|
|
|
|
|
|
Kite(Part1)
Kite Fiqi (Ibraahim Fiqi Yuusuf) (HJ)
Qaybta I aad
Kite Fiqi wuxuu ahaa geesi noolaa abbaara 1810-1870. Wuxuu ka
dhashay qoys wadaaddo ah, aabihii Fiqi Yuusufna wuxuu ahaa nin
caallim ah oo geyiga uu degannaa ka sheeggan. Waxa uu ahaa
Abbaanduule isagoo aasaasay Ciidan fallaago ah oo ugu magac
daray SOOCANE.
Colkaas soocane la odhan jirey oo ka koobnaa Reer yoonis
iyo Cumar Jibriil (HJ) waxay xilligii ay jireen ka
sheegnaayeen deegaanada Cayn, Nugaal, Saraar, guban iyo
Soolasa Ceerigaabo ka hooseeya. Nin Sacad Yoonis lagu sheego
oo ka sheeganaya dhibaatada colkaas Soocane ku hayeen beelaha
ka ag dhawaa wuxu yidhi.
Soomali oo idilba waw sacatareeyeene
Soocane Ilaahaw ku bixi sebenka duulaaya
Samaydiin ma dhiidhido maalintay seenyo ololayso
Sacad Yoonis iyo Bah Idarays saymo ugu oodma
Sawliila waataad wax badan uunka sababteene.
Colkaas Soocane waxaa intiisii u danbeysey ay Daraawiish isaga
hor yimaaddeen meesha la yidhaahdo ILKACAD oo illaa 70 nin ay
ku qudhbaxeen. Inkastoo ay galaafteen tiro taa ku
lba-jibbaaranta, dadka ay laayeen ama la dagaalamayeen waxay
ka kala socdeen beelo kala duwan halka ay iyagu isu raas ka
ahaayeen. Waatii nin canaanayey beesha Kite fiqi ka dhashay uu
lahaa
Kite Fiqiba dabadii nabsigu idinma kaalmayne.
Taas oo uu uga jeedey Kite Fiqi ka bacdi maydnaan yeelan
halyey faraha looga gubto.
Waxaa beri colloobey beelaha Kite ka dhashay iyo Habar Jeclo
galbeed siiba Axmed faarax iyo Solamadow. Nimankaasi waxay soo
dumeen ciidan xoog leh oo sida rajaynayeen maal iyo dadba
cagta mariya beelaha kite oo xurguf yari dhextiil. Ciidankii
markuu beelihii dul yimi oo laga war helay ayaa Kite Fiqi oo
da' yaraa ka hortegey ciidankaa. Isagoo u caqli celinaya una
tilmaamaya dhibaatada colaaddu leedahay ayaa faraskiisii inta
ciidankii hadba dhinac u qaadsiiyey isagoo ku geeraaraya |
|
Labadeennan Kurood
Oo kaalalkoodi sita
Oo laysku soo kiciyaa
Waa masaa'ib kulmaysee
War toloow kala jooja
Haddii aad kari weydo
Ama aad kasi weydo
Kufaarkii inankiisoow
Kariimkaan baryayaaye
Kabaalkiinnu jab maanta
...
Dagaalkiibaa dhacay waxaana looga go roonaaday nimankii soo
duulay ee gardarada ku socdey abhiskii Kitena iska dhegamaray.
Markii la kala dheelmay ee qolo waliba dhibkeedii dhabarka u
ridatey ayaa kite oo iyo raggii kale, oo u qalab qaatay inay
aasaan raggii meesha ku le'day, wuxuu arkay gorgor dul
heehaabaya goobtii damacsanna inuu hilbaha halyeyada dhintay
uu hiigo. Wuxuu kite geeraar ku yidhi isagoo la hadlaya
Gorgorkii:
War waa jeedha jibriiloo
Jinaw iiga macaanoo
janno iiga udgoonoo
anba waan jaqayaaye
Gorgorkoow ha ku joogsan
Intaasi markay dhacday ayaa Kite mariyey gabaygan oo uu ku
sifaynayo baasihii dhacay:
Reer Maxamed maaggoodi iyo malihi
beenoowye
Reer Maxamed maaggoodi, iyo malihi beenoowye
Waatay malyuun, iyo lag, iyo maayad kiciyeene
Guutada maqiiqani baqay mihindisaayeene
Maandhaaf rag waysugu tagaa maalin diririeede
Duulkii madhweyn maalinbaa mawdku jebiyaaye
Mari weydey Nuuxoow waxaad mijindisayseene
Reer Muuse waa mahadiyaa midha nin sheegtaaye
Wax dhaaxay qabiil magac lahaa, malaw ka siiyeene.
Nimankii maqaar loo ridyoo qaarba meel qabaye
Aadan Madoobe Daarood u muud, mooyi suu noqonne
Marsaduu u qaxay Yeesifkii, muunadda lahaaye
Reer Biniin galbeedbuu u mudhay, maganna weeyaane
Abokor Axmed buurtiyo medkuu, maati baxayaaye
Wax Bullaale meermeerayaa, meel an qarinayne
Maxamed Axmed goobtii ka maag, madashi weyneyde
Midhadhbaa dagaalkii ku lumay, moosinkii hore’e
Reer Xaadna waataan makalay, mara-caddoodiiye
Abtidoon madhkii baa ku dhacay, midigti toosnayde
Solamadow sidaan ugu mintiday, meeshi laga waaye
Malkadii Wareeg baa la dhigay, Malow raggiisiiye
Midigtayda waataan ku diley, Madowgi dheeraaye
Waataan magooshaday raggii magaca weynaaye
Cimraan laba marqaaf buu ahaa lagu midgaaneeye
Magan iyo Cawaalaan lahaa, meesha yay imane
Nimanbaa muquunshaye inaan mudo ma doonayne
Geelaa Saraar meeraya, iyo moqitinkaa Oogle
Maryaweynta reer Daahir iyo nimanka maal weyn ah
Meeshaan maqaanaha u sido maantana anaa og.
Reer Daahir waakii la xididay Reer yoonis iyo Kite ee
Guursaday Arda Abokor Fiqi oo Kite adeer u ahaa. Ardo waxay
dhashay nimankii gabyi jirey ee ilma Fadal aabayaashod qaar ka
mid ah sidaan sheekada ku maqlay.
|
|
|
|
|
|
|
|