|
|
 |
|
 |
|
Maxaa
Iiga
Gidhiisha
Maxamed
Nuur
Laangadhe.
Gabaygan 1943kii ayuu tirshey abwaanku.
Maadaama uu abwaan ahaa waxa ingiriiskii weydiistey inuu ka
hadlo guulihii ingiriis iyo xulafadiisu ku hanteen dagaalkii
labaad |
|
Mar hadaan gurigayga
gidhligaanka gariiriyo
Garnayl loola tagaynin
Iglan baa gubanaysa
Maxaa iiga gidhiisha
Gudaha ceelka hargeysa
Weligay gees uma dhaafin
Bal maxaa laba gaal
oo abtirsiimo gudboon
Midkood aan u gumayn
Midna guusha u siin
Maxaa iiga gidhiisha
Gudaha ceelka hargeysa
Waligay gees uma dhaafin
Inta aan wax gasiintiyo
Intaan gaajo ku seexday
Hadii aan isu geeyo
Mala waa isku gow e
Mar haddaan ka gabyay
oon go'aygiina ka qaatay
Maxaa iiga gidhiisha
|
|
|
|
 |
|
 |
|