|   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
TACLIIQ...... Suugaan Dawaco cunayso
Inkastoo aanay ahayn suugaantu wax muran geli kara haddana waxa xusid mudan inaan soo qaadanno buugaag, waraysiyo, iyo qormooyin caad tiraya inaan muran ku jirin dhawr beyd oo ka mid ahaa gabaygii "Mine" ee Salaan Carrabay oo markii hore ay ciyaal Dhulbahante ahi isku dayeen in ay bililiqaystaan, markii danbana reer Doqon-ma-waaye canjileen.

Ruugacaddaaga qooraaga ah ee Aw Jaamac Cumar Ciise oo isagu hor fadhiistay Cali Dhuux Aadan, gabayadiisiina ka qoray muddo aad u fog ayaa dhawr buug oo uu qoray ama wax ka qoray ay si shaki la'aan ah u caddeeyeen meerisyada caruuraha Yurub iyo America ku cayilay ay damceen inay is daba mariyaan. Waxan ka xusi karnaa caddaymahaas oo xoojinaya kuwii aannu hore u bixinnay;

1. Buugga "Birmageydo" (1997) (M. C. Riiraash, Aw Jaamac Cumar Ciise, iyo rag kale) oo ay ku muujiyeen gabayga "MINE" ee rag suugaantoodu sabooloowdey caashaqeen.
2. Buugga "Himiladii Suugaan yahannadii Hore" waxa uu Aw Jaamac ku caddeeyey In Salaan Carrabey gabaygani lee yahay.
3. Buuggga "kas dumar..." ee Aw Jaamac ku dhamaystiray gabayga Salaan Carrabey iyo sheekooyinkii la xidhiidhay ee gabaygu ku soo baxay.
4. Axmed Faarax Cali "Idaajaa" iyo Aw Jaamac waxa ay si wada jir ah BBC-da uga daayeen gabaygan dib-ka-naaxyadu Caashaqeen Reer Doqon-ma-waayena ay iyana yidhaahdeen "Kula lihi" (Fadlan haddaad duubtay noo soo tebi).

Ciyaalkii Qurjiile mar haddii uu qiil tiray Aw Jaamac oo yidhi gabayga "Dh"da ah ee Cali Dhuux afkiisaan ka qoray kumana darin beydadkaas muranka la gelshey, tolloww maxaa u yaal Doqonta hadda soo hanbaabirtay iyo hadaaqa Dhaandhaanka weyn ee Dhoodaan ee ducfinadiisu gaadhsiisay inuu damco inuu wax is daba mariyo. Allaylehe Qurjiilena is deyney, Doqonkii Ogaadeenna damac kama aha ee waa iska doqonniinadoodii ee

Waa neef dameeroo ka ciyey dugagga reeraaye
Inkastay dannaanida shubaan dan u bax sow maaha.

Hoygasuugaanta, 01/29/2008

Suugaan Dawaco Cunayso (03/01/2000)

Waxay Somalidu ku maahmaahdaa "Hal booliya Nirig xalaal ah ma dhasho". Waxa kaloo xusid mudan in ruux booli-ku-kor ah aan looga fadhiyin astaamaha xalaal-miiradka lagu yaqaan.
 
Waxa dhawaanahan soo baxay sheegashooyin indha la' oo ay Faqashtii ka soo doogtay daaduunkii Afweyne ay ku xaabsanayaan wixii indhahoodu halacsadaan oo ay Suugaantu ka mid tahay. Dhawr buul oo ay duulkani ka unkeen Internet-ka ayay gashadeen suugaantii Salaan Carrabey qayb ka mid ah oo ay malaha damcigooda Oromonnimo ee "Waaq" ku arooraa tusay in ay baylah tahay waayo illaa maanta ma jiro buug laga qoray Murtidii abwaankii Somali ugu gabay wanaagsanaa taasoo ay sababteeda ugu weyn leedahay Faqashta oo 4-toodii gabyaa ka door bidi jirey suugaanta miidda ah ee abwaannada Salaan ka midka yahay.
 
Dadkani "Yaab" bay ka yaabsadeen oo ma jiraan wax ay ka yaqyaqsadaan taasaana keentay inay dad aan ahayn maalin walba sheegtaan, deegaan ayan lahayn ku doodaan, ama taariikh aysan lahayn oo afka baarkiis ah ay ammaamutaan. Waxay buulashooda "internet-ka" ka sheegta inay leeyihiin Sanaag, Sool (oo dhan), Jubada hoose iyo deegaamo kale oo aanay qaarkood 200 qof ka joogin. Waa duulka 1980-yadii, ayagoo isticmaalaya propagandadii Afweyne, yidhi Axmed Gurey (Karanle Hawiye) baa annaga ahaa. Waa duulkii Caadaqaatihii Ina Cabdulle Xasan 20 sano idaacada ka baahin jirey inuu ahaa weli Saalix ah oo xornimo u dirir ah.
 
Gabayga masayrku u geeyey duulkan muqlaysan waa gabayga "MINE" la baxay ee Salaan Carrabay oo ay erayadiisii qaaliga ahaa ka mid ahaayeen
Haddaad dhimato geeridu marbay nolosha dhaantaaye
Dhaqashiyo marbay kaa yihiin dhereggu Xaaraane
Dhadhan malaha aadmigu waxay kugu dhalliilaane
Nin Dharbaaxo quudheed dugsaday dhaqayadeed maalye
Dhashaaday sugtaa xaajadaad dhawrataa abide.
 
Halqabsigan xidhiidhsan labada tuduc ee u danbeeya ayay u tiiriyeen nin la yidhaahdo Cali Dhuux oo gabaygii uu Qamaan ugu jawaabay aanu ahayn mid Mux iyo murti laga macaansado lahayn ayna sababtay in la isku dayo in la kabo. Gabaygan oo Salaan Carrabay 70 sano ka hor tirshey meel kastoo murtida lagu kaydiyona yaal ma ahan mid maanta hadhaagii Afweyne muran gelin karaan. Waxay malaha weli xasuusan yihiin hal-ku-dheggii Afweyne ku ababiyey ee ahaa LA-QABSO, KU-QABSO, KA-QABSO.
 
Dadkani waxay xigtaan buug-ku-sheeg uu malmalluuqay nin aan suugaanta waxba ka aqoon sannadka 2000-ka. Ruuxa buug-ku-sheega qortay mar la weydiiyey waxa uu khaladkaas u sameeyey wuxuu jawaab uga baxay "Gabayada nin baa ii dhiibay oo sidii ay u qornaayeen baan u daabacay, laakiin waxa yaab leh waxa uu Buugga ugu tiirin waayey "ruuxa" uu yidhi waa ii dhiibay. Su'aasha meesha taallaa waxay tahay been la malmalluqay 70 sano ka dib markii gabayga la tirshey run ma suulin kartaa? Ayagu malaha sidaasay aaminsan yihiin laakiin xaqiiqdu sidaa hadday tahay nin waliba kitaab afar baal ah buu been ku xalaashan lahaa.
 
Inkastoo aysan ahayn in waqti lagu lumiyo dadkan marin habowsan ee mala ekaanaya hadana waxan idiin soo gudbinayaa labada gabay ee dad-la-moodku foodda isu geliyeen.
1. MINE(Salaan Carrabey)--> Waxa duubay Xaaji Muuse Galaal Cali 1970 yadii...Waa su'aale maxay Faqashtu, oo Media-ha dalka haystey,  waqtigaa u sheegan weydey gabayga
2. Guba(Cali DHuux)--> Gabayga Cali Dhuux oo Gabyaa  Daarood ah oo  Jaamac Kediye  la yiraahdaa duubay 1989 kii oo aan erayadaasi ku jirin
3. H  a l q a b s i y o--> Halqabsiyadan waxa duubay nin Daarood ah oo gabayada Salaan & Cali labadaba siday u ahaayeen u xusay (C/Qaadir Xirsi yamyam)
 
"Wax badso wax beel bay leedahay" baan maqli jireye miyaan arrinkani tusaale cad u ahayn sida aan labadan Abwaan (Salaan & Dhuux) laysu barbar dhigi karin maadaama ay Faqashtii ku kalsoonaan lahayd buraanburahoodu ay damceen inay u fadhateeyaan. Waxa arrinkani muujinaysaa SABOOL suugaanta Oromada ka muuqata waayo hadday murti ay ku dhaataan jirto ma hoomaayeen hadal aysan ab iyo isir u lahayn odhaahdiisa. Mar uu saluugay saboolnimad suugaanta Cali Dhuux waakii Salaan Carrabey lahaa
Nin gedaadda xaraf kaa badshaan gaasiryow ahaye
Gudcurkaba Gollidu waa cidaa Gawra dhaxmeede
Gulaal anigu kuma taagsan karo soo gadhaaciyi'e
In Gunaanad kugu waajib yahay waxa gunteediiya
Nin Gasiirad kugu oodi baad daba geleysaaye
 
Suugaanta Salaan Carrabey ka weyn wax sannadka 2000 ay Dawaco feenfeenato ee waa murti dhaxal gal ah oo kumaankun sano aan ka suulayn carrabka jiilasha soo socda.
 
Waxa keliya ee aan arrintan ina xasuusinaysaa waxay tahay in la gaadhay xilliigii la qori lahaa Suugaantii waafiga ahayd ee Salaan Carrabey, Maxamed Yawle, Aflow, Gahayr, Qawdhan Ducaale, Maxamed Nuur fadal iyo abwaannada kale ee Soomali uga tegey dhaxal-Suugaameed dhaqankeenna ka tarjumaya.
   
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com