|
|
Garta xeer-beegti
Iyo xeerarka somalida
Waxa qoray Cabdi Caara-dhuub _______Q: 09aad |
|
|
Gar-muslax:
Sida aynu horeba u soo sheegnay garuhu way noocyo badan yihiin, iyadoo
taa loola jeedo in mushkilad walba xal u helisteeda lagu furdaamiyo
garta ay yeellan karto ama ku haboon, Somaliduna waxay tidhaahdaa "Garna
garteeda ayaa lagu doonaa, mandheerna garkeedaa lagu doonaa". Sidaa
awgeed Gar-muslax waxay ka mid tahay noocyada garaha dhaqanka, laakiin
gar-mulsax marka la eego dhinacyada loo gar-qaadayo cidna ma qadiso,
waxaana la qaybiyaa waxa la isku hayo, isla markaana garta muslax
dabeecadaha ay leedahay waxa ka mid ah had iyo goor caqiibo-xumo ma
keento oo meesha kama saarto ama ma kala dhantaasho waxyaalaha ay ka mid
yihiin toliimada, gacaleeyada, xidid-tinimada, saaxiibtinimada ama wax
kasta oo hore u jiri jiray uu mujtamacaasi ku dhaqmi jiray oo xeer iyo
xanaan u ahaan jiray ama arimaha loo xillan jiray ee dhaqanka nolosha
qayb ka qaata ama saamayn ku yeesha, isla markaana garta muslax ma laha
wax Axdar (Arxandaro ah), ama dhibaabe ah ama saraaye ah, sida Millad (Dhaar)
ama markhaati la isku jirrabo IWM.
Ta kale garta muslax waxay ka mid tahay garaha ay qaadaan ragga
samataliska ahi, waayo ninka samataliska ahi danta oo ku khasabta mooyee
had iyo goor ma qaado ama kuma degdego, isna wax-ba kuma naqsado garta
cadaawe, sidaa darteedna ninka samataliska ahi waxa uu had iyo goor ku
dedaalaa inuu gar-kasta oo loola yimaado ka baajiyo in laga dhigo gar-cadaawe.
Tusaale ahaan nin baa waxa uu ahaan jiray nin hal-adag oo aan had iyo
goor ragga u hanbayn oo ragga ama cidda isula timaadda wax-kasta oo kala
gala ama ay isku hayaan xal u helideeda ka gun-gaadha af iyo adin-ba,
dabadeedna ninkaasi maalin maalmaha ka mid ah ayuu nin ka mid ah raggii
ay isku degaanka ahaayeen si daymo leh u eegay, isaga oo qiimaynaya
raganimadiisa ama shakhsiyadiisa, ka dibna intuu sidaa u eegay ayuu
yidhi "Ninkaa hebel nin fiican ka tegi-maayo", taas oo ula jeedo waxa uu
noqonayaa ama uu yahay nin fiican, dabadeedna waxa lagu yidhi "Waayo",
wuxuuna ku jawaabay "Waanu hanbayn."
Somalidu waxay ku maahmaahdaa "Laba garamay iyo laba gantamay galladi
kama dhexayso", taas oo ay ulajeedaan laba gari dhexmartay iyo laba is-dilay
asxaani kama dhexayso, sidaa darteedna waxay maahmaahda caynkaas ahi
tilmaamaysaa in hadii ay ragga gar-cadaawe dhexmarto ay taasi ku reebi
karto calool-xumo hibasho ama hiirtaanyo reebta, taasna waxa laga yaabaa
inay dad gacal ah ama tol ah kala fogayso. Sidaa awgeed bay ragga
samataliska ahi had iyo goor ugu taliyaan in garta laga dhigo gar-muslax.
Ta kale had iyo goor marka uu is-qabad yimaaddo waxa fiican inaad
waxyaabo badan iskaga tagto oo aad mar walba arinta kor ka xaadiso, taas
oo loola jeedo inaanad had iyo goor si saqajaanimo ah u xisaabtamin ama
aanad si xun wax u qod-qodin, iyadoo ay Somalidu ku maahmaahdo "Lafahana
gur xarogana haka tegin".
Sidoo kale waxa la yidhaahdaa, "Findhicilku ma xaaraan baa mise waa
xalaal iyo soo hadal-qaadkiisaaba xun."
Waxa kale oo la yidhaahdaa "Gobanimada waa waxaaga oo aad wax ka tagto",
sidaa darteed waxay gobanimadu ama wanaaggu ku jiraa inaad had iyo goor
is ururiso, taas oo ay arintu ku qurux badan tahay inaanad cid walba la
garnaqsan ama aaddan wax ka gun-gaadhin ama biyo-dhiijin. Waxa kale oo
jirta hadii qof ay gari idin dhexmarto oo aad ka gar hesho waxay
xaqiiqdu tahay inaanu qofkii aad wada dhalateen ama saaxiibka ahaydeen
marna ku calools-samaanaynaa garta laga helay, sidoo kalena hadii adiga
lagaa gar helo ku calool-samaan maysid, taas oo keenaysa in qof aad isku
wanaagsanaydeen ama gacal ahaydeen inaad kala weji dadabtaan oo aad
xataa salaanta sharciga iska qaadi-waydaan, iyadoo laga yaabo inaydaan
qofkaa kala maarmin karin oo ay mar walba dano iskaga kiin xidhmaan,
ilayn dadku hadii uu meel ku wada noolyahay waxa ka dhexayn kara ama ka
dhexeeya xidhiidh iyo macaamil nololeed oo ayna ku kala maarmin karine.
Sidaa awgeed garaha waxa ugu nasteex badan garta la yidhaahdo Gar-muslax.
Gar dad-ban: Gartan la yidhaahdo Gar-dad-ban dadkeenu Somalidu si fudud
bay isaga dhexgalaan, taas oo aanay moodin in gartani tahay mid garnaqsi
guddinimo lagu kala xarago qaadanayo ama aanu garaw ku jirin (Garaw
lahayn), waxayna si fudud u galaan markhaatigeeda, dhexnimadeeda.
Waxa jirta xikmad tidhaahda "Qosola hiil leh", taas oo la yidhaahdo
miyaanay hiil iyo eexiba ku jirin hadii laba nin gole ka wada
khudbadayso oo midkood loo mashxarado ama loo sacabeeyo, isla markaana
si fiican loo dhegaysto, ninka kalena la dhegaysan waayo oo isaga oo
hadlayo hadal kale la dhexgeliyo.
Waxa kale oo garaha dad-ban ka mid ah labada nin ee iyaga oo iska soo
horjeeda isu gabya, labadaas nin oo ka gabayga hor-tiriyaa uu noqonayo
muduci, ninka kale ee gabayga loo tiriyey ka jawaabayaana waxa uu
noqonayaa madaacale, isla markaana ragga isu gabya waa ta had iyo goor
la yidhaahdo hebel baa gabaygii ama heestii laga helay.
Sidoo kale waxa garaha dad-ban ka mid ah wiilka iyo gabadha isu heesa ee
la yidhaahdo wiilka ama gabadha ayaa gar heshay. Laakiin hadii aynu
tusaale u soo qaadano gabayo la isu tiriyey waxa ka mid ah: "Dib u
joogso waan kula dacwiyi doodna, waan odhane" tuducani waxa uu ka mid
yahay gabay uu tiriyey nin gabyaa ah oo la odhan jiray Qammaan Bulxan. "Hadal
waa gun iyo Maxamedow gar iyo maahmaahe, gabayna waan aqaan oo ma jiro
nin igu gaadhaaye", tixdanina waxay ka mid tahay gabay uu tiriyey gabyaa
la odhan jiray Salaan Carabey. Nin kale oo isna la odhan jiray Ismaaciil
Xaleef ayaa gabay uu tiriyey waxa ka mid ahaa "Waa godob gefkaa nagu
fasheen, waana noo gacane".
Waxa kale oo arimaha garaha dad-ban soo gala ka mid ah waxa loo yaqaan "Dadab-galka"
oo ah marka ay cidi yarad u doonato cid kale oo gabadh ka qabta (Yarad
doonashada), waxaana munaasibadaa yaradka la isku waydiisanayo ka dhaca
ama la isku dhaafsadaa waxyaalo ay ka mid yihiin:Gabayo, Maahmaaho,
hadal muduci iyo madaacale ah, hadalo araar ah iyo hadalo afeef ah iyo
hadal dacwi ah, waxaana mar walba doodda lagu gebagebaynayaa hadal
asluubaysan oo aan wax turxaan ah iyo wax cay ah midna lahayn, waayo
goluhu waa gole xidid, sidaa darteed waa inuu yeeshaa xishood iyo milge
gaar ah oo aanay golayaasha kale lahayn, tusaale ahaan nin aad isku
geel-jire ahaan jirteen ama aad saaxiib tihiin oo aad si walba u kaftami
jirteen ama aad is-caayi jirteen-ba marka aad golahaas oo kale aad isugu
timaadaan, hadalkiinu waxa uu la mid ahaanayaa hadalka golaha yaal,
waayo waxa la yidhi, " Hoos-ba hadalkiisa leh".
Sidoo kale waxa garaha dad-ban soo geli kara kaftanka iyo jareexada,
waayo kaftanka ama jareexadu waxa uu leeyahay mid si kulul oo
dhalaax-qaad ah la isu-dhaafsanayo iyo mid si hufan oo macaan la isu
dhaafsanayso oo ay laba ama koox is kaftan taqaan is-dhaafsanayso,
waxaana taas oo kale ka garnaqsanaysa dhinacyada wada hadlaysa ee
kaftanku ka dhex-ooggan yahay, isla markaana waxa isu dhegaysanaysa oo
meesha ka guddi ah cidda markaa golaha joogta ee isu dhegaysanaysa,
sidaa darteedna marka uu kaftanka caynkaas oo kale ahi socdana waxaad
arkaysaa iyadoo la leeyahay, taasi waa xaal, hadalkaasi waa meel-kadhac
iyo waxyaalo la mid ah ama waxaad arkaysaa iyadoo hadalkaba laga xidhayo
labada nin ama labada kooxood ee aan kaftanka isla marin-garanayn ama
isla wadi karayn...La soco cadadka dambe. |
|
|
|
|
|
|
|
|
|