|
|
Garta xeer-beegti
Iyo xeerarka somalida
Waxa qoray Cabdi Caara-dhuub _______Q: 07aad |
|
|
Garta
Dhaqanka.
Garta xeer-beegti marka la qaadayo waxa loo qaybiyaa ilaa afar nooc oo
kala ah: Duco, Didiif, Dacwi iyo Maluug, kuwaas oo ay mid waliba
cadaymaheeda leedahay, isla markaana waxa dhaqamada garta ka mid ah:
Mar ninka loo hadlayo, mar uu isagu hadloonayo, mar uu hojiye leeyahay.
Waxa kale oo doodaha iyo erey-bixinta garta ka mid ah wax la yidhaahdo:
Xadhig-xidhe, Feenis, Axala-cunsiis, Dacwi, Dhaabbad, Lad-haye, Qadood,
guddoon, Ambiil, Dooc iyo Dareen, Bir-kuma goyn, Lug-dhaar ah IWM.
Laakiin sida aynu ognahay gari sideedaba waxay timaadaa marka uu khilaaf
ama iska hor-imaad ama ay dhibaato dhexmarto laba qof, laba qabiil ama
laba ummadood IWM, Somaliduna waxay tidhaahdaa, “Aynu wada hadalo waa
aynu heshiino”, taas oo macneheedu yahay marka ay laba dhinac gar isku
soo horfadhiisanayaan waa in laga heshiiyo, wayse dhici kartaa in garta
lagu kala kaco oo laga heshiin kariwaayo arimaha la isku hayo ama laga
garnaqsanayo, ka dibna la kala qaato mawqifyo ama go’aamo qalqalafsan.
Hase yeeshee marka ay gartu dhacayso ama gar la qaadayo waa inay goobta
joogaan dhinacyada kala ah: Labada dhinac ee loo gar-qaadayaa, cidda
garta qaadaysaa (Guddi garsoor), xidhayaasha labada dhinac, wixii
markhaati ama caddayn ah ee aan garta looga maarmayn, waxa kale oo garta
looga baahan yahay wax la yidhaahdo Hagar-bey oo ah kharash ama aduun
laga qaado dhinacyadda garamaya, waxaana la siiyaa guddiga garta qaadaya
iyo waxyaalo kale oo aan garta looga maarmin ayaa intaa dheer.
Gartu marka ay bilaabato ee badka la soo wada fadhiisto guddiga garta
qaadayaa waxay marka ugu horaysa ee ay gartu furanto wax hor su’aalaysaa
ninka muduciga ah, waxaana ka mid ah su’aalaha la waydiinayo: Ma adigaa
wax tirsanaya, haa marka uu yidhaahdo waxa hadana la waydiinayaa “Ma ka
samraysaa waxa aad tirsanayso ama ma ka dul-qaadanaysaa gar iyo gardaro
waxa ay doonto ha kugu ahaatee”, dabadeedna Maya hadii uu yidhaahdo,
waxa loo gud-bayaa ninka ama dhinaca madaacalayga ah (Cidda wax loo
tirsanayo), waxaana la waydiinayaa su’aalo ay ka mid yihiin: “Waxa laguu
sheeganayo garaw ma ka haysaa ama ma ka bixinaysaa”, Maya hadii uu
yidhaahdo, muduciga ayaa xagiisa la eegayaa, waxaana lagu odhanayaa
“Garaw laguuma hayee, gar ceebla ma marsanaysaa”, Haa ayuu odhanayaa, ka
dibna madaacalayga ayaa lagu odhanayaa waxa laguu sheeganayo “Ma ka
jid-baxaysaa”, Haa marka uu yidhaahdo waxa nin walba la waydiinayaa,
iyadoo muduciga lagu horaysiinayo “Xidhahaagii ma wadataa”, Haa marka uu
yidhaahdana waxa lagu odhanayaa bilow hadalka oo gartaada marso, ka
dibna muducigu waxa uu hadalkiisa ku bilaabayaa, isaga oo la hadlaya
madaacalayga (Ninka wax loo sheeganayo), ayuu su’aalayaa “Wax garaw ma
ii haysaa”, Maya hadii uu yidhaahdo, wuxuu hadana waydiinayaa “Hadii
aynu axdar (Gar-adag) ismarino oo aan waxayga gar kaaga helo ma qabtaa
wixii dhibaabo ah ee ay arintaasi yeelato”, Madaacalayga ayaa isna
odhanaya Haa, ka dibna muduciga ayaa hadana odhanaya “Hadii aan kugu
helo waxaa aan kuu sheeganayo oo aad igu dhibaabayso waa jilib caro (Goobta
gartu ka dhacdo ayaad igu siinaysaa oo igalama kacaysid)”, ka dibna
Madaacalaygii ayaa odhanaya “Wixii igu garooba ee aad igu hesho waa iga
bad-yaal, waxa aynu ku wada hadlaynaana gole-joog ha noqdeen”.
Tusaale ahaan hadii ay waxa lagu wada hadlayaa aduun yihiin waxa uu
xeerka gartu yahay inay joogaan ama yaaliin golaha lagu garnaqsanayo oo
ay gole-joog noqdaan, ama hadii kale waa inuu ninka xidhaha ahi
ballan-qaado inuu waxaa keenistooda masuul ka yahay, taas oo hadii uu
ninkii uu xidhaha u ahaa wixii keeni waayo isaga (Xidhaha) lagu
yeelanayo. Intaa marka meel lagu tiiriyo waxa markaa si toos ah u
bilaabmaya dooddi dacwadda, iyadoo uu bilaabayo muduciga ama ciddii uu u
igmadday.Garta Dhaqanka Iyo Xeerarka Soomaalida, Waxa qoray C/salaan
Caaro-dhuub Q:29aad.
Marka ay garanayaan labada qof ee wax ka dhexeeyaan oo kala ah: Muduci
iyo Mudaacale, waxa hadalka ku horeeya mudcuga (qofka wax tirsanaya),
wuxuuna hadalkiisa ku bilaabayaa (Islaam Allay erey wayga duco, erey
wayga didiif, erey wayga dacwi, ereyna wayga maluug”.
Laakiin khasab maaha in sidaa lagu bilaabo, waayo maluugtu marwalba ma
soo gasho ee mararka qaarkood ayey soo gashaa. Sidaa awgeed, ragga
muduciga ah qaar baan ducaba hadaladooda ku bilaabin ee yidhaahda
“Saddex erey iyo maluug baan ka hadlayaa’ ereyga ducada sababta hadalka
garaha loogu bilaabaa waxay tahay maadaama aynu dad muslim ah nahay,
sidaa awgeed bisinka ka dib waxa la yidhaahdaa faataxadda inoo mara, waa
la maraa, ka dibna waxa la yidhaahdaa “Waxa yidhi faataaxo dabadeed lama
hadlo, haddii la hadlona wax-san mooyee wax xun laguma hadlo”.
Intaa ka dibna waxa uu muducigu intaa raacinayaa ereygii ducada ahaa,
wuxuuna odhanayaa “Inteenan iyo intii dhashay iyo dhamaan umadda
muslimiinta ah Illaahay dambigooda ah dhaafo, Illaahayna waxaan ka
baryayaa inuu kii xaq leh-na siiyo Illaahay xaqiisa, ninkii aan wax
lahayna aanu siin wax aanu lahayn oo aanu raacin xaq aanu lahayn.”
Didiif: Waa ereyga didiif macnihiisu waa afeef, waxaana didiifta la
odhanayaa “dhibaabe waa nin leh, gar-cadaawe waa la yaqaan wixii hadhi
jiray iga hadhan, iyo weedho kale”,laakiin had iyo goor marka la
garamayo waa lays-xujayn jiray, bal aynu tusaale ahaan nin la odhan
jiray Axmed Koorjaan ayaa nin kale oo ay ilmadeer yihiin oo la yidhaahdo
Aw Maxamuud Muuse uu geenyo ku qabsaday, ka dibna waxa l a yidhi
Koorjaan la gar-naqso Aw -Maxamuud, dabadeedna wuxuu yidhi “la garnaqsan
maayo ilaa saddex la helo, ciddii soo gole fadhiisin lahayd, ninkii
garta u sheegi lahaa iyo ninkii ku odhan lahaa waa lagaa gar helay”,
dabadeedna waxa lagu yidhi “Ninkaa waxa soo gole-fadhiisinaya Ducaale
Cilmi, gartana waxa ku naqaya Maxamed Faarax (Ina Sanweyne), marka aad
geenyadaada heshana waxa ka soo qaadaya Seed Cawed”. Ka dibna koorjaan
wuxuu yidhi “Haddaan la gar-naqsanayaa”, laakiin waxa kale oo uu shardi
uga dhigay dhawr arrimood wuxuuna yidhi “Aniga gartayda ma gelayo nin
aan Ilaahay aqoon, anigana I aqoon, Aw Maxamuud ma yaqaan”, ka dibna
ragga sifooyinkaa leh waa laga saaray guddidii garta saarayey iyada oo
ay ragga la xulay shardi looga dhigay inuu yahay nin Ilaahay yaqaan,
isla markaana aan labada nin ee loo gar-naqayo midna ugu xilan, laakiin
Koorjaan markhaatigana wuu daadefeeyey, wuxuuna yidhi “Aniga saddex
gartayda kama markhaati-galaan, kuwaas oo ah Nac-fijiid, Naas-jiid iyo
Lug-jiid”.
Nacfi-jiid wuxuu ula jeedaa ninka wax la siiyo.
Naas-Jiid waa ninka ay gabadhu dhashay (abtiga loo yahay).
Lug-jiid waa ninka gabadha qaba ee seediga loo yahay ama soddoga loo
yahay, sidaa awgeed Axmed Koorjaan wuxuu yidhi “Saddex nin midna
markaati iguma furo.”
Dabadeed markii gartii la riday ee Axmed Koorjaan uu geenyadii helay
ayuu ina Sanweyne yidhi “Geenyadii waa laga helay Aw Maxamuud, waxaana
helay Axmed Koorjaan” ka dbna Seed oo ahaa ninkii la doonayey inuu
geenyada ka soo qaado Aw Maxamuud ayaa arrinta hore u dhaabbadayn waayey
dabadeedna waa marka uu ina Sanweyne leeyahay “Aniga garta sheeg baa
laygu yidhi ee ku dirir layma odhan”, xikmadaasina waxay doorantahay
“Seedow adigaa hawshaa leh oo lagaa sugayaa.”
|
|
|
|
|
|
|