Q O R A A L

 

 

 

 

 

 

 

 Carroole Max'd Kali

HG > Cayr  

Somali Poetry


Xarbiyadii ahligaa ahaa ee hore Soomaalidu waxay ku kala ciil bixi jirtey cududdoooda iyadoo ay u hub ahayd qaansada, leebka, warmaha, gaashaanka, iwm.

Markii Talyaaniga damac ka galay qabsashada dhulka Soomaaliya wuxu u adeegsaday awr-kiraalayaal danihiisa u fuliya. Indhow-garatadaa waxa hadafkoodu ahaa in ay gaalka hub & maal ay Soomaalida kale u isticmaalaan ka helaan waana u suura gashay illaa xad.


Laba nin oo la kala yidhaahdo Cali Yuusuf iyo Boqor Cismaan ayaa talyaaniga la saaxiibay islamarkaana ka helay hub aan Soomaalidu aqoon. Hubkii gaalo lagula saaxiibay waxa durbadiiba lagu weeraray dhulal aanay weligood qoladaasi haweysan oo Habar Gidir intooda badan deegaan u ah.

Majeerteen oo hubkii Talyaaniga la ciirciiraya ayaa qabsaday Illaa Xaradheere. Carroole Maxamed oo ahaa nin suugaan yahan ah wuu ka gilgishay inay u taliyaan niman ay awal ka tamar roonaayeen sidaa darteed ayuu guubaabo ugula dhaqaaqay dadkii deegaanka oo aan hubka la dul dhigay mid u dhigma haysan.

Cali Sharmarke nin la yidhaahdo oo qolyihii deegaanka Xaradheere qabsaday ka mid ahaa isla markaana afarrey tuuran jirey ayaa damcay inuu la beretamo Carroole Maxamed sidaa darteed baa madal loo wada dhan yahay loo maageeray si ninba wixii Alle baray uu u soo bandhigo. Carroole Illeen waa nin ka murti badan isla-markaana ciil qaba'e durbadiiba waa ka libaystay ninkii isku dhereriyey oo halxiraalayaal uusan furfuri karin ayuu ku asqeeyey.

Nimankii Talyaanigu soo hubeeyey waa garaysan waayeen ceebta meesha ka raacday iyo sida Cali Sharmaarke loogu tuntay markaasaa nimankii madasha joogay mid ka mid ahi Jeedal ku dhuftay Carroole. Duuflaalkii ina Cabdulle Xasan baa laga hayaa "Eebboow nin goba baan ahoo guni rifaysaaye". Carroole waa u qaadan waayey waxa dhacay, fajicisona waa ku noqotay, wuxuuna tirshey gabay dheer oo intan koobani naga soo gaartay;

Toloow geeri waa loo dhashaa, inan go'aa ii eg
Garkoon xiiro, guudkoon tidciyo, gabarnimaa ii eg
Geel iguma fiicnee inaan, garo dhaqdaa ii eg

Gaashaanka iyo labada waran, inan gubaa ii eg
Guska iyo xaniinyaha  inaaban gooyaa ii eg
Goobtii rag joogaba inaan garab maraa ii eg
Gosha webiga, geedaba ku yaal, inaan galaa ii eg.


Carroole sidaa danbuu yeelay oo webi ayuu u haajiray Xaradheerena waa ka guuray. Isagoo xero Moobliin (qolo ka mid ah Muddulood) deggan lana xididay hayeeshee diif iyo darxumo ka muuqato ayaa nin aqoon u lahaan jirey weydiiyey waxa helay ee dhalan geddiyey markaasuu isagoo u waramaya yidhi:

Beeraha Canyiyo, Buurgaduud, Bacad hareertiisa
Bahdaydii intaa joogay baan, beden qaboobaaye
Basaastaan waxaa iigu wacan baadi baan ahaye.


Ninkii doolka ahaa ayaa weydiiyey sababta uu dadkiisii iyo dalkiisii ugu noqon waayey mar hadduu la qabsan waayay deegaanka cusub. Carroole wuxuu ninkii u faahfaahiyey sababta uusan dib ugu laabanayn taas oo uu gabay ugu tebiyey asagoo leh;

Tiir lay mudyaa iyo Ilaah, tiisa noqotaaba
Tacab yeeshayaa ii arlada, taba-tabaystaaba
Nimankii tukaamada lahaa, tacab wadaagnaaba
Intaan diinta toobtiyo ardada, laygu tiriyaaba
Tu kale oon moogahay Ilaah, iigu taliyaaba
Majeerteen intay talinayaan tii ku noqon maayo.

 

Carroole Maxamed waa ninkii mar kalena lahaa isagoo ka sheekaynaya inaanay beesha Cayr isu dhaamin midiidinka Talyaanigu ku soo hubeeyey iyo  Gaalka soo adeegsadayba:

Rugta ceelcad nimankii degee Ruugga Cayr jebiyey
Iyo gaalka soo rogey rasaas iima kala roona!
Raqda kii dhigay iyo kii la yiri reerka orod caymi,
Iyo dhagar-qabahan soo rucleyn iima kala roona.

 

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com