|
Gabaygan aannu dhawrka tuduc ka hayno
waxa uu Salaan u tirshey Ooridiisii. Sida gabayga ka muuqata waxay ahayd
xilli adag oo abaari dhacday.
Fadlan soo dhamee ........
Naagyahay abaariba
ma dhicin, Dhiirran ka horoow'e
Dal dhudhumiso, Dheecaansatiyo, Dheeliyays xigaye
Shan gu'baan cirkaa dhibic ka timi, dhoobo laqu qoyne
Dhoofkii baddana laysu diid, Sebenna dheeraaye
Dhulna xidhan Dhabada Aakhiriyo, dhixitin mooyaane
Dhursugaali waa nagu yar tahay, gelin wax dhaafaaye
Dhiishii lulnayd iyo la waa dhuulladii Subag'e.
Gabay kale oo isna qabyo aha bay naga soo gaadhay erayadani kooban ee uu
ilmaadeerradi Xaaji Suudi iyo Baashe Shabeelle ku halqabsanayo;.
Dadba nimannu wada saa'irniyo malihi saaxiibe
Dhallintaannu seeraha lahayn, suxubbadii Baashe
Xasankii sadrigaga igaga yiil, seerihiyo laabta
Iyagaba salaan uma lahaan, salaw la'aaneede
Tolkayoow sabaan baa dhacee samir ha lay yeesho.
|
|