Maahmaahyada garta dhaqanka: Gartu waxay leedahay maahmaahyo iyo Odhaaho
badan oo loo isticmaalo, waxaana ka mid ah:
Gari laba nin kama wada qosliso
Laba garamay iyo laba gantamay (isdilay)
galladi kama dhaxayso.
Gar waa loo wada islaam.
Nin gar yidhi ma tacadiyin.
Gar eexo, gacan laabban iyo gudoon
jilicsan rag looguma talin karo.
Garta sheeg baa laygu yidhi ee ku dirir
layma odhan.
Garawshiinyo waa geel siin.
Hashaada waa laga tagaa, halkaagase
lagama tago.
Saddex baan maarradooda la helin, Min-weyn
reer mulkiday, Mari Idaad (lax0 oo
madow (Doog) wayday iyo muduci markhaati waayey.
Nin markhaati been ah kuu furay
muraadkaagana ku gaadhay, isna waxa uu yahay ogaatay.
Raq-ba waa ku rageed.
Awr xamilkii waa qaadaa, xadhig
qaloocanse ma qaado.
Nin aan garaw baranini, garna ma barran.
Taasi waa gar, dawse ma aha.
Gartu soddog iyo seedi midna ma taqaan
ee allay taqaan.
Nin aan khatalmin xaal ma qabto.
Hadii ay qooni timaado, qunjuraafo
hadhan.
Saddex waa gar, saddexna waa gardaro,
saddexna waa galabsi.
Hadal iyo hilbaba kala qallan.
Miyeynu iswaalnaa oo laba halaad iyo
badhley ayeynu qaadanaa, mise waynu miyir qabnaayoo laba halaad iyo badh
baynu helnaa.
Madax aaddan lahayn miyirkiisa la isma
saaro.
Gartaada debeddaa laga akhristaa.
Garna garteedaa lagu doonaa, Mandheerna
garkeedaa lagu doonaa.
Gole waa saymo
Hoos-ba hadal leh.
Badh geel murran ma leh.
Dhac guudkii lagama hadlo.
Halka dhiig lagu daadiyo, xab ayaa lagu
daadiyaa.
Gaal dil, gartiisana sii.
Waayeel ha gurrinee, wax aqoon gura.
Isna ha hadloodo.
Bidena gartiisa sii.
Xadhko geel ma wada xidhaan.
Marka indho gar lihi ooyaan, indho gar
leh maxaad mooday.
Markhaati waa dhaar nin lihi diiday.
Hadii aad aragto nin calooshu ka soo
dhacday oo uu ku soo ergoodo, ha garsiin ilaa aad kii kalena aragto
waaba intaasuu go’aye.
Ninkii candhuuftaadu gaadho,
gacantaaduna ha gaadho.
Ergo wixii la farona way geysaa, wixii
la siiyana way cuntaa.
Rag waxa u ayaan darran nin doqonkii
dacwiyey, nin durguftii duday iyo nin dameerkii bakhtiyey.
Xadhig habeenimo iyo xaajo guntan mid
walba ninkii xidhay baa fura.
Wixii aan markhaati lahayni raajacsan.
Boqolle boqol baa lagu doonaa.
Gardaro garab og iyo gaajo guri og
midna looma taag helo.
Walaalkaa magtana ka bixi,
markhaatigana ku fur.
Tolkaa dhiig waa loo soo duwaa, dhaarse
looma soo duwo.
Gari waa maxay.
Marag Ani.
La jiifiyaana bannaan.
Qoslaa hiil leh.
Waayeelku hadalkiisa kaftan buu ku
dhamaystaa.
Belaayo hor la qabto ayey leedahay,
daba la qabtose ma laha.
Ina Sanweynena u gee oo gartaasi waa
sidaa.
Nin malagii galay iyo Mamaasan u gee.
Hubsiimo hal baa la siistaa.
Guddi raagtay ama hal meesha ku jira
ayey ka saaraysaa ama hal aan ku jirrin ayey soo gelinaysaa.
Aduun I khatal.
Hadal nin kaa ka xigo iyo hawl nin kaa
xigo midna lama hororsado.
Meesha aad nin ka qaadanayso, nin baad
kaga tegaysaa.
Nin wiil lihi xeer ma duraanto.
Fara-madhan baa daawo xidhantaa.
Meeshii xoolo mareen baa xeer maray.
Farasaw kadlahaaga iyo kudladaada isla
sug.
Waa Jemeshii Wacays Kaliile maxay noqon.
Gari laba nin kama wada qosliso.
Tolkaa eex laguma dilo.
Hadal xigaal iyo hilib idaad-ba
qabawgaa lagaga dhergaa.
Lafahana gur, xaragona haka tegin.
Saadame ayaad garran.
Caduur dhowdhowdu uma dhacsana.
Aniguun baa aakhiradayda seegaye, aar
walaal noqon-waa.
Colaadi wiil bay dishaa ee wiil ma
dhasho.
Garta
Dhaqanka, Maahmaahyada Garta.
Maahmaahyada garta dhaqanka oo aanu cadadkayagii hore qaar ka mid ah
idiin soo gud-binay waxa kale oo ka mid ah:
Waxay kuugu darran tahay marka qofka aad wax la doonaysaa kula
garran-waayo, qofka aad wax ka doonaysaana uu kugu garto.
Doqoni seeftii caro loogu riday sed-bursiinyo ma moodo.
Hadal kun isku ogtahay kow ma odhan-waayo.
May tidhi waa kayd rag.
Rag in loo abaal-guddo iyo in laga aarsado ka fara badan.
Is hubaa heesa.
Rag ballan baa xidha, naagana meher baa xidha.
Hadii aynu intaa ku dhaafno maahmaahyada iyo odhaahaha ku soo arooray
garaha dhaqanka, bal iminkana aynu wax ka xusno suugaanta, gaar ahaan
heesaha ku soo arooray garaha, waxaana ka mid ah:
Dadka kii wax garadiyo garta ina sanweynaa loo geysan jiraye, gaasiraay
inaga yeyna kala guraaya.
Dadku kala gardaranaa, garran-maayo wiilkee.
Gari ma ku gashaa, adiga maku gashaa.
Nin gefaaba lay tirinayaa garasho waa yaabe.
Intaa hadii aynu ku dhaafno suugaanta dhinaca heesaha ee ku soo arooray
garaha, bal iminkana aynu eegno suugaanta dhinaca gabayada ee ku soo
arooray garaha, waxaana ka mid ah:
“Guddi murrantay waayeel garramay xaajo lagu guulay, ay guud cadiye
feemiyeen odaya loo gaatay, nin waliba gankiisiyo markuu giijo madaxiisa,
gaagaabsayaa iyo badheedh geesi hadal-yaaba go’aankii la wada raaci
jiray gocanayaa mooyi,” Cali Jaamac Haabiil.
“Raguna guudka waysaga egyahay, guulla kala roone gembi warranka,
gaashaanka ficil goray dagaalkeeda, guddi murranka waayeel garamay xaajo
lagu guulay, gacanta iyo gasiin laga baxshiyo guriga hayntiisa, ma
gud-boona geesiga hantiyo gocorka caayaaye,” Salaan Carabey.
“Guddi murantay goolaaftankaan laga gungaadhayne, hadaad gedagedays
aragto waa gob iyo caadkeede, guntu hadalka waa kala baqdaa geesi xoola
lehe”, Gaagaale.
‘Arin dhacay gobaysane hadii oday ka maahmaaho, afar goor hadii uu
jifida rayska ka aroorsho, aqoon gaabka iyo liidku waa ku af-dhalaalaane,
isha uma marmaro maatadiyo uur timoolaha’e,” Xasan Madoobe.
“Gole miiggan geed sheeggan iyo garrangar muumaysan, gud-ban iyo shir
laba geesa iyo guurti kala soorta, garta laba mudaacaley hadloo dhaabad
ba’an geysta, maahmaahyo wada guuna iyo gabayo raacraacay, shan godoo
murtidu leedahay iyo gororka suugaanta, geda hadalka loo hoga-geshiyo
marrin gobaadeedka,” Hadraawi.
“Dhexmariyo gartana aan ku baro dhigo iskuulkeeda, hadii dhirif
ilmaadeer jiruu dhaafo labadooda, muslax iyo wixii dhaahimaha lagu
dhamayn-waayo, ninka yidhi dhibaabaan qabaa waa lagaa dhuri dheh, ka
kalena garyigil dhoobban noqo ugu dhamee xaajo, hadii aad u kala
dhawrsataan labadooda, dabadeed dharaar la ballanoo dhiilo-dhaansada
dheh, dhulka iyo marka uu yaal dacwigu dhiraha hoostooda, ninkastaba
dhegaatiga watiyo xadhig-xidhaa dhuuja, hadii uu muduci dhididsanaa
dhaabbad ba’an geysto, madaacalay dhufays galay marku dhiibto hadalkiisa,
la dhaqaajiyaa marag muduci loogu dhololaayey, madacaalay markhaatiga an
dhigan dhaaro baa xigiye, marka hagar-baygii laga dhuriyo, hawlo
dhaqankiiya, dhaboosaaga loo saantay iyo inan dhigaygaasa, nimuun bay
wixii loo dhimiyo dhogorta raacshaane,” C/salaan Maxamed.