|
Gabaygan inta koobani naga soo gaadhay waxa Salaan u
tiriyey nin ay ilmaadeer ahaayeen oo Xirsi Maxamed la odhan jirey. Xirsi
wuxu Salaan ka codsatay bal inuu gabayadiisii u mariyo. Salaan oo da'diisu
aad u weynaatay Eebbena cimriga u siyaadiyey wuxu Xirsi xasuusinayaa Xaalka
Qiyaame.
Wuxu Salaan sheegayaa sida uu adduunka uga xiiso dhigay ee uu aakharo iyo
Alla ka cabsi ugu go'ay.
Xirsiyoow xarragadeedba dhigay
xiiso duniyeede,
Is xasuus-shey aakharo haddaan xay markaa ahaye,
Xaqu nimuu sugaayaan ahay oon qodan xabaashiiye.
Waxay Laxiba Xaadhxaadhataa xerada meesheede,
Denbigaan xanbaarsanay sidii xaabadiyo cawska,
jeeroon Xublada foosha rido xamilka guudkayga,
Nin adduunba xaradhaamadii xooray baan ahaye.
Intaanse Mawdku igu xaadir noqon waa xukmi Ilaahe,
Xusnul-Khaatumo iyo Toobadaan ku xarbiyaayaaye,
Werdigaan xisaabsanahayaa xay intaan ahaye,
Naartii Rabboow naga xoree waan xajiyayaaye.
|
|