|
|
Garta xeer-beegti
Iyo xeerarka somalida
Waxa qoray Cabdi Caara-dhuub _______Q: 06aad |
|
|
Xeerarka: Guud ahaan Somalidu ama gaar ahaan dadka reer Somaliland waxay
leeyihiin xeerar dhaqan oo ay ku kala baxaan marka ay arimo dhexmaraan,
arimahaas oo la xidhiidha mucaamilka nolosha hadii ay tahay marka ay
dhibaatooyin dhexmaraan iyo hadii ay tahay marka ay arimo dhaqan
dhexmaraan.
Xeerarka dhaqanka waxa wax ku hogaamiya ama dabakha hogaamiyayaasha
dhaqanka, sida, Caaqilka, Suldaanka, garaadka, boqorka IWM iyo sidoo
kale odayaasha beelaha hogaamiya ama u taliya.
Laba beelood iyo ka badan oo ku dhaqan isku degaan ama degaamo isku
xig-xiga waxa had iyo goor ka dhexeeya xeerar ay ku wada macaamilaan,
kuwaas oo ay ku kala baxaan marka ay arimo dhexmaraan, sida dilal, xoolo
la kala qaado, dumar la faraxumeeyo IWM. Sidoo kale reer ama qabiilka
dhexdiisu waxa uu leeyahay xeer hoosaad ay isku maamulaan ama ku
macaamilaan dhexdooda. Laakiin hadii aanay jirin cid dhigataa xeer
iskama samaymo, waayo waa inay jirtaa cid mucaamil
dhexmaray
ama dhibaato kala gaadhay, ka dibna sidii ay arinta ama arimaha
dhexmaray ugu kala baxaan ama u xalilaan ayay yidhaahdaan sidaas ayaa
inoo xeer ah. Laakiin xeerka qabiilku dhexdiisa mar waa xanaan, marna
waa la isku anshax mariyaa hadii uu qof reerka ka mid ahi qalad galo,
iyadoo uu xeerku noqon karo xeersan ama xeer qalafsan oo aan xanaan
lahayn, isla markaana qofkasta oo beesha ka mid ahi waxa uu xeerka ku
leeyahay xuquuq iyo waajibaad , sida Hiil, Qaadhaan, Mag laga bixiyo
isna uu wax ka bixiyo, gaadiidka (Awrta) oo la kala gaadiid ceshado,
Kaalo la isa siiyo IWM.
Xanaanku waxa weeye waxyaalaha la is taro, sida abaalgud, ina la isu
baadi-celiyo, inaan dumarka la kala faraxumayn, isla markaana aan la isu
dhaafin qofta dumar ah ee la qabo ama gabadha doonan, qofta dumar ah ee
marka laga dhinto aan dumaasheedda ninka leh loo dhaafin oo aanu nin
kale guursan, inaan la isku samayn waxyaalo meel ka dhac ah, sida
dhirbaaxo, cay, xabbad la isku rido IWM., balse hadii ay waxyaalahaasi
dhacaan oo aanay labada qolo ama labada dhinac ee ay kala gaadhay aanay
markiiba dhamaysan ama la isaga dulqaaddan, waxa dhacaysa in marka qofka
wax loo tirinayo la gole keeno ee wax lagu cadaysto waxa jira xeer
ciqaabeed la mariyo qof, sida xaal lagu xukumo, iyadoo uu xaalku yahay
xoolo qofka wax trisanaya lagu dhaahiyo ama wixii uu trisanayey lagaga
bogsiiyo. Waxa kale oo uu xaalku noqdaa gabadh la siiyo qofka wax
tirsaday.
Qof Jid leh: Waxa jira wax dadka iskaga darsama ama iskaga qaldama, taas
oo ah garta iyo dawga, masalan waxa jirta odhaah tidhaahda “Waa gar,
dawse ma aha”, sidaa darteed hadii aynu waxoogaa ka iftiimino waxa ay
kala yihiin garta iyo dawgu waa sidan:
Waxyaalaha jidka ah waxa ka mid ah in qofka muduciga ah (Dhibanaha)
marka loo garqaadayo wax kasta mudnaanta la siiyo sida: Maxaa laguu
geystay, ma samraysaa iyo inuu hadalka ku horeeyo, oogista markhaatiga
ku horeeyo, xiliga uu garta u diyaar yahay isaga (Muduciga) la hor
waydiiyo IWM, sidaa awgeed waxyaalahan oo kale waa waxyaalaha uu qofku
jidka u leeyahay.
Ta kale marka wax la isku qabsado qofka wax lagu qabsadaa oo masalan
neef xoolo ah lagu qabsadaa waxa kula garnaqsan kara qof leh aniga ayuu
neefkaasi ii dhashay oo askunkiisa lahaa mooyee aanu kugula agrnaqsan
karin nin leh waxaas ama neefkaasi cid kale ayuu iga soo galay, sida
kaalo ayaa la ii siiyey, yarrad baa la ii siiyey, muquunno ayaa la ii
siiyey IWM,
masalan
waxaad maqlaysaa nin tulud geel ah iibsanaya ama dhul iibsanaya oo leh
hashaa ama dhulkaa hadii la igu qabsado adigaa hadhow ii hadal tirayaa
ma dhicinaya, markaa hadii lagugu qabsado aduun cid kale kaa soo galay
jidku waxa weeye cidii ay kaa soo galeen ii gee ama cidii ay iga soo
galeen ayaan kuu gaynayaa.
Waxa kale oo jid ah inaad gartaada cid u igmato ama qarreen qabsato waa
jid , inaad ambiil qaadataana waa jid, sidoo kale inaad maganta, maatada
aad masuulka ka tahay ama qofka aan caqligiisu dhamayn inaad xaqooda
baadi doontaa waa jid.
|
|
|
|
|
|
|