Q O R A A L

 

 

 

 

 

 

 

 Minjacase

HA > Sacad Muuse> Deerayahan (Max'd Jibril Abokor)

Somali Poetry

Cudur Daar: Waxan ka cudurdaaranaynaa inaan gabayadu dhammayn balse akhristahaan ka sugaynaa qabya-tirka gabayada Minjacase iyo kuwa abwaannada kaleba.


Ergo Jibriil Abokor ah ayaa Ugaadeen laayey. Meesha waxa ka ag dhowaa reero Xuseen Abokor ah. Waxa la sheegaa (inkasoo ay dafireen) in waxgaradkii beesha Xuseen Abokor yidhaahdeen haddii aynu nimankaa u aarno oo dagaal kicinno in carrada Milmileed oo xooluhu aysan ka maarmin uu qiilqiil geli doono. Beri danbe ayaa waxa is diley Xuseen Abokor iyo Ciidagale markaasaa Xuseen Abokor gurmad ka dalbaday Jibriil Abokor oo arrintii aan illaawin. Minjcase wuxuu markaas yidhi;

Dhallinyaro wax badan baa ku lumay, dhiif ad kiciseene
Waatii aynu dhaabado lahayn, labada dhoomoode
Dhagaxyaleyna waataad ogeyd, dhoomahaan riday'e
Wada dhalashadeen waa maalintay, dhibi ku haysaaye
Dhoobada geela loo dhigo raggaad dhaafsataan ahaye.

 

_________________________________________

Xaashi Cilmi ayaa Jidwaaq diley markaasuu damcay inuu Minjacase reerka guubaabiyo isagoo tirshey tix aan ka helnay;

Sacna waa gadoodaa haddii neef la gawracoe
Halna godolka waa diidaysaa hadday gabanta weydaaye
Gadiid iyo Shirdoonoow maxaa loo galgalan waayey

Markaa ka dib waatii Reer Yoonis (Jibriil Abokor) ay Xaashi Cilmi ugu aareen Garaadkii Jidwaaq.

_________________________________________
Berina tuulada Kalabaydh buu Minjacase yimi markaasuu ku arkay Bahasamarroon deggan.

Hadduu Deerayahan daaro koray, Dalalna hoos joogo
Daadduunka reer Cumar
(1) intaan dabahka siinaayo
Ma danbaan ka lee yahay ninkii dudaba yeelkiisa

_________________________________________

Abwaan la odhan jirey Ina Good (R Dalal) ayaa Minjacase u jawaabay isagoo leh

CabdiQaadir kama toobsan karo weli taraaraaye
Tukaamada yaryari Baasarcay tuugayaan weliye
Tunka waxan ku siday Deerayahan ilaa toban jirkaygiiye.


Minjacase ayaa ku noqday gabaygii isagoo leh;
Deerayahan danbaw koradhayoo doorsay gurigiiye
Dixidiii Gogayse iyo xiggii dalal ha meermeero.

 

<><><><>
Marna Minjacase oo kala celinaya R Yoonis & R Cumar islamarkaana leh haddaa is dishaan annana waa idin hujuumaynaa ayaa yidhi;

Habar Aadan iyo Deerayahan haddii haybti laga reebay
Higta horeba reer Dalal haddaanan huubo kaga yeelin
Beeraha hadhuudhka leh haddaan heedna laga waayin.

_________________________________________

1960 kii ayaa Minjicase oo Wajaale dillaal ka ah ayaa Xasan Cawke oo maalqabeen ahaa xajka ka yimi. Markaasna isagoo warbixin siinaya uu yidhi;


Beydan way diriraysoo
Daaskeedii xidhatay
Deerayahanna ma joogine
Ku yaraanu is diidniyo
Dumar baa naga joogaa
Dayaxii togwajaaloow
Daayinkeen ma ku keenay

__________________________

 

(1) Cumar :Reer Cumar Cali Jibriil oo ka kooban(Dalal & Xareed& Baha Cumar)

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com