Q O R A A L

Sanqadh gu'

Mayagaa filayey

 

GabayXoog Vs Xasan Dalab

   

Somali Poetry

 Xasan Dalab (1855 -1919) & Aadan Axmed Dubbe GabayXoog (1845 - 1920)


Labadan Abwaan oo ka mid ahaa suugaanyahannadii qarnigii 19 aad waxay is dhaafsadeen dhawr tixood. Gabayada sida la sheego waxa ku horreeyey GabayXoog (HY, Sa'ad Yonis) oo weeraray labadii abwaan ee isku reerka ahaa ee Nuur Dheere & Xasan Dalab ( Udurxmiin, HJ).

Gabayadu ma dhamma, noomana cadda waxa xurguftoodu ka kacday waxse nin waliba ku hanjabayaa hibada gabyaannimo ee Ilaahay ku mannaystay. Gabayxoog wuxu yidhi;

Mawjad iyo mayaygii gugiyo, midabbadiisii dheh
Masareen bad dhexe kaa heliyo, mawjadda albaab dheh
Masarkuu Cismaanigu sidiyo, dahabki Miinkoo dheh
Idinkuna waxaad maarsateen mala Xabuusheed dheh!



Xasan Dalab asna waxa jawaabtiisii oon dhammayn ka mid ahayd dhowrkan meeris

Sanqadh gu', iyo Samuulado curtiyo, sagal daruureed dheh
Subax weerar soofaad kacay, iyo saha gammaanood dheh
Suldaamigu dabkuu sheegayiyo, saajacnimadii dheh
Samalaho baddaa saayirtay, iyo sabo xagaagii dheh
Sisilad daari socodkeeda, iyo saacadii jirey dheh
Sa'da gabay su'aashaan bartiyo, sadarradeedii dheh
Si loo dhigaba Muusa Cali waa sikhiyadeenniiye
Sacad Yoonis baan ahay waxbaan, kaaga soconayne
Singalnimo maxaa kuugu wacan maalintay suruqdo.




 

M A Q A L

  More

  More

  More

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com