Waa abwaankii weynaa ee Cabdi Warsame "Gahayr"
oo ku andacoonaya in intii Ciidagale ku maqnaa didinta reer Doqon-ma-waaye ay
Sacad Muuse camireen Hargeysa oo nin walbaaba garoomo ka qaytay magaalada oo uu
reerkooda u tirinayey.
Doqonkii Ogaadeen intaan, dabin u qoolaayey
Dalka Caliyo Haaruun intaan, dib uga riixaayey
Dayr geela oo dhalay intaan, dar u samaynaayay
Dacda ceelka Dhagaxbuur intaan,
doca-docaynaayey
Dawgii Shiniile iyo intaan, Dooyo baranaayey
Dixidii Masaarre iyo intaan, Dacarba haynaayey
Ayuunbaaba daar laga camiray,
dooxyadii Herere
Waxa laga damqaday qooslahu? dagay Makaahiile.