|
|
|
|
|
|
Kal-Xoor
Maxamed Cabdalle Xasan, (OG)
Daraawiish oo horraantii qarnigii 20 aad gelelefeysey geyiga
soomaliyeed siiba woqooyiga waxay foodda is dareen Qabiilooyin
ka dhiidhiyey dulmiga iyo dhaca ay guutadaasi caanka ku
noqotay. Habar Jeclo Bari iyo daraawiishii waxay ku hardameen
goobo badan oo ay ka mid ahaayeen Ilkacad, Gobo'gobo,
Galangalxa, Dheelliya, Jarjeer iyo goobo kale oo badan.
Dagaaladaas oo maalinba qolo libtu raaci jirtey ayaa waxa
Maxamed Cabdalle Xasan u yimi Abshir Dhoorre Xasan oo
walaashiina qaba kana mid ahaa Qusuusida Daraawisheed.
Ninkaasi waxa sida la weriyo uu yidhi "Seyidii raggaa maalin
walba xoolaha keenayaa rag loo yaqaanooo dumarkii waxay na
leeyihiin halkuunbaad taagan tihiine waxan rabaa inaad i
fasaxdaa oo aan mar geel magac leh Xarunta keenaa".
Wuxu ciidan u dumay Habar Jeclo Bari isagoo wata ciidan xul
ah. Fardaha wuu xushay oo wuxuu yidhi neef aan Isxal dhalin ku
duuli maayo, nimaan Maqaddin ahaynina i raaci maayo. Abshir
wuxu sameeyey laba khammaar oo waa mare wuxu xushay Qusuusidii
dilka loo diidayey ee elite-ka Daraawiisheed ahayd. Marka
labaadna wuxu jebiyey xeerkii M.C.Xasan ee ahaa inaan Geenyada
dhalaysa iyo Darmaanta lagu duullaan geli jirin isagoo ku
andacoonaya in dhasha isxal ayadu isqabato oo haddii la
dhacsado Geenyada lala hadho in la beero ayuu ka baqanayey
isagoo aaminsanaa inaan faraskaas dhashiisa cidi gaadhin.
Ciidankii Abshir waxay galeen meesha la yidhaahdo KALXOOR.
Inta laga il horreyey markay Xanig marayeen ayaa suryo loo
galay oo 62 nin iyo 62 faras oo WEYSEYSANE faraska la odhan
jirey ku jiro ayaa maantaa lala hadhay. Weyseysane waxa la
hadhay Xasan Oomaar Xuseen oo markii danbena watey ciidankii
markii taleex la galay 1921kii loo xilsaaray inay qabtaan Ina
Cabdulle Xasan.
Xaaji Suudi baa Seyidkii ka dacweeyey Abshir oo yidhi "Ragna
ma wado fardana ma wado".
Waa kii Ina Cabdulle Xasan oo faraskaasi siduu ugu dheeraa
tilmaamayaa lahaa
Wadeecayse neefkii fardaha ugu war
weynaaye
Waheey wahe ma Weyseysanaa waaxid kale fuulay
Wedkana diidi maayee siduu inanku ii wiiqay
1)Ina Cabdalle xasan wuxuu markuu Abshir waraystay tiriyey
gabaygan uu neef iyo neef ugu qaadayo fardihii lagala hadhay
maalintaas illeen waa nin neef iyo neef u yiqiinnaye. |
|
Tartarrada Kalxoor
waa waxaan Teysa Roob qabanne
Markii geeli taabsin u jirey yey kor uga taageene
Tollaala'aye maan maalintii tago arwaaxayga
Tubta loo maraabaan aqaan Togiyo Heemaale
Ina Timayar(1) taylkay dhashiyo Tiiris iyo baacis
Iyo Toogihii Ina SIyaax Dumashadii Baarcad
Sengayaal Tilmaannaan jirey iyo tu' anan sheegaynin
Taataabey iyo Laaq haraad lagu tabaaley'e
Tub shareera baa lagu maraye Xamar ma taaheene
Weyseysanaan tabanayaa gole ka tooxiiye
Shaluu-Maray taraarkaad ogeyd toog ma u roginne
Waa tii Tutuun adag la biday taharihii Boode
Tartarkeeda dhuubmaa Ashkiro lay tarradhiyaaye
2)Canaantii Abshir iyo ciidankiisii uu Ina Cabdalle Xasan u
soo jeediyey
Daraawiish raggaan moodayee dooyada u
soocday
Darmaan haad la qooqdiyo raggaan dalab u heenseeyey
Een ducada faraqawgu xidhay Dahabkanuu dhiibey
Dekenkoodu nimankaan lahaa duudsi noqon maayo
Dad iyo duunyo nimankuu kufrigu degelladuu reebay
Ee uu raggoodi u deldelay daniyo yeelkooda
Nimankuu sidii diir kudshee dogob ku nooleeyey
Nimankii dagaaggoodu tegey Doollo iyo Qaarrey
Raggii dalaslihiisii ka dhacay dunida guudkeeda
Nimankii Dirrawgii qabsaday dabinka qoolaabtay
Dorraad nimanka Daad-Bey maree doocna tari waayey
Nimanyohow kolkii lagu dirmay dabada taageene
Dantayna maaha maantaan sidii deero cararaaye
Rabbow way dulleeyeene yaa duulka iga geeya
Yaa Daabbadayda iyo Dabkiyo Duubka iga siiya
3)Isagoo weli ka samri la' goobtaas raggii iyo fardihii uga
lumay ayuu gabayganna rag magac-dhebayaa oo canaan dusha ka
huwinayaa.
Cayn iyo Saraar jiidan bay Carab u
fuuleene
Darmaanii Curtuutida ahaa sooma ay celinne
Raggii carari jireybay jihaad caama geliyeene
Isagaa naftiisii caddibey Calaqi Dheeraaye
Isagaa Cariishkii ka tegey Cawda loo dhigaye
Goortii rasaas lagu cammiray ee lagu cabbaynaayey
Abshir(1) sow calaacal iyo way kuma cataabaynin
Sow caagayeey lagama siin Calan intuu taagey
War ma Cawraluu moodayaa cadawga reemaaya
Candharaashka dumarkuu yaqaan Ciir-ka-barigiiye
Goortay cidhiidhiga gashuu caano leeyahaye
Cabdina(2) Caynabkiisii miyuu Caday ka boodsiiyey
Caddadkeed Daraawiish ninkay wada ciseyneysey
Sidii Caalinkii Boqor ninkii cuurku daba joogey
Xirsigii la camajaajin jirey haadka la cayaarye
Obsiiyii(3) is coofaadhin jirey camal daleeleedka
Goortuu cabsood galay miyuu Nadi ku caaryeeyey
Cantatoobsigii Bood miyuu cagabudhlaysiiyey
Seeraarna(5) neefkii caddaa sow ma celin waayin
Cagararanna Maadeys miyuu caynba kol u toocshey
Cali iyo Cismaan Xaajina sow Caado kama jeexmin
Casha noolba cuur Duubleh yuu cadaw u loogaaye
Darmaantii cadceeedda u ekayd Jaamac(6)celin waaye
Ma cirkuu u kudi geenyadii cawdhisbaa dilaye
Cuukaalsanoow Guuliyaa garab canbuullaaye
Caqli xumo Qamaan waa wixii looga caal gabaye
Is camaalaqiisii miyaan lagu caneeqaadin
Muusaa(7) Cargaagtamahayey igu cabeebsheene
Ma carcoorriguu galay sidii Cawsha iyo Siigga
Markuu Oogle(8) coolinahayuu cayda badiyaaye
Cidnba maba bushuuq yari markaan ragisu caalayne
...............................
1. Abshir Dhoore Xasan
2. Cabdi Nuur Xiddig
3. Xirsi Jeedanle
4. Obsiiye Seed Magan (Ina Cabdalle Xasan Abtigiis)
5. Seeraar Shawe
6. Aw Jaamac seed Magan (MCXasan abtigiis)
7. Muuse Waranle
8. Oogle Seed Magan (M.C. Xasan abtigiis) |
|
|
|
|
|
|
|