerida, ayuu baxsanayaa; sidaas awgeed na, geddii cusbo biyo
lago walaaqay oo kale, ayuu tumbushii ugu dhex milmayaa. Dabadeed,
boliiskii ayaa raas ka dabatuuraya: sida kale se, rasaastii waxa ay
dilaysaa daawadehii - booqdehii. Fitilig! [ L Xamar ayay ka dhacday
usbuucii hore!]
Dibirrooti jilitaan (goleed):
waa isla dibirrootigii arrineed ee la jilaayo oo kale uun. Daawadeha (akhristeha)
waxa uu og yahay sir aan uu ogeyn baxaalligu (jilaagu): jilaagu waxa uu
martiqaadayaa tuug (nin isaga saxiib la ahaa; bal se, waa tuug soo
qorsheystay tabtii uu ku dhici lahaa hantida wadaaygii). Miiskiinka,
jilaaga aan waxba ogeyn, warmoogga, iyo tuugga u soo dhaaraansaday
xatooyada xoolihiisii: isu eeg sida kala duwan, kala fog, kalataggan oo
ay daawedehu iyo tuuggu ba u sii wada og yihiin - dukaanleha dagan.
Sillansugan: waa
nooc ka mid ah dibirrootiga. Sida keliya oo ay uga duwan tahay ayaa ah,
dhacdooyinka aan la si fili karayn, waxyaabo aan la qaadan ama loo qaadan
karayn, la rumeysan karayn ee isla jeer ahaan na isburinaya, maanku na uu
diidayo, si uun ama si kaleeto ba, ayay misana wax uga run yihiin - sida
runta ah. Tusaale, dacartu marbay malab dhashaa!
Dibirrooti Kacsan: Waxa looga jeedaa eegida dibirrootiyeed oo aan
dheellitirnayn. (eegi: waa geesta cidda wax eegaysa ay wax ka eegayso).
Kolka dibirrootigu yahay mid xasilan (dheellitiran), akhristehu dhul uu
cagadhigto ayuu helayaa; waayo maanseeyuhu waxa uu ka hadlayaa ‘Kii Dambe’
illayse waxa uu warkiisu ku beegan yahay xagga ‘Kii Hore’. Waa orgigii iyo
awrkii oo kale. Haddii ama orgi ama awr laga hadlayo ba, labaddaraadle,
afgarasho ayaa ka dhexeysa abwaanka (qoraaga) iyo akhristeha: hal eegi ayay
isla wadaagan. Eegidan ay wada wadagayaan, haddaba taas, ayaan si aad ah
meesha uga wada muuqanayn; ama meesha ba waa ay ka madhanaan (ka maqnaan) -
goorta dibirrootigu uu yahay mid kacsan. Si duurxulka dibirrootigan kacsan
uu u fogaado ama u qota dheeraado, waxa uu gudbiye u noqonayaa: “tabta wax
loo dhagro”; waa na akhristeha, goor kasta ba, badowga dhagareysan: waayo
maanseeyuhu xaggiisa ayuu akhristeha u soojiidanayaa, u na kasbanaya si uu
iskaga horgeeno malehii (qabkii) akhristeha iyo akhristeha; macneha, isla
malehiisii ayuu qoraagu ku wiiqayaa qabkii akhristeha. Ma kastay? Soomaalidu
maxay ka tiri arintan oo kale? Haybadle Ugaas Nuur Ugaas Rooble, doqon
gurigiisa uu habaqlehu isku soo halleyn jiray, dabbaal ku xeeldheeraa xogta
‘ifafaalaha dhagartan’ iyada ah oo kale, ayaa tusaale aad ku cibroqaadatid
maanta kugu martiqaadaya:
Allahayow nin ii daran
maxaan daafta hore seexshay
Nin i daaqsanaaya na maxaan daafiduu kariyay
Naftu nimaanay doonayn maxaan hadalka deeqsiiyay
Ma degdego ee xaajada maxaan ugu dulqaadyeeshay
Weji dabacsan daymo aan dareen gelin dubaaqiisa
Debno furan dabuub uuna ka didin deexashiyo muuso
Qosol debadda yaalloon ka iman dhuunta dacalkeeda
Waxaan dood kaftana sheeko aan ugu daleeyaaba
Dabinkaan u dhigay maalintuu degelka soo saaro
Intiiyoon dawaarkii ugu rogrogay xeelad na u daadshay
Isagoon digniin qabin maxaan kaga dayaan siiyay
Sida aad soo aragtay ba,
taabtaas oo kale waxa ka dhigan maansada “Macaan iyo Qadhaadh”; dad la
daadihinayo, misana, middi na loo sito. [Qaar baa maatada isu ekeyseyn; taa
na ogsoonow.] Xigmadda ugu weyn oo ay maansadu xambaarsan tahay waa:
qofkeenna isu ma haysto ama iska ma ba dhigayo in qofka xun uu isagu yahay.
Si kale, gabaygan, waa sida adiga oo muraayad isku eegaya; waxa aad arkaysaa
na noqon mayaan isla hummaagtaadii; bal se, fildarrada dadka kale mahee,
meesha ba, wax kale kaaga ma soo muuqanayaan - wixii xun ba, adiga maahee,
waa inta kale. Kuu shaydaan ama yahay wadaad ba, dadka aad arkaysaa,
dhankooda ku soo xiga ee uu iftiinku hayo, ma kaas oo qudha ayaad ku
aqoonsan karaysaa? Sow ma ogid, dadku gadaal wax kale ayay uga eg yihiin,
dhankooda madow ee uu harku kuu hoosaasinayo? Dhankiisa ku soo xiga, kuu na
dhoolbiraya, sarweji beenaad ayuu hadba mid qurxoon ku soo xidhanayaa. Ama
adigu, haddaba, kala wareeji qofkii; si aad u dhugato waxa duudka ugu
qarsoon; ama qofkii, isagii, ku oro uun: “War hooy, i tus dhabarkaaga”!
Dhagarqabe, car ha sii joogo.
Hadda iyo dan, aan u soo laabto maansadii aan u loogi lahaa akhristeha Oday
Boos ee sharafta leh. Ma xusuusataa Kii Hore, Kii Dambe, iyo Takhtarka. Waa
ragga, abwaanka Qaasim oo kale ah: Abwaanka dadkiisa ka soo saara meelaha ay
waallidu ku dilootay ama ba Guriga Waallida ku dhex baxnaaniya. Aniga ayaa
kuu faahfaahin doonaa sida Qaasim uu ula mid noqon Kii Dambe ama ba Kii Hore.
Eeg. Garab ka mid ah garbohii maansadii Qaasim, haddii aan anigu la tegi
lahaa Beertii Xorriyadda; si xornimo leh na uu u marin kari xul ka mid ah
ereyadii abwaanka; maxaad u maleyn in aan ka muteysan lahaa reer Hargeysa?
Haddii ay kuu suurtageli lahayd, madasha iyada ah, in aad ka mid noqoto
dadka wax ka joogi kari lahaa, bal maxaad igu oran lahayd: haddii aan af
labadii la yeeri lahaa:
Waxaan ahay dacar
Waxaan ahay mindi
Waxaan ahay macangag laayaan ah
Waxaan ahay mukhawi waashay oo xumaha miista
Waxaan ahay tuug mu'diya oo aan maal Rasuul bixin
Waxaan ahay mudanka shaydaanka iyo maal jinni
Waxaan ahay reer magaal Loofar ah oo aan muuqan
Waxaan ahay muuq gelinkiiba muunad goonni ah
Waxaan ahay [nin] Malaa'iigta naarta ay ku muranto
[Raalli ka noqo gabayga aan baduugay!
Si aad ii garato ayaan u jacburiyay.]
Maansadan xubnoheedii kale
la dilay, ma sidii Qaasim oo kale ayaa la iiga dhegeysan lahaa? Waxa la igu
oran lahaa: “war kani waa shaydaane ha la… iwm.”! Haddii se, sida Kii Hore
ba, aan mar kale doonto xubnihii wanaagsanaa ee maansada, misana, aan isla
soo taago Beertii Xorriyadda, maxay misana reer Hargeysa igu oran lahayeen?
Odaygu waa nin wanaagsan, miyay igu oran lahaayeen? Warcelintu, sida runta
ah, waa maaya! Bal se, waxa ay igu oran lahaayeen: “waar odaygu wuu iska
faanayaa.” Ama kaba si xun: “Waar sidee u sheegtaa inuu yahay ‘maqaam
awliyaad’! Waar waa shaydaan waalan ee ha la…iwm.”! Inta xun, baxaalliyada
xunxun (dadka xunxun) ee maansadiisa lagu arkayo, Qaasim kuwaas uu sheegay
oo kale ma uu ahayn. Labnaanta, habka qooshan, ayaa farriimaha maansadiisa
ka dhigay wax dadku ay qaadan karayeen, ay ka siisan karayeen, ay na
rumeysan karayeen. Haddii kale, sidaydaas oo kale ayaa lagu oran lahaa “waa
shaydaan ama wuu faanayaa… iwm.”
Aadmiga gebi ahaantii, ama Soomaalida gaar ahaan, ayuu miisaan wada dul
dhigay. Innaga ayay naga mid yihiin kuwo wanaagsan, iyo kuwo xun ba. Qaasim
waxa uu nagu oranayaa: “in igu filan ayaan noolaa. In dadbeecadaha kala
duwan ee dadyowga aan ku barto. Kuma ayaa kee ah, iskaga kay darmi mayso.
Ciddii aniga i soo tooyata, haybteeda la ii ma sheego. Anigu ayaa qof kasta
ka sii aqaan. Goortii kasta oo ay dan i kaa soo baddo; ii soo marti. Qofow
na, jidkii aad doonto soo raac; aniga ayuu i kaa keeni doonaa. Ii kaalay. Ha
soo daahin. Ii soo dhowow. Waa aan kuu loogi ama ku loogi doonaa uun e.”
Sidaas awgeed na, ma jirto cid isaga u soo dhuuman ama dhar ayan lahayn u
soo xidhan karaysa. Ha na isku dayin abwaan Qaasim oo kale in aad malehiisa
sii odorosto; waayo waa ninka taa na kaaga sii digay, kugu na yidhi, “miisaanna
ima saari karo, qof i maleeyaaye.” Tixdan waa aan ku soo rogaalcelin
doonnaa.
Intaas oo dhan waxa aan si dadban kuugu soo sheegi rabay: maansada abwaan
Qaasim, dhankeeda xun iyo dhankeeda wanaagsan haddii aan la isku toli lahayn
- kay ahaan lahayd “Macaan [ama] Qadhaahd” ba - ma noqoteen wax ay dadku
iibsadaan; macnaha, dadku dhegahooda ma ayan siisan lahayn, dhawaaq uu
dareemehu ba ka gidaadi lahaa. Kalatagnaanta sharta iyo khayrka ee uu isugu
kaaya qooshay, waa sidii ugu hufanayd oo ay isha maankeenu wax ku arki
lahayd, wax na ay ku miisaami kari lahayd. Xusuuso murtida kale ee
Soomaaliyeed: “Waa qaali nabaduye, haddii aan qallooc jirin miyaa qiri
lahaydeen?” (Xasan Sheekh Muumin: Waa Qodob Su'aal). Wanaagga iyo xumaha,
haddana, midkood na, ka kale la'aantii, qiimaha uu leeyahay lama ogaadeen.
Ogow na, yaysan kaa hoosdusin. Qaasim ma sheekeynayo uun; bal se indhahayaga
ayuu u horkeenayaa hummaago, sidii maraboobtii oo kale, maankeenna ku
dhegaya: dacar, malab, qof dhabaq muudsanaya, dad mataano ah, middi, gacan
wax qaleysa, gacan maato daadihinaysa, dad marti ah oo loo loogayo, sheekh
mufti ah, mukhawi, khamri, loofar, jidiin, miisaan, marin, qof maalin wal
midabeyntii jirjirroole, madal, muqaddim, wadaad, minqaabo* macsiley ah,
reer magaal loofar ah, awliyo masaajid sii gelaysa, iyo tuug reero u sii
dhacaya, madax boosaystay …iwm. Ereygu waa afgarad ka jooga walax maanka
sawir ahaan uga soo dhexfooceysa, kolka aad maqashid ama aad aad kicisid -
sida haatan ba u kickicinaysid qoraalkaan. Jabaq kasta oo ka mid ah
ereyadaas waxa ay ku horkeenayaan jileyaashii maadeyskii adduunyada.
“Miisaanna ima saari karo, qof i maleeyaaye,” ayuu Qaasim tixdaan
nagu oran, sow ma aha? Bal horta, sidii adiga oo daawanaya sawir la aslay (aslitaan),
hore ama gadaal ba, hadba u guro; illaayo aad ka heleysid barta uu muuqaalku
ugu afeysan ama ba ugu saawirsan yahay. Ka raadi interneetka gabaygii
“Macaan iyo Qadhaadh”. Qoraalkan na, iska halmaan intii cabbaar ah. Gabaygii
dib u wada akhri, soo na hel mirtaas, mirta kale ee
beeninaysa. Imtixaan yar weeye. Ha qishin! Haddii aad garan weydo, qoraalkan
u soo laabo. Isaga ayaa ku bari doona. Waa iska xaal adduune. Kor ayaan
kuugu soo sheegay in gabyaagu (qoraagu) dibirrootiyada uu iskugu saloogo,
sooho, marmaroojiyo si uu inoo lumiyo? Sow adigaas gabraartii Qaasim ku
dhacay? Meesha aan kaala hadlayaa ma garanaysaa? Qaasim kolka tixdaas iyada
ah uu nagu yidhi, 5 diilin kadib, isla haddana, sow kaa naga oranayo war,
warkiisii hore ba beeneyn, burinaya: Rag kale ayaa jira ee isaga miisaami
karaya, mise saa ma uu oran? Gabaygan magaca la siiyay maahee mid kale ayaan
u aqaan - muran! Maansada iyada ah, weligeed ba, dadku waa ay ku muransaan
doonaan. Waar eeg, anigu u oran mayo ee codkii Qaasim baa yidhi: “Ninkii
maalmo badan soo jiraye, madaxu boosaystay / ee inan rag miisaami jirey, wuu
i maan garane”. Qaasim waa inan Rag, sow ma aha? Isaga hortiis iyo
waagiisii ba, haddaba, rag ayaa jiray miisaami karay inan Rag oo idil;
sidaas oo kale na, rag ayaa gadaashii weli nool, isagii na weli miisaami
karaya! Raggii miisaani jiray geddoodii, ragga weli “maahmaahaha[uu] soo
dulmaray” miisaami doona, waa hubaal “masalooyin talantaalli ah” ah in ay ku
miyirbeeli doonaan. Taas aniga ayaa u qiraya. Horta warkaan dambe, ma run
baa, mise waa been? Haddii ay wax ka jiraan, beydkii hore (tixdii hore) waa
been, sow ma aha? Mise waan murannaa uun. Tixdaan, ujeeddadeeda aan
ilaysraaca ahayn, iftiinkii maanka haddii lagu dhifan lahaa, fool kale oo ay
leedahay ayaa la arki kari lahaa. Abwaanku se, ma uu doonayo, si
wejiggabaxnimo leh, qofna in uu far ugu fiiqo; ama qof walaal la ah ba,
aadmi ah, in uu fartiisa ku godo. Hibada uu adegsanayaa na, waa qarsoodi
iyo qeexnaan “dacar iyo malab meel ku wadayaal”.
Jaahil sakhraama miyaa
wadaad la barbardhigi kari lahaa? Wadaadkii toosnaan jiray wuu dufoobi
karayaa; sidaas oo kale, caasigii na, caabud ayuu noqon karayaa. Yaa jaahil
ah; yaa se, wadaad ah, weeye weydiintu? Si dadban, si duugan, iyo si silloon
ayay cawrooyinka qaawan, misana, murtidan anshaxan looga bidhaansan karayaa.
Qofkii miisaaman, xummaantiisa iyo sammantiisa ba waa la og yahay, sow maaha?
Ogow, qofkii la misaamo ba, haddii tankiisii dhinmo ama ba uu is dhimay,
waxa uu kugula doodayaa: waryaa hooy, aniga ima miisaami kareysid; ama waxa
uu kugu oran ba, miisaanka aad i saartay waa kii tuugga ee ma aha kii
wadaadka loogu talogalay. Bal adigu ba, si dheh. Malehayga, male na beenowye,
muranka caynkaas ah na, tixda iyada ah, waa laga dhaadi karayaa.
Inkiraadlehu waa kii weligii wax soo dafiri jiray. Tuug maxkamad la saarayo
weligaa ma aragtay? Waxa ugu horreeya ee uu qaadiga ku oran waa: “xaal jira
Allaa og!” Tuuggu ma run ayuu hadalkas uga jeedaa, mise? Qaasim, misana,
waxa uu na barayaa in dadku ayan jeclayn in la miisaamo! Weliga ha moodin in
uu faanayay; sida kale se, innaga ayuu faankeenna dahsoon debadda u soo
saarayaa uun. Dadkiisa na wuu ammaanayaa; si maad badan na u eedeyaa.
Oday Boos waallida uu ka
helo, weligii na uusan ka fayoobaan doonin, waa waallidaan naadirka ah;
allaaba aniga iyo adiga oo kale na, kuma ba dhacdo. Ogow se, waan hubaa;
waallidaan labadeennu ba kama fayoobin, haddana. Ee qofkeen ba, si goonni ah
ayay u haysaa.
Tixdii hore u noqo. Iyadu
na, run ahaan, sidee wax uga jiraan? Midabka uu codka gabayaagu ka hadlayaa
waa waayaragtida abwaanka: Qaasim, ka aad arkaysaa ma aha kii shalay;
waayaragnimo kale ayaa muggii maankiisa ku soo korortay; sidaas awgeed, ma
noqonaya Qaasim, kii shalay illayse waa Qaasim, ka maanta ama ka HADDA! U
fiirso, maalinta, xilliyada, waayaha ma isla kuwii uun baa? Qaasim na, waxa
uu ubadkeedii yahay maalintaas u jiro ama ba uu nool yahay. Iyada ayaa na
barbaarin joogta ah ku wadda. Barashadiisa, aqoontiisa, iyo ilbaxnimadiisu
waa kuwa had iyo jeer ba xuubdhacsanaya; sidaas awgeed na, aqoontiisu kama
koobna duuggii hore, ee waa duuggii hore oo duug dambe lagu kabay - aqoon
ugub ah iyo dareen curdin ah. Tixdii hore, ma run ayay xambaarsan tahay mise
been, haddaa? Qofka garaadkeenna jiidanaya, daadihinayaa, martigelinaya waa
codkii gabyaaga; ogow se isla jeer ahaanta uu ku soo dhoweynayo, adigii ayuu
misana isla garaadkaagii kugu dayeysiinayaa? Waa dibirrooti kacsan. Cago na
dhul dambe kuma haysid; cirkii na ma jirtid. Heego dhexe ayaad ka
deldelanaan. Taas na anigu, af Soomaali ahaan, waxa aan ugu erexbin lahaa ‘laandeyr’.
Waa madadaalada aan Qaasim looga maarmi karaynin.
Codkii gabyaagu waxa uu ku
saarayaa doonnidii qaxootigii Bari oo kale; intaas weliba kugu deyn mayo ee
garaadkaagii ayuu weliba labadibleynayaa; maankaadii na kaa dhacayaa,
dabadeed na, biyihii badda kugu cabbayaa, baaxadsoorihii badaha na kaaga soo
shiraacan. Cidladaas adiga ayaa is baday. Ha kaa saarto. Sabbeyn wanagsan,
walaal. Ii raaxeyso ama ii rafaad. Sida codka Qaasim dadku u dago, weli
allaan ku qoslaa. Maad iga dheh!
In laguu dibindaabyeeyo
gedda qaxootiga, Qaasim uga ma jeedo. Si kale se, eegidaada ayuu doorbin ugu
yaboohayaa; si meel fog aad malluugga wedkaagii uga wejigaratid. Maxaa se,
aan ugu waanoqaadan waynaa, milankii innaga naga sii horreeyay, kuwaas oo
lagu wada hoday isla hal dibirrooti ee Qaasim ba ka sii da' weyn? Ilaahaan
ka magangalnay e: Waa Habisodii Shaydaan! Waa Dhagartii Shaydaan. Sidaas
awgeed weeye, waxa codka gabyaaga ee Qaasim uu kuu barayo in aad dunida la
jaanqaaddid; in aad la socotid dhagarta duugga ah iyo dhagarta doolka ah ee
kacsan - aan muuqan, ee hadoodilan…. Sida xilliyda oo kale, haddaa, waa in
aad u midabeysaa.
Runtu waa Jiis
Halkaan waxa aan kuugu soo
bandhigi doonaa sida miraha beenaad iyo miraha rumaad ay ula halmaalaan
labada addin ee dadka. Lug ba, lugta kale la'aanteed sow u ma dhutiseen?
Runtu na waa jiis oo kale, waa se jiisnimo ku saabsan maankeenna. Haddii aan
ay beentu tiir garabgala u noqonayn; run keligeed hitinaysa, maan dhoofay,
maan dhoohan, maan waahore horumaray, ma gaari karayso. Cuuryaankaas oo kale
haddii aad ahayd, haddaba, Dukaanka Abwaanka waxa laga helaa qalab lagu
taakuleeyo dadka adiga oo kale ah; qalabku waa mid kaa dabageyn doono ama
aad ku dhaafi doontid waalkaa. Iska daa Kii Hore ee; orodka ayaad ba ku
dhaafi doontaa xitaa Kii Dambe ee Takhtarkii Waallida, mirihii abwaannada ku
maandoorin jiray. Qalabkaas, waa qalabkii Abwaan Qaasim ba uu “Macaan iyo
Qadhaadh ” ku dhisay, waxa na yiraahdaa sillansugan. Sida qeyb hore ee
qoraalkaan ka soo mid ahayd ba ay ugu soo saabsanayd sillansugan; inta weli
harsan na, waxa uu saabsanaan doonaa isla qalabka isaga ah.
Sillansugantu waa murti cillan ee ku dhex duugan hawraarta maansada
tibixqaaran (qaafiyadeysan), sheekooyinka, filimada, ruwaayadaha, oraahda,
maahmaahda, weeraha, hadalka, qoraallada kala duwan, wararka idaacadaha, iyo
wargeysyada ba. Halkaan se, maanso maahee suugaanta inteeda kale waa aan ka
reebi doonaa. Haddaba, maansadu waa tixo jimeysan (miisaaman), kuwaas oo
murtida ay xambaarsan yihiin ay ku kala meeleysan tahay labo kafadood. Sow
kafadaha miisaanka, haddaba, middood lama saaro culaabtii (garaammehii) wax
lagu halbeegi lahaa; kafadda kale na, sow lama saaro alaabtii la beegi lahaa?
Sillansugantu waa labadaas kafadood, iyo dheellitireha oo kale. [Ha iku
hafin miisaanka qalabka sillansuganta aan ka hadlayo, iyo Miisaanka Maansada.]
Miisaanka sillansugantu se, waa mid duwan; waa mid jeer ahaanta uu sugan
yahay, dheelliriran yahay, isla jeer ahaanta qudheeda na noqon wax silloon,
wax dheellinaya. Waayo, haddii aad eegtid kafaddii culaabta, waxa sare u
kacaysa kafaddii ay alaabtu saarrayd; haddii, sida kale, aad eegmadii u
dadabtid xaggii kafaddii alaabta na, waxa sare u kacaysa kafaddii ay
culaabtu saarreyd. Tallan waxa kugu abuurmaya aad moodeysid, mar na in
culaabtii ay ka culeys yar tahay alaabtii; ama in alaabtii ay ka culeys yar
tahay culaabtii - dhanka kasta oo aad fiiradaadii u rogrogtid ba. Haddii ay
middood ka culeys badan tahay midda kale, iyo haddii kale ba; haddana, waxa
aad hubtaa in miisaankii tixdu na (miisaankii maansadu na) uu isku gaw yahay!
Ma na jirto, haddana, kafad ka nusqaansan, kafafadda kale. Sixirkii oo kale,
sow la ma moodo? Mise innaga ayaa waalan? Maxay tahay, haddaba, sillansugan?
Sillansugantu, sida suugaanta kale ba, waa alaab ereyo loo rogay, walxo
ereyeysan, walxo la maanseeyay; sidaas awgeed na, waa murti, waa sidii
gawskii surta ee kaa raba in aad jabsatid. [Cayayaan yaryar ee la yiraahdo
dhurde ayaa sammeeya sur (malab). Surtu ama waa miid ama waa gaws. Dhurdeha
qaarkii ayaa surta ku kaaya ama ku kaydiya dhagxaanta dhexdooda. Malaha,
inaad maqashay ayaa laga yaabaa oraahda ah: “waxaas waa sur dhagax gashay.”]
Sida dhurdahaas yaryar, abwaanka qudhiisu na, murtidiisa waxa uu ku dhex
kaayaa ama kaydiyaa Dukaan bir ka adadag. Diiwaan. Sidii dhagaxii surtu
gashay na, dad baa jira Dukaanka Abwaannada iska jabsada; waayo abwaanka
Soomaaliyeed waa ka qudha oo aan u soo raacan doonin dadka xada alaabtiisa!
Waayo xeer wax xira haddii u jiro na, qofkii waalan ma xiro. Maalin
maalmaaha ka mid ah se, xeerka ayaa geyn doona, wixii waalan ba, Gurigii
Waallida. Tuuggaas waa nin dhaxalkiisii xadaya uun, sow ma ah? Waa
sillansugan. Dukaanle, isagii qudhiidiisii, is xadaya!
“Ama ha laga soo xado ama ha laga soo iibsado,” ayuu igu yiri Oday
Boos. Dabadeed na, indhohii inta uu cabaar isu geeyay, ayuu sidii qof
riyoonaya oo kale igu yidhi, “sillansuganta, sidii surta ba, wallee, shay
weeye u macaan. I rumeyso, sillansugantu murti carrabka Soomaaliga lagu
miisaamo ama ba la saaro ayay ugu dhadhan macaan tahay. Ogow, gedda
cirifyada kala geddisan ee birlabta, sillansuganta iyo maanku na waa kuwii
isu soo jiita, isugu soo hilooba, isugu na soo haanyooda sidii lammaano is
jecel. Murtidu waxa ay jeceshahay in ay iska dhex taallo Dukaanka Abwaanka.
Maankaygu na waxa uu jecel yahay, rukunka qudha ee Dukaanka Abwaanku ba uu
yeelan karayo in uu isagu ahaado. Wax ka muudalnimo badan, maankaygaas
damaca waalan oo kale, weligaa sheeko ma ku maqashay?”
Sida sillansuganta falan ay maanka u gaddo, ayaan tixo kale kugu dareensiin
doonaa. Hayeeshee, ha moodin, abwaanka Soomaaliyeed in uu yahay falanfallow.
Si kale se, waa murtidiisa waxa dadka ba sixra.
Kulan Xasan Cilmi (Afjurun), isagu na, waxa uu ka mid yahay gabyaaga
Soomaaliyeed ee gartay jiritaanka wacdaraha sillansuganta. Gabaygan,
“Aakhirutahan” ee Afjurun, waxa la addeegsaday isla qalabkii lagu abuuray
gabaygii Qaasim ee “Macaan iyo Qadhaadh”. Dulucdoodu iyo dabuubtoodu ba, in
kasta oo ay kala duwan yihiin, haddana, murtidoodu waa mid aad u mug weyn.
Afjurun waxa uu hogatusayaa ifafaale ku saabsan nolosha ifka aan ku noolahay;
si guud ahaaneed uun. Ogow se, waa sidii googgaaleysi oo kale. Haddaba waa
in aad maleysaa waxa ay noqon karayaan, waxyaabaha uu gedahooda kuu
suuradeeynayo. Hoos waxa ah halxiraale caanbaxay, waagiisii na Mudug oo idil
wada saameeyay:
Cirkoo guuri ciiddoo
god geli dhagaxyadoo goohin
Qorraxdoo xanuun laga guboo garab ka taahaysa
Biyahoo harraad gubahayoo gal u arooraaya.
Gu' nin jira graadna aan yareyn ee garku caddaaday
Gud iyo yicib galool iyo maraa geedo tiro gaaray
Een samada guudkeeda jirin ciiddana aan gaarin
Gammaankii fardood ee dammeer ganac ka hooseeya
Naagahoo garnaqi iyo raggoo guudka xiranaaya
Geeridoon wax dilin oo ninkii go'ay u booyaysa…
Kolley se, haddii aad weli
leedahay isla dhaqankii uu Afjurun ku noolaan jiray oo kale; waxa laga
yaabaa in taasi kugu kaalmayso si ay fiiradaadu u hufnaato. Laga yaabee in
ay kugu cuslaato si aad u furtid halxiraalehaas, iska ba furfuran. Car se,
waa ku kaas ee garo tixaheer isburinaya, isbeeninaya, herdamaya oo silloon
ee haddana sugan. Tixo laga unkay oggol iyo diiddan; maanso laga sammeeyay
“haa” iyo “maya” - tabane iyo togane.
Diilinta maansada ugu horreysa, “ciiddoo god geli,” tusaale ahaan, godka
laga hadlahayaa waa sida aad u garatay waa xawaalka: Godku waa “irridaha
xabaasha.” (Hadraawi: Arag Maqal).
Sida la wada og yahay, waxii dhulka lagu aaso, haddii aan ay wax kale ka soo
saarin, meeshooda ayay iskaga sii jirayaan illaayo abidkeed ama ku
basbeelayaan, sow ma aha? Shinnada, abuurka beeraha, haddii ayan ama bukin
ama aan uu bahal cunin, iniinta middii fayoobayd, dhulkii lagu aasay uun bay
dib uga soo huftaa; marna ba cirka kama soo dhalato, sow ma aha? Irridaha
xabaasha waa kuwo maydka lagu arooriyo; - “aakhiro Cabdow way aasan tahay,
iilkay jirtaa.” Eeg sida abwaanku uu maanka inooga xadayo: Horta, “irridaha”
laga hadlayaa waa kuwo sidee ah? Waa kuwo dhulka ku duugan asii samada na
jira. Iyaa. Bal yaabkaas, cabbaar maanku ha kugu sii wareero. Miisaankii
Dukaankii Abwaanka yiil dib ugu eeg. Culaabtii iyo alaabtii, xaggee bay
haatan kaaga kala muuqanayaan? Ma kafadda dhulka mise kafadda cirka? Maxaa
se, wax ciidda lagu aasay, ku xidhay cir sare ee fogaan inoo jira - meelo u
dhow xeradii Laxaha iyo golehii Awrkii Cirka? Dhagaxii surta oo kale, haddii
aad murtida diiwaankii abwaanka uga jabsan lahayd na, haddana si kale ayay
maanta ayaandarro u jirtaa. Maanta waa aaskii iyo agaskii marxuumkii
irridaha xabashii lagu aroorin lahaa, ma sidaas baa? Waa maalintii
baroordiiqda. Sidaas awgeed, Dukaanka Abwaanka wuu xidhan yahay! “Hal Ka
Haleel: Sooyaalka Hadraawi iyo Suugaantiisa”, buuggii Baashe na, gacantaada
kuma jiro, miyaa? Haddee, adigaa cidla' is baday ee ha kaa saarto. Mise waa
aad is khaafinaysaa? War heedhe, maanta, yaa adiga kaaga aqoon badan oo aad
bal weydii is oran lahayd? Ha welwelin. Aniga ayaa kuu og halka meydkii,
dhulkii, iyo cirkii ba ay ku wada idil yihiin. Maanka ka dhex day. Walaal,
diiwaanka abwaanka, in yar uun ka dhex baar! Hubaal weeye in aad murtidaas
ka heli doontid. Waa hubaa na, weligaa in aanad ka xiiso dhici doonin.
“Abwaanku waa afhayehii maanka. Xujo kasta oo aan ku dhaco, murtidiisa,
‘talo abwaan’, ayaan u baxsadaa. Murtidiisu waa sidii harkayga oo kale,”
ayuu iigu faanay Oday Boos. Waxa kale ee uu igu yidhi, “meel kasta oo aan
joogo ba, maankayga ayay la joogtaa. Waayo, aniga ayaa ku soobaxay Guriga
Waallida oo guuraya.”
Aan dib u eegno ciidda geeryoonaysa ee Afjurun uu ka hadlayaa. Ciidda
dhimanaysa ee qabriga lagu adkaynayaa, maxay tahay? Iyaa! Ma “ciid” baa
dhimanaysa? Ma og tahay walaal, dad Aadam (cs) ayaa ugu horreeyay qof uu
Rabbigu uumo. Dadku Aadam ayuu ka yimi; Aadam na carro ayuu ka yimid. Dadkii
dirkoodii hore laga beeray ciidda - ilmihii Nebi Aadam - kolka ay xijaabtaan
waa isla ciiddii (dadkii) oo ciiddii (iilka) laga hoosmarinayo oo kale. Waa
ciid dhimatay ee dhulkii kowdii hore ba laga uumay, dib uun loogu celinayo.
Sow ma ogin, aayadda oranaysa: “ iyada ayaan idinka abuurnay, iyada ayaan
idiin celinaynaa, iyada ayaan na idin ka soo saari doonnaa goor kale! ”
Haddii berigeedii, sidii dhagaxii surta loo jebin lahaa madaxii Afjurun,
waxa laga heli lahaa waa murti ku saleysan aayadda iyada ah uun. Halkii aan
abwaanka dhakada ka jebin lahayn ama aan dukaanka ka jabsan lahayn ama ba
aan madaxiisa ka dhaawaci lahayn; si haddana, fiirooyinkiisa fayow innagu
aan u helno; wixii haatan ka dambeeya, waa iga codsi, walaal, aan uun
akhrinno maanka abwaanka. Jabsi iyo xatooyo na, aan iska illowno. Cadaab na
waa lagu mudan; burcadow na, taa ha moogaan. Adiga ayaan kugu ogahay in aad
sii akhrisid maankii Hadraawi, iyo kii Afjurun ba. Haye! Sii akhri suugaanta
abwaanka; waa intaas oo ay kuu furantaa ishii ku “daboolanayd” e.
Il Arkaysa, iyo Il Ogaanaysa
Qaado, talada abwaanka. Bal
adigu ba, waa ku kaas ee inta aad indhaha isku qabatid, isla jeer ahaan na,
car wax arag. Waxa aan ku weydiin lahaa: waxa aan jirin ama waxa aan loo
jeediin ba aan iraahdo e, sidee loo oqoodaa, haddana lagu aqoonsadaa? Waa
SIR CULUS. “Arag Maqal,” waa maanso aad mooddo dabuubteedu in ay ku xoonsan
tahay labada diilin ee isku lammaanan ee heesta ugu dambeeya.
Isha xidho
afkana dhawr
Arag maqal warkana ood
“Waayeel talo ma seegto;
tabco na ma illoobo,” ayay oran jirtay islaan ayeeyo ahayd. “Si kastoo loo
indhosaabo, wixii jira wuu kaa og yahay.” Isha Hadraawi (isha xidho oo arag)
iyo indhaha ayeeyo (indho saaban oo og); isu eeg, indhahaas; bal wax uun ku
kala eeg. Il xidhan ee wax arkaysa, iyo il la saabay ee wax og! In waxa aad
arkaysid, misana, aad og tahay, iyo in kale; taas adiga ayaan ba ku weydiin
lahaa
Qofkii aan is yeelyeeleyn, sow ma oga, abwaan Hadraawi, “Arag Maqal,” heesta
iyada ah, in uu ku billaabay: “Arraxmaan Sideey Tidhi, Hadalkii Ilaahay.”
Aadmiga lama abuurin uun; akhriska iyo qorista ayaa la baray, buuni ayaa
laga dhigay. Dhulka na, Ilaahay Wuu Abuuray; dabadeed, MIISAAN na dhigay.
Kahor dibnihiisa inta aan uu erey ba soo marin, abwaanka dhabta ah, sida
Maxamed Ibraahim Hadraawi, miisaan ayuu wax kasta ba dul saaraa. Kafadaha
miisaanka, malehayga, waa labada caymood. Illayse, il kale ayaa jirta ee
maanka ku dhex taal. Kafadda naaquska ah iyo kafadda karaardhaafsan kala
arkaysa oo kala na og. Il weeye gudo ku taalla, waxa isu eegaya labada
kafadood. Ishaas ayaa gacantii dukaanleha fareysa; bal kafaddii dhacnayd
qaanteedii in ay u soo dhiciso; tii dhacday na, dheerigii raacay in ay ka
soo dhigto.
Wayaragnimadii Oday Boos
Carruurnimaddii ayay dhal
baas igu hodeen qoriga loo yaqaan dabdacalle. Qorigaas waa qori; haddana,
waa qori ah; si goonni ah. Aniga oo aan ogayn waxa uu hoosta ku watay ayaan
soo qabtay. Dab nin haya, daa' la ma yiraahdo. (Maahmaah Soomaali). Hah, ma
gacmihii ayuu i gubay! Qorigu dhan cillan, dahsoon iyo waxa uu ka kooban
yahay dhan caadyaal ah, muuqda. Kulaylku iyo qabowgu waxa ay ku kulansan
yihiin waa isla halkii shay! Wacdarahan oo kale waa sillansugan: Laba
walxood oo kala gedisan, qabow iyo kulayl, asii meel qura ku wada ayiman.
Sillansugantu waa oraaho ka kooban hawraarro is diidaya ama is beeninaya
asii uun ay si uun wax uga run yihiin. Tusaale ahaan, Soomaalidu waa gacal
is neceb! Weedhaan waa sillansugan; waayo gacal iyo nacayb, meel ma wada
galaan. Ma gacal ayaa gacal fogeeya? Ogi se, inaad su'aashaas oo kale is
weydiin lahayd. Tusaale kale, korontadu, waa dab waxa lagu gubo; waa na dab
barafka lagu sammeysto. Soomaalidu waa dad barwaaqeysan misana baahan…iwm.
Ka sii wad halkaas.
Maanmaalku waxa uu adeegsiga bidaa muuqaallo kuwaas aan soo aragnay oo kale
ah. Waayo abwaanku waxa uu doonayaa, waxyaabo aan awalba naga dahsoonaan
jirin in uu daah inooga rogo. Waxyaabo ama siyaabo ka dhigan: “Nin anbaday
halkuu aaday way ula ekoonayde, anigoo arkaayaan waddada eerigoo maraye!” (Axmed
Dirir Nuur Aadan: “Eerig”). Indhaha oo shanta na ah, “harka galay markay
tahay ayaan hilinka dawga ah aannu kala habownaa.” (Hadraawi: "Halkay Caawa
Joogtaa."). Abwaannadan, labadoodu ba, waxa ay hogatusayaan in la habaabi
karayo, iyada oo weliba na la og yahay, kolka jidkii qummanaa, wadiiq
leexsan, looga sii bayrayo. War ye', mararka qaarkood innaga oo arkayna,
innaga oo og, ayaan jidkii ba ka lumeynaa. Ilaahayow, na hanuuni. Oo waddada
toosan, na haleeshii. Aamiin.
GunaandKii Oday Boos
Aqoon aan ay abwaanimo
garhayn waa sida qof indhoole ah oo la dhex taagay meel iftiin iyo dhalaal
badan. Indhoolka qaarkii, waa ba uu naga ogaal roon yahay. Wuu naga arki og
yahay. Waayo waxyaabo kuweenna indhaha leh laga saabo, ayaa indhoolka
qaarkii la ogeysiiyaa. Ii sheeg, walaal, haddee, keennee indhool ah? Ma
midka la tiray il oogo madax ku taal baa, mise waa ka la tiray il gudo madax
ku taal? Jawaabta ha ii soo sheegin. Waayo cidda kula hadlaysaa waa Oday
Boos. Odaygii Waallida. K
Ugu dambayntii bal aan u laabto, daaha na ka qaado ereyga tibaaxda mudan.
Dabdacalle: waa degel docda hoose ka qiiqaabaya, dusha sare na ka ah
dogob dansan. Afka sidaas wacdaraha u qeexi og iyo ereyga loo bixiyay ba,
gebi ahaan, awowgay ayaan ka bartay.
Digtoonow! Dabdacallehu sida uu oogada sare iyo bogga hoose uga kala duwan
yahay; dad na, waxa ku jira mid guudka gacal la moodo, gunta hoose ee
wadnaha na, ka ah gaal ku naceb. Niccolò Machiavelli ba waxa uu amiirka kula
taliyay in uu isu yeelo muuqaal hoosaasin karaya dhabtiisa, muuqaalkaas ka
hoos na, taliyehu in uu ku shaqeysto adduun - adduun ay awooddu qaawan tahay.
Iska jir jawfaleenka reer Afrikada Madow. Waa sillansugan. Waa dabdacalle.
Ereyo Cusub:
* minqaabo: eraygan
waa ladhkab ka kooban minan iyo qaabin. waa naag gurigeeda ku
filan; naag magac wanaagsan ku dhex leh reerka uu hartigeedu ka dhashay;
hayeeshee, si aan muuqan na u ah darkii Caynabo oo kale. Ninkeedu na, doobka
reeraha ayuu ragannimo u sheegtaa, sitaahoo uu yahay nin lagu galladay
raalliyada lagu faano oo kale. Shirib ayaa jiray lahaa:
Malakulmawd masaar
sitiyo, marro Quraamahaa is moog.
Minqaabo macsileyahiyo, ninkay u maamushaa is moog.
**… u dhimay…u
dhimay iskudhigmo, iskudhihid, kalamacne; labada erey oo isku dhawaqa ah
ayaa la ciyaarsiinayaa: waa sarcanaan walaal! Waa la gaardisiinayaa!
A. M. Yusuf wayeel@operamail.com
Xamar, Feberaayo 20, 2oo7
|
|