|
|
|
|
|
|
Kite Fiqi(Part4)
Ibraahim Fiqi Yuusuf "Kite Fiqi", (HJ), (1810-1870)
PART 4.
Dhibaaddii Buney Cabdalle.
Kite fiqi oo ahaa nin xarago badan,dagaal yahan ah,gabyaa ah,
abbaanduule ah ayaa waxay ceel ku kulmeen Cabdalle Cumar Cali
naaleye Axmed oo ay hadda ku abtirsadaan jilib dhulbahante ahi.
Cabdalle oo isna kibir badnaa ayaa kite ku yidhi "Kite Fiqiga
la sheegaa ma adigaa", Haa buu yidhi Kite. "Goormaan ku soo
beegaa buu yidhi Cabdalle isagoo u jeeda goormaad wax iska
celin kartaa. "Marka gugu hooro ee Cumar iyo Reer Yoonis
degaan labada Dooxo ee Jarato Iyo Gomosh" buu u celiyey Kite.
Markii gugii da'ay oo reerihii nimcaysteen ayaa Cabdalle col
geliyey Reer Yoonis iyo Cumar oo degey labadii dooxo iyo
daafaheeda. Ciidankii soo duulay inta la jebshey ayaa
Caballena la qabtay oo gacanta lagu dhigay. Kite ma dilin
Cabdalle ee intuu Arad tiray ayuu laba nin ku daray oo yidhi
marka oosha Naaleye Axmed isdiin muuqato ka soo laabta. Markii
Cabdalle oo axankiisii la cunayo loona baroranayaa soo galay
ayaa la fajacay. Caballe nin gob ah buu ahaaye laba nin buu
soo diray oo yidhi Kitoow gabadh baan idin siinnaye u soo
qabsada cid. gabadhaasi waxay ahayd Buney Cabdalle oo hablihii
Carrigaas degganaa ka sheegnayd.
Kite Fiqi markay xidideen Cabdalle Cumar Cali ayaa Buney
Cabdalle oo ay walaalo ahaayeen ninka la odhan jirey Afxakame
u dhibaad doonatay tolkeed. Cabdalle waxa kaloo gabadh ka
qabay niman Biciide (HJ) ah. Gabadhii Biciiduhu qabay waxaa
lagu dhibaadiyey 60 adhi ah, tii Kite walaalkii u dhaxdayna
waxaa lagu dhibaadiyey.
1. Xoolo aad u badan
2. 3 nin(midgaan,tumaal,yibir) .
Nimankii Biciide ayaa ka xanaaqay arrintaas oo qaadan waayey.
nin gabyi jirey oo qoladaas ahaa ayaa gabyey oo ay gabaygiisa
ka mid ahaayeen
|
|
Barrahan raysin raysin u fadhiya bad iyo raarteeda
Iyo nimankan Raariyo dega iyo buurta regedkeeda
Iyamay rakaab adag bideen aniyo reer Yoonis.
Kite Fiqi oo ninkaas u jawaabay waxaa uu marshay tix gabay ah
oo aan ka hayo
Barrahan raysin raysin u fadhiya bad
iyo raarteeda
Iyo nimankan Raariyo dega iyo buurta regedkeeda
Midna raqiisi maayoo anaan ribo ku sheegayne
Abtirsiimo labadeenna reer waa isku raacdaaye
Maxaad raran dhexdena uga shidi sow nin raga maahid
Haddiise ay rabshadi oogantoo belo la roocaadsho
Goormaa rakaab jilicsanaan rag igu quulquulay
Ridadii Wareeg sownigii kaaga ridey maaha
Rasuulkii ma sheegine intii dabadi raad qaadday
Goormaa cilmiga ruugistiis nalaga roonaaday
Anse moogi dabaday rag dhalan dunida oo raagta
|
|
|
|
|
|
|
|