Wiilkii
dhalinyarada ahaa markii uu ku dhaartay inaanu gabadhaa ka tegayn ayaa
waxa loo qaatay inuu doonayo inuu faraxumeeyo ileyn meher u qaban-maayo
oo nin baa qaba’e, laakiin ilma-abtiyadii iyaga oo aan dhaartiisii cidna
uga sanqadhin ayaa maalintii ay is lahaayeen ambabixiya ayey lacag
siiyeen , sibraarna waxay ugu shubeen caano badhax ah, muqmadna waa la
siiyey, sidaas ayey wiilkii ilma-abtiyadii ku ambabixiyeen oo ay ku
nabadgelyeeyeen, laakiin barqadii markii uu meel dhexe marayey ayuu soo
noqday oo uu gurigii gabadhii Maydhan isa soo taagay. Markaas ayaa la is
waydaarsaday "Waar reerkow iyo yeedhnay iyo i waraabiya", ka dibna
ninkii Maydhan qabay oo aqalka ku jira ayaa yidhi "Naa ninka xiligan
harraadani waxba kama noola’e biyaha u badhxa", ka dibna gabadhii
Maydhan ayaa biyaha kalaxa u dartay wiilkii oo debedda taagan, laakiin
dhiibistii ay biyihii u dhiibtay ayuu galaankii biyaha inta uu tuuray
gabadhii Maydhan gacanta qabsaday oo uu faraska fan-dambeedkiisa ku
ritay cidhibta iyo jeedalka isu raaciyey faraskii, ka dibna uu la
galbadday.
Markii
qiyaas ilaa sagaashan KM ah ka fogaaday gurigii uu gabadha ka qaatay
ayuu intuu faraskii joojiyey oo uu wadada dhinac uga degay ayuu Maydhan
sheeko iyo haasaawe macaan u saaray, iyana waaba ka heshay, waxaana lagu
heshiiyey inay tahay gabadh uu la soo tegay, sidaana ay dadka u sheegaan,
ka dibna sidii ayey ku warameen markii Ooshii tageen, waxaana loo dhisay
aroos kii horeba ka wacdaro badan, waxaase dhaqanku ahaa inay islaamuhu
gabadha marka la arooso kala gooyaan, iyadoo marka la kala gooyo maro
cad la hoos-dhigo si loo ogoodo inaanu qoddobku dhaawacnayn. Wiilkii
habeenkii u horaysay ee ay aqal galeen ayuu bahal bilaawe ah bawdadiisa
ku dhuftay, halkaas oo maradii cadayd hoos dhigay dhiigii bawdadiisa ka
soo qulqulay, ka dibna islaamihii ay arkeen ayey mash-xarad ku dhufteen,
iyaga oo moodaya inuu wiilkii gabadhii ugubka ahayd kala goostay,
waxayna islaamihii ku heeseen heestii afgarashada ahayd marka ay sidaas
oo kale dhacdo, iyaga oo yidhi "Qaraxdayeey ninka maxaa lagu
qaboojiyaa", laakiin sidoo kale ninku marka uu hawshiisa gudan kari
waayo waxa loogu heesi jiray "Ribatayeey meesha miyaan rag helineey".
Heesahaas oo dhawr goor lagu cel-celiyo. Hase yeeshee fiidkii ayey
reerihii Maydhan laga soo dhacay ee qabay tabeen oo la yidhi "Tolow
Maydhan xagee bay jirtaa ma maqashii bay doontay adhigii ayey doontay".
Laakiin wiil-yar oo arkayey markii Maydhan faraska lagu ritay ayaa yidhi
"Saw tii saaka raacday faraskii ninku watay". Ninkii Maydhan qabay waa
waashay oo waxay kaga dhegtay Maydhan, taas oo wax kasta oo la waydiiyo
uu kaga jawaabo Maydhan. Sidaa darteed geedigii koowaad ee uu reerku
guuro waxa lagu taxaabay xadhig, geedigii labaadna waxa lagu
xidhiidhiyey Awr, ka dibna talo waxay noqotay inay barbaartii ragga
ahayd ee reeraha joogtay yidhaahdaan "Waanu duulaynaa", laakiin
odayaashii ayaa yidhi "Horta aynu dirno konton nin oo ergo ah oo codkar
iyo culimoba leh", dabadeedna taladii odayaasha ayaa la raacay, waxaana
Duullane reerahoodii ayaa loo tegay oo lagu yidhi "Gabadhaas Maydhan waa
xaaskayagii, iyada ayaanuna u socoanay ee hanaloo celiyo"...
Gar
dad-ban:
Qoladii ergada ahayd markii ay yidhaahdeen gabadhaasi waa xaaskayagii ee
hala nala siiyo ayey odayaashii waxay waydiiyeen Duulane iyo
Maydhan arinta la sheegayo, laakiin waxay sheegeen inay isla soo tageen,
ka dibna odayaashii Duullane xagiisa ka soo jeeday ayaa ergadii ku yidhi
"Waad aragtaanoo garaw ma hayno, annaguna waxba ma ogin, idinkuna
markhaati ma wadataan, sidaa awgeed noo dhaarta", ka dibna waxay
yidhaahdeen "Waanu idiin dhaaranaynaa", intaa ka dibna waxa qoladii
ergada ahayd laga shubay saddex walle, bille. Dabadeedna markii ay
dhaartii dhacday ayey odayaashii Duullane yidhaahdeen "Arintii inagu
caddaatay, nimankan reer hebel ee inoo yimina fan-dadab iyo xilo kala
qaadis xeer uma lihin, innaguna hadda curin mayno oo taa xeer ka dhigi
mayno, sidaa darteed Duullane ha soo celiyo Maydhan", laakiin Duullane
waxa uu taa kaga jawaabay tix gabay ah, isaga oo yidhi:
Col hay dilo, cadaabtii
an tago, caanana an-waayo,
Cirku haygu soo dumo intaan celin lahaa Maydhan."
Duullane markii uu gabaygaa tiriyey ayey ilma-adeeradiina ku raaceen,
iyaga oo sheegay inay hiil iyo hooba la barbar taagan yihiin, dabadeedna
talo cirka ayey isku shareertay, ka dibna waxay taasi keentay inay
labadii qolo kala bixi waayaan oo ay isku murgaan. Laakiin rag labada
qoloba u siman oo xigaalkood ah ayaa xaajadii ku soo gaadhay oo ku yidhi
"Waar arrinta nagu sima". Ka dibna waxa laga qaaday kalsooni iyo dhaar
ah inaanay qolona diidayn wixii ay arinta ka soo gooyaan, dabadeedna
labadii qoloba way bixiyeen kalsoonidii iyo dhaartii, laakiin markii ay
qoladii dhexda ahayd arintii gorfeeyeen waxay gartii saareen qoladii
Maydhan haysay, waxayna ku xukumeen 100 halaad oo ah ninkii Maydhan
qabay ee waashay markii laga dhacay iyo xoolihii yaradka loogaga qaatay
Maydhan oo ka koobnaa 50 halaad oo dhogor ah, Faras iyo Qori iyo weliba
50 halaad oo xaal qabiilo ah, iyadoo ay dhinaca kalena ay gabadhii
Maydhan haysato wiil ay qolo waliba dhinaceeda ugu dacwiday inuu
wiilkoodii yahay oo ay iyaga u dhashay, wiilkaasna waxa laga xukumay 50
halaad oo loo celiyey qoladii ergada ahayd ileyn waa gar muslax
oo cidna ma qadisee.
Marka
aynu intaa kaga gudubno tusaalayaashii noocyada garaha, isla markaana
gogol-xaadh u ahaa
garta cadaawe
oo u qaybsanta laba nooc oo kala ah:
Gar-shareeco:
Garta shareecadu waxay leedahay Millad (Dhaar) iyo Markhaati, isla
markaana waxa u dhaqan ah "Carrab eegato", taas oo macneheedu yahay inay
guddiga gar-qaadaysaa wax ku kala xukunto wixii ay afka ka yidhaahdaan
dhinacyada dacwaddu ka dhexayso ama markhaatiyadu yidhaahdaan. Laakiin
garta caynkaas ah waxa uu xukunkeedu yahay inaanay dadka waxba u qaybin
ee ninkii gartu u dhacdo oo qudha wax siisa. Tusaale ahaan waxa la yidhi
nin Yuhuudi ah ayaa Caano u dhiibtay nin muslin ah, ka dibna ninkii
muslinka ahaa ayaa caanihii yuhuudigu u dhiibtay qaar cabbey, dabadeedna
ninkii Yuhuudiga ahaa iyo ninkii muslinka ahaa way is qabsadeen, ka
dibna waxay isula tageen Nebi Maxamed (N.N.K.H) iyo Cali Binu Abii
Daalib. Ninkii Yuhuudiga ahaa ayaa yidhi "Nebi allaw caano ayaan u
dhiibtay ninkaa, dabadeedna caanihii ayuu badh iga cabay". Ninkii
muslinka ahaa ayaa isna yidhi "waxba kama cabin", laakiin Cali Binu Abii
Daalib oo arka caanihii oo ninkii muslinka ahaa calooshiisa ka muuqda
ayaa is yidhi farta ku fiiq oo waxaad tidhaahdaa "Sow kuwaa calooshaada
ka muuqda", laakiin nebiga oo is-ba arka ayaa Cali gacanta qabtay oo ku
yidhi "Sug Caliyow waxaad aragto aniguba waan arkaaye". Ka dibna nebigii
ayaa ninkii Yuhuudiga ahaa ku yidhi "Markhaati ma haysataa",
Yuhuudigiina wuxuu ku jawaabay "Maya ma haysto markhaati", intaa ka
dibna nebigu ninkii muslinka ahaa ayuu ku yidhi "Ku dhaaro inaanad
caanihiisa badh ka cabbin', laakiin ninkii muslinka ahaa wuu ka
joogsaday dhaartii, dabadeedna nebigii wuxuu ku yidhi ninkii muslinka
ahaa "Ninka caanihii aad ka cabtay sii". Waayo hadii sidii Cali garta
loo niqi lahaa suurtagal ma noqoteen, waayo inagu ma ogin waxa caloosha
ku jira ileyn arintaa ilaahay baa xikmad uga dan lahaaye. Sidaa darteed
gartu waxay u ka maarmin wayday in wixii la isku dafiro Millad ama
markhaati lagu kala sed-qaado.
Gar-xisdi:
Gartani waxay ka mid tahay garaha xeer-beegti, waxayna inta badan martaa
inta ay marto garta shareeco. Laakiin inta aynaan u gelin aynu ugu
horayn macnayno halka asal ahaan laga soo dheegtay ama laga soo xigtay
saddexda erey ee kala ah: Gar, Xeer iyo Beegti.
Gar:
Gar waa xadhiga
dardarta leh ee inta ninka lagu xidho ka dibna geed qudhaanjo leh laga
soo laad-laadiyo, isaga oo u xidhan sida askarta loo figeeyo.
Xeer:
Xeerna waxa weeye xadhiga aqal Somaliga marka la dhiso dusha lagaga
xeero ama Awrku marka uu raran yahay dusha lagaga xidho.
Beegti:
ereyga beegtina waa ku beeggan (u qalma) ama aqoon u leh. Laakiin sida
ay mihnad kasta ama uu mawduuc kastaa u leeyahay luqad ama weedho u gaar
ah ayey gartuna u leedahay weedho u gaar ah (Terminology), sidaa darteed
inta aynaan gelin tafaasiisha garaha waxaynu marka hore baranaynaa erey
bixinta garaha. Si aad u fahamtaa midhaha iyo macnaha garaha...