|
|
|
|
TACLIIQ...... Suugaan Dawaco cunayso (2000)
Inkastoo aanay ahayn suugaantu wax
muran geli kara haddana waxa xusid mudan inaan soo qaadanno
buugaag, waraysiyo, iyo qormooyin caad tiraya inaan muran ku jirin
dhawr beyd oo ka mid ahaa gabaygii "Mine" ee Salaan Carrabay oo
markii hore ay ciyaal Dhulbahante ahi isku dayeen in ay
bililiqaystaan, markii danbana reer Doqon-ma-waaye canjileen.
Ruugacaddaaga qooraaga ah ee Aw Jaamac Cumar Ciise oo isagu hor
fadhiistay Cali Dhuux Aadan, gabayadiisiina ka qoray muddo aad u
fog ayaa dhawr buug oo uu qoray ama wax ka qoray ay si shaki
la'aan ah u caddeeyeen meerisyada caruuraha Yurub iyo America ku
cayilay ay damceen inay is daba mariyaan. Waxan ka xusi karnaa
caddaymahaas oo xoojinaya kuwii aannu hore u bixinnay;
1. Buugga "Birmageydo" (1997) (M. C. Riiraash, Aw Jaamac
Cumar Ciise, iyo rag kale) oo ay ku muujiyeen gabayga "MINE" ee
rag suugaantoodu sabooloowdey caashaqeen.
2. Buugga "Himiladii Suugaan yahannadii Hore" waxa uu Aw
Jaamac ku caddeeyey In Salaan Carrabey gabaygani lee yahay.
3. Buuggga "kas dumar..." ee Aw Jaamac ku dhamaystiray
gabayga Salaan Carrabey iyo sheekooyinkii la xidhiidhay ee gabaygu
ku soo baxay.
4. Axmed Faarax Cali "Idaajaa" iyo Aw Jaamac waxa ay si wada jir
ah BBC-da uga daayeen gabaygan dib-ka-naaxyadu Caashaqeen Reer
Doqon-ma-waayena ay iyana yidhaahdeen "Kula lihi" (Fadlan haddaad
duubtay noo soo tebi).
Ciyaalkii Qurjiile mar haddii uu qiil tiray Aw Jaamac oo yidhi
gabayga "Dh"da ah ee Cali Dhuux afkiisaan ka qoray kumana darin
beydadkaas muranka la gelshey, tolloww maxaa u yaal Doqonta hadda
soo hanbaabirtay iyo hadaaqa Dhaandhaanka weyn ee Dhoodaan ee
ducfinadiisu gaadhsiisay inuu damco inuu wax is daba mariyo.
Allaylehe Qurjiilena is deyney, Doqonkii Ogaadeenna damac kama aha
ee waa iska doqonniinadoodii ee
Waa neef dameeroo ka ciyey dugagga reeraaye
Inkastay dannaanida shubaan dan u bax sow maaha.
Hoygasuugaanta,
01/29/2008 |
|
|
SUUGAAN LAGA SINAYSTAY: |
Hoyga Suugaanta oon ugu talo
gallay inaan ku kaydinno kuna soo bandhigno Suugaanta Saadada iyo Soomali gebi
ahaanba waxay isu beddeshey madal saarka looga tumo surucyada Oromada oo
maalinba maalinta ka danbaysa sakallada sii goosta. Annagoon marna ka
leexanayn hadafkii aan u abuurnay mareegtan ayaan haddana wixii aannu
tilmaanteeda ka maarmi weyno idiin soo gudbinnaa si aad uga digtoonaataan
uguna digtaan intii daacad ka ah Taariikhda iyo dhaqanka Faca weyn ee
Soomaaliyeed.
Waxa dhawaan mareeg ka mid ah website-yada Somalida la geliyey 2 mullaaxood (cajaladood)
oo uu duubay Dhoodaan oo waxyaabo badan oo aan abwaanka, suugaanta iyo
taariikhda soomaliyeed toonna u cuntamini ay ku jiraan. Cagladda koobaad
markaan dhegeystey aad bay iiga yaabisay oo u qaadanwaa iyo afkalaqaad igu
noqotay anigoo ku wareeray sababta ku kelliftey abwaanka inuu muquurto arrimo
halis ku ah Suugaanta innoo wada dhaxaysa.
Ruux kasta garashada iyo fahanka in buu Eebbe uga qaddaraaye waxay ujeeddada
Cajaladdu ii iftiintay markii Dhoodaan marshey gabayga Faarax Nuur oo in
kastuu u gefey Abwaanka misana tibaaxay in gabay uu lee yahay Cali Oday la
siiyey Faarax Nuur oo rag buugaag ku qorteen. Gabaygaas oo ay midhihiisa ka
mid yihiin "Lix halkaa ku joogtaan dagaal laabta ka ogaada". Waxa halkaa iiga
soo baxay inaan cajaladdu taariikh sheeg ahayne tahay aargoosi aan loo
aabayeelin oo, siday ila tahay, uu u arkay sida keliya ee uu wax ku sixi karo.
Waxase Dhoodaan gefey in si xalaala loo turxaanbixiyo wixii khalad ama
madmadow ah ee soo gala Maansadeenna qaaliga ah.
Maansada Mullaaxdaa la gelshey oo intooda baldani khaldan tahay waxa Dhoodaan
nin Bidhiidh la yidhaahdo siiyey dhawr gabay oo aanu lahayn taariikhduna si
caddaan ah u ogtahay Salaan Carrabey, Dirir Warsame iyo rag kaleba. Sidoo kale
ayuu gabay dhex maray Bidhiidh iyo Ismaaciil Mire oo aan shaki lahayn ku
magacaabay Ina Cabdulle Xasan.
I. Ismail Mire
Laba bahal Bidhiidhoow hadday kaa isugu baaqdo
Hadba kii bahnimo kuu xigaa laysu buriyaaye
Barkadna hayska dhaco geela uu bururin iidoore
Gabaygan oo Dhoodaan siiyey Ina Cabdulle Xasan waxa leh Ismaaciil Mire oo
ninkii shaki kaga jiraa ka heli karo diiwaanka gabayada Ismaaciil Mire.
Arrinta kale ee uu beddeley Dhoodaan waxay tahay taariikhda gabayga oo uu
Amxaaro soo geliyey balse sida gabayga ku cad ka hadlaysa nin leh maalkayga
isaaq baan ula gelayaa oo ku badbaadsanayaa iyo Ismaaciil oo leh laba bahal (Daarood
iyo Isaaq) waxa laguu qaatay kan ku xiga ee reer tolkaa ha ka dhextegin wixii
dhacayaa ha dheceene.
II.Salaan Carrabey & Gabaygiisii "MINE"
Gabaygan oo Oromo oo dhammi caashaqsan tahay, kuwii hore isugu deyeyna ku
ceeboobeen, waxa sida cadceedda aan caad u saarnayn ninka leh iyadoo
taariikhda baalkaad rogtaaba ka marag kacayo. Illeen booli ma qarsoomo'e,
Dhoodaan isaga laftiisa ayaa ka marag kacay inaan gabaygaa Bidhiidh ninka uu
ku sheegay lahayn. Gabayga uu dhoodaan tirinayo ee ku lifaaqay tixda Salaan
Carrabey ninkii gabay wax ka yaqaanba waa soo saarayaa sida ay u caddahay in
laba gabay oon is lahayn foodda laysugu gelinayo. Ninku martabadda "GABYAA"
gaadhaa waa kan aan laaxinka aqoon marse hadduu eray soo celinta yaqaan waa
beyd-gaab jacbur yaqaanne ma aha abwaan. Akhristoow u fiirso kelmadaha aan
calaamadinnay ee ka marag kacaya in laba gabay oo mid walbaaba qiimihiisa lee
yahay laysugu cayn iyo Bayd gooyey.
|
Haddaad
dhimato
geeridu marbay nolosha dhaantaaye
Dhaqashiyo
marbay kaa yihiin dhereggu xaaraane
Nin dhirbaaxo
quudheed dugsaday dhaqayadeed maalye
Dhashaadeey
sugtaa xaajadaad
dhawrataa abide ...
Salaan Carrabey
Dabka nimanka
loo dhiibtayee ina dhex luudaaya
Iyo xaajaduu
nagu dhudhumin gaal dhafoor caddiba
Aan ka
dhimano
mooyee waxaan, dhawranaan
jirine
Ninkii ciil ka
dhaansami kareen, dhiiggu kici doonin
Iyo fulay
dhaddigi Xaashiyoow, ha iska dhuuntaane...Biriir??
lamase hubo |
|
Kelmadaha
Dhimasho iyo dhawrsasho way soo labajeer
noqdeen taasoo ku tusaysa in aan tududcyadu is lahayne laba gabay kala yihiin.
Gabayga Salaan ee tuducyada hore ku jiraan oo MINE la yidhaahdo waa kuwo aan
habayaraatee wax shaki ahi ku jirin. Ma jiro gabay u sugan oo loo hubo salaan
oo la mid ah gabayga "Mine" waxaana taas caddaynteeda ka marqaati kacay
abwaannada Isaaq, Daarood, Hawiyeba iyo Somalida kale ee u dhuundaloola
taariikhda suugaanta. Waxa kale oo xusid mudan maqaal hore oon ka diyaarinnay
isla gabaygan oo niman Harti ahi u hunguroodeen. Iyadoo aan gabaygu u baahnayn
caddayn bal wax yar ka sheegno ilaha lagu kalsoon yahay ee ka marqaati kacay
gabaygan waxan ka xusi karaa;
a.
Muuse Galaal Cali oo ahaa aabbihii qoraalka Afka Somaliga. Muuse
wuxu ahaa abwaan taariikhyahan ah oo geed dheer iyo mid walba u koray sidii
loo qori lahaa af Somaliga isla markaana taariikhdeenna iyo Suugaanteennana
loo baylah tiri lahaa. Waxa kale oo uu Muuse ahaa nin Xaaji ah oo caddaalad
yaqaan ah maansada ururinteeduna aysan u kala soocnayn inuu wax is
daba-marshaana aysan ka suurowdeen. Wuxuu ahaa nin si cilmiyaysan wax u baadhi
jirey isagoo taas ka warramayana wuxu sheegay in gabayga "Dardaaran" ee Ina
Cabdulle Xasan uu ka qoray kana saxay 17 Gabyaa iyo taariikh yahannoba isugu
jira. Waxa kaloo xusid mudan inuu ahaa nin si aad ah isugu hawlay taariikhda
Daraawiisha isla markaana hoyga waxan qoray ay gabayadii Xaajigu duubay ka
doorbideen kuwa kale. Ninka martabaddaas intaas leeg leh waxa uu gabayga
Salaan ee Halqabsigaasi ku jiro duubay 40 sannadood ka hor. (Halkan
Riix)
b.
Cali X. Xasan oo Cali Afbuur loo yaqaan oo weli nool da'diisuna 100
sano saameeshay isla markaana Salaan Carrabey soo gaadhay ayaa isna
qoraalladiisu sida cadceedda u iftiiminayaan in gabaygan uu Salaan lee yahay.
Cali Afbuur oo illaa maanta nooli waxa
uu Salaan oo hor fadhiya gacantiisa kaga qoray gabayo boqol sare u dhaafay oo
gabaygani ka mid yahay iyadoo qoraalladaas oo fartii CiSMAANIYADA ku qoran
weli hayo.
c.
Cumar Xirsi oo isna duubay gabayada Salaan muddo 40 sano ka hor
wuxuu si muran la'aan ah u marshey gabaygan Mine ee tuducyadaasi ku jiraan.
d.
Akademiyaha dhaqanka iyo Suugaanta ee Soomalida oo haatan burburay
oo lagu kaydin jirey suugaanta Soomalida waxa yiil gabayga iyo taariikhdiisa
e. Gabaygan oo Isaaq, Daarood
iyo Hawiye wixii Suugaanta u dhuun daloolaa u wada yaqaannin Salaan Carrabey
waxan kaloo intaan hayo ka tilmaami karaa
f.
Gaarriye oo dheeganaya gabayga salaan 1988-kii waa kii isna isagoo
salaan carra-baabaya gabaygana sheegaya yidhi (Halkan
riix)
g.
Yamyam ninka la yidhaahdo oo Isaaq nacaybka iyo Dhoodaan
nacaybkiisu waashay isla markaana aaan looga yaabin in gabay nin Daarood lee
yahay nin Isaaqa siiyo ayaa isagoo duubay dareen jiitayaasha maansada yidhi
(riix halkan)
h. |
|
Qoraaga
M.M.
AFRAH wuxu isna buugiisa
taariikhda Somalida baalka hore kaga qoray Salaan Carrabey gabaygiisa oo
uu halqabsigas caanka ah ka soo qaatay. |
i. Suugaanleyda gabayada
Somalida ku xeeldheeri waxay dhammaantood kuu sheegayaan gabaygan caanka ah ee
Salaan
III. Dirir Warsame
Muslinnimo ninkaan kuula socon muumminnimo khaasa
Gaal maxasta kuu dhawra ood magansataa dhaama
Gabayga Dirir Warsame ee waxa dadka qaarkii ku sheegaan Cali Jaamac Haabiil,
haddase waxa Dhoodaan ku magacaabay isla Bidhiidhkii aan soo sheegnay.
Gabaygan Dirir Warsame (HJ, Yeesif) wuxu lee yahay taariikh mash-huur ah oo
lama gudbaana in gabaygiisa la meersadana aan suuragal ka dhigi karin.
Gabaygan horta wuxu Dirir ugu jawaabay Ina Cabdille Xasan oo gabay cay ah
Isaaq u soo tirshey. Marka Ina Cabdulle Xasan lee yahay Ina Walanwal oo kale
inaan weger dhahaa weeye" ayaa berigii danbe Daraawiishi rag dila Ina Walanwal
iyo Dirir soo dirtay iyagoo ku guuleystey dilkii Dirir Warsame.
Dirir wuxu u god-galay gabaygan oo ay taariikhdiisa ku
caddahay diiwaanka Sheekh Jaamac Cumar Ciise ka qoray qawlaysatadii
Daraawiishta isku magacawday. [Halkan
Riix]
VI. Kumuu ahaa Bidhiidh.
Arrinta ugu qosolka, amakaagga, wareerka badani waxay tahay ninkan gabayada
aanu lahayn la huwiyey ee Ogaadeenka laga dhigay oo sida la sheegay aanba
ahayn reerkaas. Waxan is weydiiyey horta ma hal Bidhiidh baa jira mise laba.
Jawaabta suaashaa waxa furaya gabayga bidhiidh uu Ismaaciil Mire u tiriyey oo
muujinaya inaan isku ruux ka hadlayno. Bidhiidh ninka la yidhaahdaa waxa lagu
sheega Dhulmahanto, Axmed Grad, oo reer warfaa ah mase
hubno. Arrinta qolada ninkan weli hubsiinaa noogu dhiman waanuna ku
raad jirnaa waxase la yaab noqonaysa haddii ninkani Hartiyoobo Dhoodaan maxaa
maydha waayo dhoodaan waxa kale oo uu Bidhiidh Ku magacaabay gabaygan oo
sheekadiisaba biyo col dhaanshey ka dhigaysa haddii ninkaasi Harti Waaq noqdo.
Bal eegoo gabaygan nin Dhulmahante ahi ma tirin karaa oo reer tolkii
hablahooda dhillonimo iyo Qurji ma u quudhi lahaa. Akhristoow noogu kaalmee
inaad baadho ninkan qoladiisa!
Daarood Cagdheer baa lagu tuhmaa inay u gabyaan balse haddiiba Macallinkoodii
hormood u noqdo burburinta Suugaanta waayo soo jireenka ah waa la arki doonaa
in taariikhdu saamaxdo iyo in kale. Waa nagu ceeb inaan luxudka ugu
degno Raage Ugaas, Ina Cabdulle Xasan, Ilma Bulxan, Saahid, Xarbi iyo ragga
suugaanyahannada ah ee caawa innaga hooseeya. Haddii aan degdeg loo sixin
khaladkan caddaanka ah iyo kuwa kale ee joogtada ahba, waxa hubaal ah inay
dhantaalayso Suugaanteenna qaaliga ah oo ku danbayn doonta in sidii Geela loo
kala saanyado. Inkastoo ruux waliba u madax bannaan yahay inuu wuxuu doono
qoro misana waxan taas ka doorbiday wax sheeg iyo wax tusaalayn waayo
arrintani mid lagu degdego ka weyn. |
|