More
|
|
|
|
|
|
|
|
Maxamed Aadan Caws "Yawle", |
Kalagooye |
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
Gabaygan
caanka ah wuxuu abwaanku tirshey mar uu ka qaybgalay shir Habar Yoonis Burco ku
lahayd. Nin gabyaa ahaa oo Weerar Cali la odhan jirey,kana qayb qaatay
Silsiladdii Xaydha, ayaa ku yidhi Yawle "Haddaan tolkaa kula socon maxaad keligaa
naga soo doontay". Yawle arrinkaasi waa ku weynaadey wuxuuna gabay ku sheegay
sababta shirka aan loogu dhammayn isagoo tibaaxay dhibaatada jilibka weerar (Xirsi
Cismaan) u
geysteen Habar Yoonis una kala firdhiyeen oo qoloba meeshii ay dan moodey afka u
saartay si ay ugu badbaaddo. Boqorkii Xirsi Ammaan ayaa loo aaneeyaa inuu Habar
Yoonis kala fogeeyey waagii uu xukunka reerka hayey. Gabaygan oo sida ka Faarax Nuur la yidhaahdo "Kalagooye"
wuxuu ku bilaabay abwaanku:
Arrinkaad waddaan reer Xirsoow, aayatiin
malehe
Irdhaa galay ragi Weeraraw, idinku oodnaaye
Afartaa garyahan bay qabteen, sida ugaadheede
Abtirsiinyadii geedka, iyo anafadii joogtey
U adkeysanmaynaa la yidhi, aabbe yuu dhalaye
Imanmayso Habar Yooonistaa u alwanaysaane!
Isxaaq waxuu ununufaa, uurku-taalada'e
Bal eegoo Afmeer bay galbeed, uga arooraane
Markay idin arkaan geelashaa, uubka loo ridi'
Iman mayso Habar Yoonistaad u alwanaysaane !
Awal raace Muuse Cabadlana, odayadoodiiye
Waa aawadiin waxa ku furay, Awdal iyo Shiikhe
Haduu gugu Aboorray ka da'o, ay ma soo galo'e
Iman mayso Habar Yoonistaad u alwanaysaane !
Afka Gubato sidii Reer Xuseen, loogu wada aasay
Indhahay ka meermeeriyaan, urur ad joogtaane
Inan intuu ka noolyahay iga walay,idin illaaweyne
Iman mayso Habar Yoonistaad u alwanaysaane!
Ayaan kaliya waatii Gunbuur, oodda loo rogaye
Amaxaarnana sidaa Reer Cigal, uma ataagteene
Namankii ajalay baad tihiin,Aw Cabdiyo Nuure
Illaa ay dhawaan urursadeen, awr ma soo tu'ine
Iman mayso Habar Yoonistaad u alawanaysaane .
Bah Dhulbahante adaxaa ka badan, eedda loo dhimaye
Inta ooryo laga qaaday baan, la ashqaraaraaye
Maxaa inan adhxaa lagaga jabay, aabi lagu toogtay
waxay Ededan ugu meerayaan, amase Oodweyne
Ala igu og kuma aaminsana, laba ayaamoode
Iman mayso Habar Yoonistaad u alwanaysaane.
Ugaadh Cumar siday uga qaxeen, awrta reer Sugule
Ergo laguma siin geelashaa, wada afduubteene
Iman mayso Habar Yoonistaad u alwanaysaane.
Laba Muuse ubaxii cuntoo, aaran baa hadhaye
Hadaanan bari abaar lagu sallidin,idinma eegeene
Ooshana ma soo dhaafiyeen, Eexa iyo Cayn'e
Agoonta uma keeneen ragi,aabbahood dilaye
Iman mayso Habar Yoonistaad u alwanaysaane.
Iddaraysna waa kuwaa sikaday, ugubadoodiiye
Abokor iyo Reer Rooble waad, ku adyadooteene
Bal maxay ku aanaynayaan, odaygan ciil Beyle
Afka Boqorle iyo Tuuyo, iyo idhamadaa Baarcad
Sidii adhi Tadcaareed ragii, lagu idlaynaayay
Imanmayso Habar Yoonistaa u alwanaysaane.
Haddii meel aroos laga dhigoo, igilku weynaado
Udbaa iyo dhigaa laysku xidhay, kuma addeecaane
Abjaddada haddii lala galuu, ilaxidh yeeshaaye
Ragna hadduu ilmaadeerro yahay, ururku waw doore
Marse haddaan ataag laga baxayn, kala awaareeye
Oohow kuma xasilo geel haddii, aar u soo dhaco'e
Askunkiinnu nimankuu ahaa, Aadan iyo Xaawa
Arab iyo haddaa Cali Siciid, idin ogaadeene
Aduunbay addoon kula noqdeen, iib la dhaafsadoe
Waayadanba udubkiinna qaar, kama aroostaane
Imanmayso Habar Yoonistaa u alwanaysaane.
Teeriyo Ugaadeenka yaal, iimey iyo Taanga
Abaalkiinnu waa inaan cadawga, idinku eegaaye
Eebada shisheeyuhuba waa, idin asqaysiinne
Ammaana Alla waydiin bannaan labada oofoode. |
|
|
|
M A Q A L
More
|