Q O R A A L

 

 

 

 

Abwaan brown

   



Gabaygan soo socda waxa curiyey abwaan aannu magaciisa u maqalnay "brown" wuxuuna sida tuducyadan soo socda ku cad ku dhaleecaynayaa dawladda Jabouti.

Ma waalliye haddaad Xaashiyoow, war iga gayn waydo
Wacadkii Ilaahay ku qabay, iyo kii walaalnimo e
Weedhaan kuleeyahay ayaanay, webiga kaa raacin
Wayaagbaa kudhacay dawladduu, waabay ciisuhuye
Waraabay hoggaan uga dhigeen, walaxna reebayne
Nin waliba wedkiisuu arkaa, waabaryiyo leyle
Habeenkii wasiirrada guryahay, kaga walaadshaane
Dharartiina waxay weeraraan, waa wakiillada e
Ergadiina waa hore ayay, wadar u laayeene
Waxay dhaar wallaahida mareen, waa waxaan jirine.


__________________
Waxa ku deeqay: Ahmed Sheikh Mohamed Suldan



 

 

 

 

 

 

 

 

 

M A Q A L

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com