KITE FIQI (1800 - 1860)

 |   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Taariikh   |
 
 
Kite Fiqi (1800 -1860)
 
Kite Fiqi Yuusuf oo ahaa abbaanduule geyiga Somaliyeed caan ka ahaa horraantii qarnigii 19-aad waxa uu innooga tagey taariikh ballaadhan oo inteeda badani luntay iyo Suugaan ku lammaan.
Kite inkastuu ahaa nin ku ad-adag beelaha ay colaaddu u dhaxayn jirtey misna ma ahayn nin ku dheereeya collaadda sokeeyaha. Kite markuu cid walba ka soo hoyday ee ammaan  iyo barwaaqo la helay nin walbaana 20 wiil u dhalatay ayaa rag ay isku raas ahaayeen isku taageen. Kite isagu dad badan ma dhalin reer yarna waa ka dhashay markaasaa rag badani taladii uu reerka u hayey iyo abaanduulenimadii ku hungureeyeen iyagoo weliba u awood sheeganaya. Kite inkastoo aanu dagaal humin ayuu haddana isagoo jilibbo ay is xigaan ku dhaadanaya ayuu ku geeraaray. Geeraarkan wuxu ugu quusdhebeyaa nin Xaashi la odhan jirey oo Abokor Cumar ah oo ay faras isku qabsadeen isagoo ka dareemay in nimankii tolkiis ee ay is hayeen ay u soo raaceen Xaashi oo ay damacsanaayeen in faraskiisa Xamar Dhoorre la siiyo. Sheekadu nooma dhamma waanse ku daba jirnaa haddii aannu helno wax noo saxana waannu idinla wadaagi (Insha Allah).
 
Intaan xoonka Wacaysiyo
Xagaa wiilal ka haysto
Asay Xaynta Ibraahim
Xumo ii talinayso
Laanka haadku ku xaydiyo
Xaraartaan ka dhashay
 
Haddii Xaashi yimaaddo
Ama Xoolo la keeno
Amay oori xalaala
Xariir soo huwiyaan
Inaanan xaajo ka qaadan
Xilaabaan ku dalaaqay
Waryaahee Xamar Dhoorre
Xasil laygama eego
 
Xurguftaas Kite iyo ragga kale soo kala dhex gashay ayuu aakhirkii uga tegey talada reer yoonis iyo Cumar isagoo magaalo ka  samaystay Laas Muuse oo ah marso ku taal xeebta Badda Cas. Markuu Laas Muuse degey ayaa loo soo sheegay in Beelihiisii la galay isla markaana looga baahday kaalintii uu weligii hayey. Kite arrinkaas waa ku gacan saydhay oo waa kii lahaa
 
Mannadiina la qaaday
Maatidiinna la laayey
Madaxdiinna idlaatay
Anba waan maqlayaaye
Muraad baan iga haynoo
Waa waxaan Badda meersan
Magaala uga samaystee
Nimankiini magoolkiyo
Midhaa sheeganayoow
Tolkiin meel mariya
 
 
Copyright 2000 - 2004  HoygaSuugaanta.com