|
|
Garta xeer-beegti
Iyo xeerarka somalida
Waxa qoray Cabdi Caara-dhuub _______Q: 08aad |
|
|
Dacwi: Dacwigu waa halka ay gartu u dhimato (Ugu muhimsan), allahayow
kaalin weyn ma gutay ama dagaal weyn ma ku jiraa ninka saymahaas oo kale
kala baxa ama ka saara.
Nin gabyey ayaa yidhi “Raggu ka simman sagaalka iyo magta iyo suurad
guudnimo’e , misna kama sinaadaan aqoon soofe iyo liide, sakal adag
saraayaha markuu saajac ka hadlaayo, soke nimu bartiyo xaraf yaqaan
saami kala geeye, nin siyaasad dheer iyo badwina kala su’aal roone”,
waxa gabaygan tiriyey Ismaaciil Xaleef.
Dacwigu waa sida aad wax u leedahay oo aad sheegto iyo sidii aad uga hor
degi lahayd waxa uu ninka kale sito ee kugula garamayo, iyadoo ay
ereyada la odhanayo ee ninka ka soo horjeeda laga sii hor-degayo ay ka
mid yihiin “Hadii uu odhan doono” IWM. Isla markaana adiga oo hadalka ku
odhsanaya af-macaan, waxna aan dhimayn, waxna aan dhaafayn, kuna daraya
talo iyo xirib.
Maluug: Waa wax kasta oo aad tuhunto, laakiin aaddan cadayn u hayn, sida
tusaale ahaan nin aad is disheen oo agtaada qori ama hub kale la
marmaray, taas oo ay dhici karto inuu kuu sito iyo inaanu kuu siddan ee
uu iskii isaga sito, balse aad shakiday oo aad u malaysay inuu adiga kuu
sito, laakiin aanad caddayn u hayn, ka dibna ninka muduciga ahi waxa uu
odhanayaa “ Middi waa ii maluug, ninkaa waanu is laynay, waa nala
ballansiiyey oo gar baa naloo qaadi lahaa, hub horena kuma arki jirin,
balse inuu isaga oo hubaysan igu dul-wareegay oo uu col ahaa markhaati
baan u leeyahay , laakiin inuu aniga ii sitay markhaati uma haysto, mar
hadii ay caynkaa tahay inaan dhaar iyo tuhun-saar ku leeyahay rug muduci
baan ka fadhiyaa, hadii ay ii cadaatona wixii ay leedahay ayaan doonayaa”.
Laakiin marka uu muducigu markhaati buuxa helo , madaacalayguna waayo,
iyadoo aan madaacalayga la dhaarin-ba waxa garta hela muduciga. Hase
yeeshee marka uu muducigu markhaati-waayo, madacaalayguna markhaati helo
buuxa (muduci-gawrac) waxa gar hela madaacalayga.
Marka uu muducigu helo markhaati kala dhiman, madaacalayguna waayo
markhaati buuxa ninka muduciga ah ayaa lagu yeeshaa lug dhaar ah,
dabadeedna hadii uu dhaarto isaga (Muduciga) ayaa gar helaya, hadii uu
ka joogsado oo dhaarran-waayana waxa lagu gar-waayayaa ama gar helaya
madacaalayga.
Hadii uu muducigu markhaati-waayo waxa markaa dhaar lagu leeyahay
madacaalayga, ka dibna hadii uu dhaartaa maro waa lagu gar-waayey, hadii
uu ka joogsadana waa lagu gar helay.
Marka ay muduciga iyo madaacalayguba helaan min saddex markhaari uu
buuxa, hadana waxa lagu kala saarayaa dhaar, waxaana lagu gar helayaa
had-ba ka dhaarta ka joogsada, hadiise ay labadooduba dhaartaan waxa
markaa loo qaybinayaa wixii ay isku haysteen.
Ninka yidhaahdaa “Waxaas markhaatigii u fadhiyayow ka kac”, markaa
ninkaa sidaa yeela wax markhaati ah lagu oogi-maayo, ninka sidaa
yeelaana waxa uu qirtay wixii lagu eedaynayey ama loo haystay, laakiin
sababta uu sidaa u yeelay ayuu sheegaa, taas ayuu dabadeed ku
garnaqsadaa, sidaa awgeed waxa la waydiiyaa waxa uu isku difaacayo iyo
markhaatiga uu isku difaacayo.
GARTA DHAQANKA IYO XEERARKA SOMALIDA.
Waxa kale oo jira wax la yidhaahdo Markhaati-bacood: masalan waxa dhici
karta inay isku dhegaan laba beerood ama daarood, oo aanay muddo cidina
deganayn, ka dibna ay asaartii u dhaxaysay guurtay ama baaba’day, isla
markaana aanay qolona haysan markhaati iyo cabir wax cadaynaya, laakiin
ay qolo waliba dhinaceeda leedahay meeshaydu waxay ahayd halkan iyo
halkan, sidoo kalena dadkii meesha yaqaanay iyo deriskiina waxay
yidhaahdeen si sugan u garan mayno, balse waanu malaynaynaa.
Sidaa awgeed markay taas oo kale timaado qoladii tidhi si sugan u
garan-mayno laakiin waanu malaynaynaa, ayaa loo dhiibayaa ul oo la
odhanayaa meesha aad u malaynayso inay ahayd xariiq, taas oo haddii ay
masalan dhawr qof yihiin marba qof la odhanayo meeshii xariiq ama is-dultaag,
markaa taas oo kale ayaa la yidhaahdaa markhaati-bucood.
Waxa kale oo dhacda in qof yidhaahdo hashaas anigaa leh, dhulkaa anigaa
leh ama shaygaa anigaa leh, kama iibin hebel mana siin, taas oo kale
markaad tidhaahdo waxay noqonaysaa sheeko ama warbixin, waxayse gar
noqonaysaa marka aad tidhaahdo “Gurigaa anigaa leh, inaan leeyahayna
waan cadaynayaa ama markhaati baan u haystaa.”
Markaa arrinta aad cid u sheeganayso ama laguu sheeganayo ee aad iska
riixayso waxa lagama maarmaan ah inaad markhaati u oogato, ama wixii
kale ee aad cadayn u hayso, isla markaana marka aad gar ooganayso waxad
raacin kartaa maah maah, odhaah, gabay, ama geeraar iyo murti kaleba
marka aad taas oo kale markhaati u oogato waxa la yidhaahdaa Rugayn,
laakiin marka aad hadalkaaga murti raaciso waa sii adkaysay oo waxa la
yidhaahdaa lafayn, adiga oo weliba sii raacinaya “haddii ay ii cadaato
waxay leedahay baan doonayaa”, balse haddii arrintii sheegto oo aadan
hogteedii gaadhin cid kale wax kuugu dari mayso, waxaana jirta erey la
yidhaahdo “Wixii kuu naf ah ka hadal ama maxaa kuu naf ah”, taas oo
macnaheedu yahay wixii aad ku dacwiday ama wax daadefaysay inaad
bayaamiso oo aad markhaati ama cadayn soo bandhigto.
Marka aad arrin iska difaacayso inaan gar iyo jid laguugu lahayn waa
inaad sheegto, cadaynteedana raaciso inaan gar iyo jid laguugu lahayn,
sidoo kale marka aad wax ku dacwiyeyso ama aad sheeganayso waa inaad
wixii sheegto, caddaynteedana raaciso.
Waxa kale oo jira arrin kale oo la xidhiidha ama ku lug leh garta iyo
dacwigeeda, taas oo ah wax la yidhaahdo Feenis (ka baaraa-deg).
Arrintaa macneheedu wuxuu yahay in inta aad debada joogto ee aadan soo
gelin xayndaabka garta inaad arrinta debadda kaga soo baaraa-degto, taas
oo loo baahanyahay in ciddii aad caqli ama garasho ku tuhmayso aad wax
weydiiso si aad golaha ula tagto wax dhamaystiran oo aad shilinta iyo
qodoxdaba ka gurtay, wixii kugu adkaadana waa inaad weydiiso ciddii aad
aqoonteeda ku tuhmayso ama aad isleedahay arrintaa waxbay ka garanayaan,
iyada oo loo baahanyahay inaad hubto in cidda aad wax weydiinaysaa ay
tahay cid kaaga run sheegaysa wax aad weydiinaysaa, sidoo kale cidda aad
wax weydiinaysaa waa inaad iska hubto inaanay waxa aad weydiinayso inay
u gudbinayaan cida kale ee aad is-haysaan, sababta ay wax u gud-binayaan
ha noqoto hiil, baahi ama xadhig xidhasho kaleba.
Ta kale marka aad gartaada marsanayso ma aha xoog ama jujuub waa inaad
gartaada u bandhigataa si hufan oo aaddan waxba la hadhayn, isla
markaana aad wax walba marsiisaa dariiqa ay leedahay, iyadoo uu garta
dhaqankeedu yahay inay cid waliba arinta Axalo-cunsiiso, taas oo
macneheedu yahay inuu qofku gartii oo saafan sheegto, isla markaana la
waayo wax lagaga eed-sheegto hadii gartaa ambiil kasta laga qaato oo uu
hadalku noqdo “Ina Sanweynena u geeyow gartu waa sidaa”.
Laakiin waxay iswaydiintu tahay waa sidee sida aad garta u
Axalo-cunsiinaysaa. Taasi waxa weeye marka aad marto jidkan ee la
yidhaahdo: Muduci ma kaa maqan yihiin wax aad u Cinbataa (Wax ma kaa
xidhan yihiin)? Maxaa kuu naf ah ? Ma dhaabbadaysay? Intaas ayaanu naf
kaaga soo qaadnaye maxaanu kaa dhaafnay, markhaatigaa maxaad u
sheegaysaa oo xumaan ah iyo waxyaalo kale oo su’aalahan la mid ahina
waxay ka mid yihiin qaacidooyinka garta dhaqanka.
Tusaale ahaan nin baa damcay inuu daadefeeyo nin markhaati ku ah, ninkaa
markhaatiga ahina waxa uu ahaa nin dawersada, ka dibna ninkii wax
daadefaynayey wuxuu yidhi “Mar hadii uu Caado-qaate yahay oo uu kunka
shillin, boqolka shillin, ganbada iyo wixii la siiyoba qaadanayo inaanu
kaas oo kale markhaati igu furi karin oo uu Caado-qaate yahay muduic
baan ka ahay, waxaana iiga marag ah xer-beegtidiinaa.
|
|
|
|
|
|
|