Q O R A A L

 

 

 

 

 

 

 

Qaalib Xareed

HA > Jibriil Abokor> Reer Yoonis

Somali Poetry


Geeraarkan kooban waxan ka helnay abwaakii weynaa ee  Qaalib Xareed oo noolaa qarnigii 19aad;

 

Col Ugaadeen ah oo gaade ah baa laga war helay oo la gumaaday. Qaalib geeraarkan ayuu goobtii ka tirshey isagoo Ogaadeenkii ku leh waad soo anbateene maad reeraha jilicsan doonataan maxaa reer Reer Xergeeye Xaad idiin keenay. Geerarka wuxu ku durayaa niman ay wada dhasheen reerka Qaalib oo uu dhaliilayo Ugaadeenkana lee yahay qolyahaasi idinma waabiyeene maad iyaga weerartaan maxaa noo kiin keenay;

Miyaa soo dhama'deen
Ma dhedaa idin keentay
Ma dhulkaydan aqoon
Reer Xergeeyahan
(1) dhaataye
Wada dhiigyacabboobee
Dhasha Caynab ku jooga
Maxaa dhankiis idin keenay?

Caliyood
(2)dheddigooboo
Naaguhuun ka dhalaaya
Ma dhankooda martaan

Cumar Aadan(3) dhergoo
Dhiishiisuun lulanaaya
Maa dhankooda martaan

Cabdigaa(4) dhammandaada
Ee nacayguun dhuranayaa
Maa dhankiisa martaan


______________________________


(1) Reer Xergeeye Xaad waa qolo Reer Yoonis ah (Jibril Abokor)
(2) Caliyood= Baho etc.. waa jilibbo Jibriil Abokor ah
(3) Cumar Aadan Uurkuraag Jibriil Abokor
(4) Cabdi Cali= Jilib Jibriil Abokor ah

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com