Q O R A A L

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xaaji Aadan Axmed "Afqallooc"

HY - Muuse Ismail Sarakaca



Gabyaagii weynaa ee waddaniga ahaa ee Xaaji Aadan Afqallooc baa tirshey gabaygan. Tixdan qiimaha leh wuxuu Xaajigu kaga warramayaa inaan gobannimada cidla laga helin ee ay dirir iyo dhiig loo daadiyo ku timaaddo:

Samaan laguma doonee xornimo, wa sange u fuule
Sallax dakhar leh, Meyd soobiriyo, seedo waran gooya
Soofkoo la kala qaado, iyo siigo kor u duusha
Haweenkoo gambada saydha, iyo sebi agoomooba
Iyo libintu waxay saaran tahay, suluf coladeede
Salliga iyo Allahu Akbartay, siri ka buuxadaye
Sawaarikhda waxa nooga dhigan, Suurtal IKhlaase
Naftuna saacad bay leedahoon, abid la seegayne
Siyaadiyo Nuqsaan laguma daro, suu Ilaah yidhiye
kuwo saymihii nabad galaa, seexday oo go'a e
Saxarba waa dilaa niman wakhtiga, sed ugu laabnayne
Geesiga senaad weyn leh, iyo fulaha seeraara
Geerida u siman Sharafna, way kala Sarreeyaane
Safka ninka ka baqa ee warmaha sugi aqoon waaya
Saldhigiisu akhirana waa, sakhara nareede
gobonimo sun baa kaa xigtoo, laysma siin karo'e
Wa Sarac ku baxa dhiig ragoo, lagu Sadqeeyaaye
Sarakaca, Kufrigu wa Sasabo, suu na leeyahaye.


______________
ERAY BIXIN
______________
Sange = Faras
Soof= Xoolo
Ikhlaas= Surtul qulhu walla
Saymo = Arrin culus ama khatar
Senaad = Isku kalsoonaan



 

 

 

 

 

 

 

 

 

M A Q A L

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com