Garta xeer-beegti Iyo xeerarka somalida

Waxa qoray Cabdi Caara-dhuub _______Q: 12aad
  Waxa jira erayo ama weedho loo isticmaalo garaha dhaqanka iyo xeerarka garaha qaadistooda loo cuskadaba, waxaana ka mid ah:-


i) Gar = waa mawduuc laba dhinac ama laba qof oo is-haya (is-qabtay) lagu kala saaro.

ii) Garnaqsi = waa doodda dhexmarta labada dhinac ama qof ee is-haya marka loo garnaqayo.

iii) Qadaf= Meel ka dhac

iv) Qabano= hanti

v) Qoomaal= Qoon ama qudh-gooyo

vi) Ereyada qadaf iyo qabano waa dhaqan (adduun), qoomaal-na waa arrin dhiig la xidhiidha dhaawac iyo dhimasho midka ay doonto ha noqotee.

vii) Muduci:- waa ninka wax tirsanaya, ninkaasina marla la eego waxa la isku haysto wax u cadaada oo gari siisi mooyee wax la isku haysto marka hore waxba kuma laha, isla markaana marka garta la furo wax kasta isaga (muduciga ayaa bilowgeeda leh, haddii ay hadal tahay, haddii ay muddo qabsi tahay iyo haddii ay markaahti qaadis tahayba.

viii) Mudaacale:- Waa ninka wax loo sheeganayo ee is difaacaya, sidaa darteed-na sida uu xeerka dhaqanku dhigayo marka hore wax ku cadaado oo gari ka qaaddo mooyee waxba laguma laha, laakiin waxa mar walba jid loogu leeyahay inuu gar-yigil (gar-qaadasho) noqdo.

ix) Garley:- Garley haddii aad maqasho waa ninka wax loo sheegto ama loo qabsado, laakiin yidhaahda “Anigu garawshiiyo idiin-ma hayo ee wax igu soo caddaysta”.

x) Garawsiin:- Haddii aad maqasho garawsiin waxa weeye ninka marka wax loo qabsado yidhaahda “Waxaa lay haysto waan geystay ee xukuma”.

xi) Cinbasho:- Ereyga cinbasho haddii aad maqasho waxa uu la minco yahay baaqasho, taas oo marka ay gar la qaadi lahaa ama la gudo geli lahaa sabab ama arrin garta khusaysa u baaqato la yidhaahdo “Gartii waxaas iyo waxas ayey u cinbatay”, iyadoo ay waxa gartu u baaqatayna ay yihiin wax aan la’aanteed gartu dhamaanayn.
a. Millad:- Dhaar
b. Markhaati= marag
c. Qiraale= qirasho (wax aan la dafirin).

xii) Waa gacan:- ereyga ah (waa gacan) waxa loo isticmaalaa garaha, waxayna dhacdaa marka uu nin golaha garta ka hadlayaa uu wax kuu qiro ama kugu gefo, taas oo aad odhanayso “Waa gacan”, macnaheeduna yahay “waa wax ii soo kordhay”.

xiii) IGMad:- waa marka dhinac ama qof garamayaa uu yidhaahdo “hebel baa aniga ii hadlaya, taas-na waxa uu macnaheedu noqonayaa qof aad u dooratay inuu kuu hadlo (af-hayeen). Laakiin la igmaduhu waa inuu laba wax iska duwaa, labadaas shayna waxay yihiin: xigasho oo uu had iyo goor yidhaahdo ii islaama allaw hebel wuxuu leeyahay “ iyo inuu yidhaahdo “dhibaabena waa nin leh”. Qodobka hore waxa uu macnihiisu yahay inuu ninka la igmaday bilawgaba caddeeyo in waxa uu ka hadlayo aanu isagu lahayn ee uu yahay, wixii uu ninka garnaqsanayaa sheegay, sidoo kale aanu ninka la igmaday bilawgaba caddayn in wixii dhibaabe ah ee gartu leedahay ay u iilanayso ninka garta leh, haddii kale ilayn isaga ayey fuulaysaaye. Dhibaabuhu waxa weeye, dhaarta, markhaati oogista, kharashka iwm.

xiv) Mudaysi:- waa maalinta loo balamayo guda-galka garta, ha noqoto maalinta ergada dhex-dhexaadintu soo warabuuxayso, ha noqoto maalinta gartu dhacayso ama ha noqoto maalinta la isu soo dhiila dhaansanayo, (la isu soo diyaar garoobayo).

Inta aan garta la gelin waxa jira waxyaalo haddii ay dhacaan lagu xisaabtamo, waxaana ka mid ah.

Kiil qaate: oo macnaheedu yahay nin wax lagu sameeyey laakiin haddana wixii lagu sameeyey oo kale isna sameeyey, ninka caynkaa sameeyana waxa la yidhaahdaa (kiil qaate), sidaa darteed ninka kiil qaataha ahi xaal iyo dhaarin ma laha, hase yeeshee waxa xaal iyo dhaarin leh nin qadaf loo geysto balse aan isagu af iyo adin toona waxba ka geysan ee ceeb ka saliim ah.

Maluug Ama Bidaal: Ereyga Maluug ama bidaal waxa uu macnihiisu yahay tuhun waxaana ninka kiis caynkaas oo kale ahi soo galo waxa badiyaa lagu yeeshaa dhaar. Tusaale ahaan maluugta ama bidaalka waxa ka mid ah masalan nin baad is-disheen oo aad gacanta isa saarteen dabadeed mar dambe ama maalin dambe ayuu ninkii oo hubaysani gurigaaga agtiisa soo maray iyada oo meesha gurigaagu ku yaal uu marinkiisu yahay, haddana waxaa dhacda inuu ninkii alaab gurigiisa ku soo ilaawo oo uu xasuusto marka uu meel dhexe ka dibna uu gurgiisa dib ugu noqdo taas darteedna uu markale gurigaaga soo agmaro, sidoo kale marka uu alaabtii soo qaato uu haddana gurigaaga agtiisa soo maro ilayn waa marinkiisiiye, sidaa awgeed waxaad ninkaa ku tuhuntay inuu kuu goolaaftamayo ama uu tactical (sahan) u yahay inuu ku dilo isaga oo doon doonaya inuu dagnaan kaa eegto, haddaba marka aad sidaas oo kale ninka u danido ee aad dacwad ku soo oogto waxaad doodaada ku furaysaa “Marka hore erey waa iga duco, ereyna didiif, ereyna waa iga dacwi, ereyna waa iga maluug, laakiin haddii aad maluugta (tuhunka) marka horeba soo qadinto oo aad dacwiga ku darto, arrintu way kaa halawday, waayo waxa kugu filan in lagu yidhaahdo oo keliya “Hubka adiga kuuma sidan, waayo haddii aan hubka isaga u sitay markaaba maan ku dhufto,” sidaa awgeed maluugtaadii si aad meesha dhaar ugu yeelato waa inaad arrinta Bidaal ka dhigto.

Garta Xeer-Beegti, Garta dhaqanka.

Haddii aad maluugta (tuhunka) marka horeba soo qadinto oo aad dacwiga ku darto, markaa arrintu way ka habawday, waayo waxa kugu fillan in lagu yidhaahdo oo keliya (hubka adiga kuuma sidan) waayo haddii aan hubka isaga ah u sitey markaaba maan ku dhufto. Sidaa awgeed maluugtaadii si aad dhaar ugu yeelato meesha inaad arrinta bidaal ka dhigto.

Bac & Baarit: labada erey ee Bac iyo Baarit waa laba erey oo la isticmaalo marka qoon qof la gaadhsiiyey ama qof la dilay xaqeeda loo qaybiyo laba qof iyo ka badan. Tusaale ahaan laba nin oo is-haya haddii ay isla dhacaan oo uu mid ka mid ahi jabo oo weliba uu jabo ninkii wax legday, ka dibna waxa la yidhaahdaa waa bac baari, qoontana wixii laga xukumo labada nin waa loo kala badhaa.

Sidoo kale haddii ay laba nin oo is-haystaa iskula dhacaan oo ka dibna la kala cadayn waayo labada nin ka waxyeeladda leh, waxa markaa waxyeeladii loo qaybiyaa labada nin.

Sidoo kale wax kasta oo cid loo haysto oo millad, markhaati iyo qiraal mid-na ku caddaan waayo ama ha la dafiro ama yaan la dafirine xukunkeedu waa qayb, waxaana loo qaybiyaa cidda loo wada haysto inta ay doonto tiradoodu ha noqotee. Tusaale ahaan shan nin oo aroos jooga nin waliba rasaas ka riday arooskii, ka dib-na waxa rasaasta ku dhaawacmay ama ku dhintey nin, laakiin waxa la garan waayey shantii nin ee rasaasta riday midka ay rasaastiisu ku dhacday, isla markaana nin waliba wuxuu yidhi “aniga rasaastaydu kuma dhicin ama anigu raas riday, laakiin ma ogi inay ku dhacday iyo in kale”. Sidaa awgeed marka ay sidaasi dhacdo ee shantii nin ay rasaastiisu ninka ku dhacday la garan-waayo shantii nin ayaa loo qaybiya qoonta ama magtii.

 
 
 
 
 

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com